Home Blog Page 945

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo si Toos ah u furey Bandhigga Baydhabo

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa Maanta Waxaa ka dhacay Furitaanka Bandhiga Dhaqanka Farshaxanka waxsoosarka iyo Buugaagta kaasi oo loogu Magac daray Bandhiga Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfir Galbeed, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda KG, Wasiiro xildhibaano Ka wada Tirsan Dowlada Dhexe iyo Dowlad goboleedka iyo Aqoon yahano ayaa ka qeyb galay Bandhiga Baydhabo.

Bandhiga ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay Wax soo saarka Dalagyada Qeybahooda kala duwan Buugaag ay qoreen aqoon yahano iyo Farshaxanka oo ay kamid ahaayeen hiddaha iyo dhaqanka.

Kasoo qeyb galeyaasha Bandhiga Badankooda waxay xirnaayeen Hiddaha iyo Dhaqanka, Taasi oo muujinaysa Bandhiga inuu ka duwanaa Bandhigyada kale

Gudoomiyaha Barlamaanka Koofur Galbeed  mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna maye ayaa dhankiisa umahad celiyey Dadkii Soo abaabulay Bandhigan waxaana uu Sheegey in bulshada muhiim ay utahay inay helaan bandhigyo Noocaan oo kale ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa si Toos ah ufurey Bandhiga Baydhabo Kaasi oo Maalmo kasocon doona Magaalada baydhabo waxana madaxweynaha uu Sheegey in Kan Dowlad ahaa ay kaalin ka geysan doonaan Cid waliba oo jacayl hormarka Deeganada Koonfur Galbeed Waxana uu umahad celiyey Cid waliba oo kalin ka geysatay bandhigan.

Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Sedax Maalin Oo Barood Diiqa Ah, Guddina u Saartay Aaska Guddoomiye Yariisow

Khamiis, Agoosto 01, 2019— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudan Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah.

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Isbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Eng Yariisoow iyo Calanka oo hoos loo dhigay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.”

“Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo ku Geeriyooday Magaalada Doha.

0

Alle Ha u naxariistee waxaa Magaaladda Doha ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyahii Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii Argagixisinimmo ee ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta Qaranka u Xaqiijisay Geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud ayaa Ehelada & Shacabka Soomaaliyeed uga Tacsiyadeeyey Geerida Guddoomiyahii gobolka Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  tacsi u Diray Dhammaan ummada soomaaliyeed Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana  Duqii Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow”

“Aniga oo ku hadlaya magaca Garsoorka JFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, Shacabka ku nool Caasimada Magaalada  Muqdisho iyo Gobolka Banaadir & iyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo kaga  tacsiyeynayo Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho oo ku Geeriyooday Dalka Qatar” ayuu Yiri Garyaqaan Baashe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa dhankiiisa sidoo kale  Ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Duqii Caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Boliiska Kenya oo fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen in ay ka geystaan Mandheera

0

Hal Qof oo ka tirsan Dadka degaanka ayaa ku dhaawacmay dagaal kooban oo dhex maray Boliiska Kenya iyo Malleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo haatan lagu baxnaaninayo Isbitaalka Degmada Ceel-waaq Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Booliiska Kenya oo lagu Magacaabo, Charles Owino ayaa Maanta oo khamiis ah sheegay in ay Ciidanku dib u riixeen Koox Hubeysan oo kasoo tallowday Xadka Soomaaliya, kuwaas oo doonayay in ay qalalaase ka geystaan gudaha Kenya.

Wuxuuna Afhayeenku ku ammaanay Dadka reer Mandheera tallaabada geesinimada leh ee ay qaadeen, markii ay xog ku aaddan Aragagixisada la wadaageen Laamaha ammaanka.

Hadalka Afhayeenka ayaa yimid markii ay Koox Hubeysan isku dayday in ay weerar ku qaadaan Siddeed Shaqaale ah oo ka howl-galayay degaanka Kotulo, oo ka tirsan ismaamulka Mandheera.

Booliiska ayaa sheegay in Dableydu uu qorshahoodu ahaa in ay weerarka qaadaan 22-kii July ee Sanadkan, balse uu dib u dhacay, ka dib wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmartay Dadka degaanka  iyo Saraakiisha ammaanka.

Wuxuu Afhayeenku ugu baaqay Shacabka in ay sii wadaan la shaqeynta Saraakiisha Booliiska, si loo adkeeyo ammaanka, wuxuuna sidoo ka codsaday Dadka reer Kenya in ay feejignaadaan oo ay soo sheegaan Cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Isha/The Star

WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN CELINTA JINSIYADDII LABAAD EE MADAXWEYNE FARMAAJO

0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku ridday xubin ka tirsan Daacish

Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi ah

Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:-

1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen MarxuumEx-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland.

2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso.

3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag  ee magaalada Muqdisho  ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray       (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed  Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka.

Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo.

Xukuumadda oo u hambalyeysay maamulka Puntland

Dhuusamareeb-(SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.

“Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka deegaanka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.

Ciidan lagu soo tababaray Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (ammar dambe), ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo tababar kusoo qaatay Dalka Turkiga

Wasiirka oo ay wehliyaan ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga ee Soomaaliya, ayaa Ciidanka ku bogaadiyay sida ay ugu Dhabar adeygeen tababarka ay soo qaateen.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamadan kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay tababarka u qaateen muddadii ay joogeen Dalka Turkiga

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowlada Turkiga kaga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya,Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib udhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ciidanka soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhow Sanad waxa ay tababar ku qaadanayeen Dalka Turkiga, waxaana jira dufcado kale oo iyaguna ka soo baxay Dugsiga Turk-Som ee Muqdisho iyo xarumo kale, kuwaas oo door buuxa ka qaadan doona la dagaallanka Argagixisada.

32 Qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Afghanistaan

0

32 Qof ayaa ku geeriyootay 17 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, markii ay Maanta oo Arbaco ah Miino la kacday Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Dad Rayid ah, xilli uu marayar Waddo u dhaxeysa Kandahar iyo Herat ee Dalka Afghanistaan.

Afhayeenka maamulka Gobolka Farax , Muhibullah Muhib, oo warbaahinta Al-Jaziira la wadaagay qasaaraha halkaasi ka dhashay ayaa sheegay in ay Dadkaasi ku waxyeelloobeen Miino ay Ururka Taliban ku aaseen Waddada dhinaceeda.

“Miinadu waxay ahayd mid dhowaan ay meesha geliyeen Jabhadda Taliban, iyaga oo uu bartilmaameedkoodu ahaa Ciidamada Afghanistaan iyo kuwa nabad ilaalinta Caalamiga ah, waxanay dhibbanayaashu u badnaayeen Haween iyo Carruur”,ayuu yiri, Muhibullah Muhib.

Sediq Sediqqi, oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Afghanistaan ayaa dhimashada ku sheegay in ay gaareyso 34 Qof, wuxuuna mas’uuliyadda qaraxa dusha ka saaray Ururka Talibaan ee Gacan-saarka la leh Al-Qaacidda.