Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Laamaha Amniga ee maamul  Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faahfaahin guud ka bixiyeen howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose, kaas oo ay fuliyeen Ciidamada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in howlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame.

Howlgaladaas guulo waaweyn ayey ka gaareen ciidanka fuliyey, sidoo kalena ciidamada ayaa dilay Afar Xubnood oio ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Milateri sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...