Keynya oo digniin culus u dirtay Shabaab.

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya, Fred Matiang’I, ayaa digniin culus u diray Maanta Kooxda Argagixisada Al-Shabaab iyo Dadka gabbaadka siiya, si adagna ay ula dhaqmi doonaan haddii ay Gacanta ku dhigaan cadowga.

Wuxuu intaa ku daray Wasiirku in iyaga oo dhowraya xuquuqul Insaanka sharcigana ixtiraamaya, aysan sinnaba u kala sooci doonin cadowga iyo kuwa iyaga difaaca, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ballaaran oo ka saran ilaalinta Dalkiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay shir lagu gorfeynayay ammaanka oo ka dhacay Mombasa ayaa waxa uu faray saraakiisha Boliiska iyo Gudddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Xeebta in ay soo xaqiijiyaan Dadka ku nool degaannada ay ka arrimiyaan iyo aqoonsiyadooda, si loo garto waxa ay yihiin iyo halka ay ka yimaaddeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...