Ciidan Xoogga dalka oo kala dhex-dhigalay maleshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Date:

Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay kala dhex-galeen maleeshiyaad dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ku dhex-marey deegaanada Mirxeyley & Bangeelle oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado & Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada la kala dhex-dhigey labada maleeshiyo Beeleed oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Col Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere),waxaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaannadii lagu dagaalamey ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka meelihii lagu dalaamay.

Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka ayaa wada inay dagaalka xal ka gaaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...