Shirka Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed oo lagu qabtay Masar.

Date:

Shirka ay yeesheen maamulada Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed ,loogana hadlaayey Waxqabadka Mac-hadka ee sanadkii Tagay iyo qorshaha kutalagal ee 2020-2025-ka ayaa lagu qabtay Magaalada Sharm Al-Sheikh ee dalka Masar.

Shirkaasi oo sidoo kale looga hadlay miisaaniyadda,waxaa ka qeybgalay  Wafdi ka socday Soomaaliya oo ay Hoggaamineysay Wasiir ku  Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Hon. Fahma Ahmed Nuur.

Wasiir ku xigeenka ayaa qudbad ka jeedisay Shirka waxa ay uga hadashay horumarka Soomaaliya iyo Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo hirgalintiisa sanadka bilaawday, Sidoo kale waxa ay sheegtay in Shaqaalaha Dowladda ay si wanaagsan ay uga faa”iideysteen Tababbarada.

Fahma Axmed Nuur waxay shirar gaar gaar ah la yeelatay Madaxa Mac-hadka iyo Madaxda ka kala socotay Dowladaha Carabta oo ay ka wada hadleen sidii Loo joogteyn lahaa loona kordhin lahaa Tababarada ay Soomaaliya u baahan tahay maadaama ay kasoo kabaneyso watigii adkaa ee ay soo martay.

Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed  wuxuu Soomaaliya ka taageeraa tababarro dhinaca Tayeynta Shaqaalaha Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...