Soomaalida ka ganacsata dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay “Warbixin”

Date:

Sida aad la socotaan Soomaalida ayaa inta badan ku wanaagsan dhanka ganacsiga iyagoo kasoo muuqda meelaha ay tagaan sida dalalka ay ganacsiga ka bilaabeen ee kala ah Koofur Afrika, Musambiig, Koofurta Suudaan, Kenya iyo Uganda oo warbixintan uga hadli doono.

Dhamaan dalalkaas waxa ay Soomaalida ka sameeyeeyn ganacsi muuqda oo heer fiican ka gaareen ganacsatada, iyagoo inta badana dhibaato kala kulma soo muuqashada deg dega ah ee Soomaalida ganacsiga ka gaartay.

Dalka Uganda waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay 20 kun oo qaxoonti iyo dad deegaan ah isugu jira kuwaas oo xuriyad u helay in ay ka ganacsadaan gudaha Uganda iyagoo wata sharciga dalkooda Soomaaliya.

Maxay Ugandeska ka aaminsan yihiin Soomaalida?

Muwaadiniin Ugandees ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in ganacsatada Soomaalida ay yihiin ganacsato daacad ah oo aan iibin wax dhibaato u keenaya dalka iyo dadka Uganda, waxa ayna tusaale iigu soo qaateen dalal kale oo usoo iib keenay Uganda waxyaabaha dadka dhiba ee mukhaadaraadka ah  sida Khamriga iyo waxii la mid ah, halka Soomaalida ay keenaan cunooyin iyo wax dalka anfac u leh.

Ugandeeskaas ayaa sidoo kale ii sheegay in Soomaalida marnaba lagu arkee in ay sameeyaan khiyaano sida in dalka ay keenaan wax dhacay oo waqtigooda dhamaaday, ama ay keenaan qalab aan tayo lahayn halka Uganda ganacsatadeeda ay ku dhaliileen in wax tayo xun keenaan hadana qiimo badana ku iibiyaan.

Dadkaas ayaa sidoo kale ku tilmaamay Soomaalida in faa’ido badan ka raadin ganacsigooda balse ay kasbadaan quluubta macaamiishooda iyagoo qiimaha dulsaarka ah aad u yareeya halka ganacsatada kale ay sameeyaan in dulsaar aad u badan saaraan qiimaha waxa ay iibinayaan.

Soomaalida maxay ka ganacsataa?

Soomaalida Uganda ka ganacsata oo dhowr qayb ah ayaa inta badan ka ganacsada qaybaha kala duwan ee kala ah sida Maqaayadaha, Shidaalka, Qalabka dhismaha, Sarifka lacagaha, xawaaladaha, Gaadiidka dalalka afrika isaga goosha iyo waxii la mid ah.

Maqaayadaha ugu waa wayn ee Uganda waxaa gacanta ku haaya Soomaali in muddo ah ku noolaa Uganda waliba yimid xiligii dagaalkii labaad ee aduunka kadibna galay ganacsigan oo aad looga dareemo gudaha Uganda, waxaana magac ahaan ganacsatadaas loogu yeeraa gudaha Uganda Mandeelayaasha oo ah magac ay caan ku yihiin.

Maqaaxiyadaha ugu waa wayn ee Soomaalida hayso waxaa ka mid ah oo marka aad Uganda timaado meel walba ka heli karto CAVE’S JAVAS, kuwaaas oo cunooyin aad umacaan oo heer caalami ah sameeya.

Sidoo kale Soomaalida ayaa inta badan Ajibyada ama kaalimaha shidaalka haaya oo ah kuwa inta badan xukumo ama jaan gooya qiimaha shidaalka dalka Uganda, iyagoo ah haysta shirkada ugu magaca dheer dhanka shidaalka

Shirkada shidaalka ee Soomaalida hayso ayaa waxaa ka mid ah, Hass Petroleum, City Oil, Luqman Petroleum, iyo kuwa kale oo dhamaan ku kala baahsan daafaha dalka Uganda magaalo ilaa iyo miyi.

Gaadiidka waa wayn ee isaga goosha dalalka dariska la ah Uganda iyo dalalka kale, sidoo kalena ka shaqeeya gudaha Uganda ayaa waxaa gacanta ku haaya shirkado Soomaali ah oo basas waa wayn leh.

Gateway Bus iyo kuwa kale oo ah shirkadaha ugu waa wayn dhanka gaadiidka ayaa waxaa leh Soomaali iyagoo taga ama dad u daad gureeya dalka dariska ah sida Kenya, Ruwanda, iyo Koofurta Suudaan oo maalin walba basaskaas u kala goosaan.

Soomaalida kuma eka oo kaliya shirkadaha aan kor kusoo xusnay ee waxa oo kale ay gacanta ku haayaan shirkado soo saara cunooyinka qaybihisa kala duwan sida Burka iyo Sonkorta oo ah shirkada ugu wayn ee labadaas nuuc sameeya.

Sonkorta iyo Burka laga isticmaalo shirkadaha soo saara  waxaa leh Soomaali iyagoo xitaa u dhoofiya wadamada dariska ah, waana burka ugu tayada iyo qiimaha fiican gudaha Uganda.

Xawaaladaha iyo shirkadaha sarifka marka aad u baahato oo aa tagto suuqa wayn ee Kampala waxaa arkaysaa Soomaali badan oo shirkadahaas ka shaqeeya, marka aad u sii kuurgashidna waxaa ogaanaysaa in dhamaan Soomaali leedahay oo qaarkood wataan magacyadii xawaalaha Soomaaliya halka kuwa kalena ay leeyihiin magacyo  gudaha Uganda kaliya laga isticmaalo sida SUNDUS, AL-HUDA, iyo magacyo la mid ah.

Isku soo wada duuboo Soomaalida Uganda ku nool ayaa kasoo muuqatay dhamaan dhinacyada ganacsiga ee ka shaqeeyaan iyagoo aad loogu amaanay inta badana shaqo abuur u sameeya dhalinyaro Soomaali ah oo Uganda ku dayaci malahaa hadii aysan fursadan helin.

W/Q/ Fiidow Maxamuud Fiidow

Kampala Uganda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...