Home Blog Page 946

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shirka Qurba-joogta Soomaaliyeed ee magaalada Washinton

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo ku sugan dalka mareykanka ayaa qudbad dhinacya badan taabaneysa u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washinton ee dalka Mareykanka.

“Sharaf ayay iitahay in aan khudbad muhiim ah ka jeediyo shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Magaalada Washington oo aan u faah faahiyay guulaha dhaqaale ee aan gaarnay iyo inta wali aan tiigsaneyno ku guuleysigooda” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa Soomaalida ku nool qurbaha ku ammaanay dadaalka iyo dhaqaalaha ay u soo diraan dalka, taasoo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee dalka ka jira.

“Qurba-joogta Soomaaliyeed waxbadan ayay Dalka u qabteen, kabadan ayaa wali looga sii baahanyahay” ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Beyle ayaa Dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska kaashaadaan horumarinta dalka, isagoo sheegay in muwaadin kasta looga baahanyahay in uu qeyb ka noqdo hormarka iyo nabad gelyada dalka.

QM oo ka hadashay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab Kenya

0

Hay,ada UNHCR Xafiiskeeda Dadaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxotiga Dadaab iyo tirada Dadka halkaas ku nool oo hoos u dhacday oo ay gaartay meeshii ugu hooseysay abid.

Warbxin Billa ah oo ka soo baxday Xafiiska UNHCR Dhadhaab qeybtiisa Saxaafadda iyo arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in tirada Dadka ku sugan Xeryaha Xaqootiga ee Xarar dheer, Dhagaxleey iyo Ifo ay gaarayaan 2010,475 Qof, oo u dhiganta 44%, Boqolkiiba 57 ka mid ah waa Carruur gaartay heerka waxbarshada Iskuullada, 62,610 Carruur ah ayaa dhigata Dugsiyada , 49% ka mid ah ayaa aadda xarumaha waxbarshada halka inta dhimanna sababa aan la cayimin darteed anay Iskuullada ku biirin.

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ayaa warbxinteeda ku sheegtay in laga soo billaabo Bishii Disembar Sanaddii 2014-kii ay Soomaaliya si iskood ah ugu laabteen Qaxooti gaaraya 80,368 Qof, barnaamijkaas oo ay fuliyeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya hay’adda UNHCR.

UNHCR ayaa sheegtay in ay hoos u dhacday dhaqaalihii ay Qaxootiga siin jireen deeq bixiyayaasha Caalamka, isla markaana ay hadda helayaan oo keliya 30% qarashaadkii ay u baahnaayeen.

Xerada Qaxootiga ee Kambi Cows ayaa la xiray 31-kii Maarso 2017, halka Xearada Ifo-2 la xiray 31-kii Maajo 2018, waxaana Labadooduba si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Kenya 21-ka Juun 2019.

Hay’adda ayaan warbixinteeda ku xusin Qaxootiga aan Diiwaan gashanayn ee ku nool Xeryaha Dhadhaab iyo waxyaabaha ugu qorsheysan, iyadoo sheegtay in tirada Qaxootiga ay marba marka ka dambeysa sii yaraaneyso.

Dowladda Soomaaliya oo qorshe cusub u dejisay hannaanka waxbarashada

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo si faah faahsan sharaxaad uga bixiyay Hanaanka lagu hormarinayo Qorshani cusub oo ku aadan Tacliinta sare ee dalka ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka shaqeynayso si loo dhaqangeliyo qorsha oo wax weyn ku kordhinaya si ay u waxbarashadu u najaxdo.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in ay wasaaraddu wado qorshan si ay u xoojiso Hanaanka Waxbarashadda Tacliinta sare ee dalka.

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe dib u habeyn loogu sameynayo Tacliinta sare ee dalka taas oo aad u muhiim ugu ah Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay wasaaraddu si dhow ula socoto marxaladaha ka gedisan ee dalka islamarkaana ay ka warqabto bahda waxbarashada ee dalka.

Qorshan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in aqoonsi la siiyo Jaamacadaha kala duwan ee dalka ku yaala tallabadani oo ah mid si weyn loo soo dhoweeyay.

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Dalka Sacuudiga Ku soo Dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed

0

Jeddah (SNTV)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow,  ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyda.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa  Indha-Indhaynta iyo soo dhoweynta ah ku wehliyaan , Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah , Ilyaas Sheekh Cumar, la taliyaha Wasaaradda, Maxamed C/raxmaan  Nadiif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan Xujeyda halkaa tagaeysa iyo xaaladahooda guud.

Cusmaan Aaden Dhuuboow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ballaaran oo la xiriira ka war qabka xaaladda Xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, taas oo ah qorshe ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka, isagoo intaa raaciyay in ay sii Laba jibbaari doonaan howlaha ay halkaasi u joogaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dirtay Dalka Sacuudi Carabiya Guddi ka shaqeeya saacidaadda iyo la socoshada Xujeyda Soomaaliyeed, iyagoo kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay inta badan Garoomada ay ka degaan Xujeyda, goobaha ay ka deggen yihiin Dalka Sacuudiga iyo qaabka ay acmaasha u gudanayaan.

Golaha Aqalka sare Oo Maanta Ka Hadlaya Hindise Sharciyeedyo Uu Ka mid yahay Hindise-Sharciyeedka Shidaalka

0

Muqdisho (SNTV)- Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagaga hadlo hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo horay  ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee BJFS .

Ajandayaasha uu Golaha Aqalka sare Maanta ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka Shidaalka (Bartoolka), Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hawlgabnimada, iyo sidoo kale xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida.

Guddoonada Baarlamaanka Soomaaliye oo ka tacsiyeeyey Qarax ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa Cambaareeyey Qarixii Argagixisanimo ee ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, isagoo ka tacsiyadeeyey masuuliyiintii ku Geeriyootay.

Dhanka kale guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isna ka tacsiyeeyey  qarixii baahalnimo ee ka dhacay xarunta Dowladda Hoose, waxa uu EEBBE u weydiiyay Caafimaad taam ah intii  dhaawacantay, sidoo kale waxa uu Naxariista ALLAH u weydiiyay dadkii geeriyooday Qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose.

Culimada oo ka digtay in taageero la siiyo Al-shabaab

0

Culimada Soomaaliyeed  ayaa shacabka iyo ganacsatadaba  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish xilli ay toos uga hadlayeen Telefishinka Qaranka.

Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed  Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa ganacsatada dhaqaalaha baadda ah siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa caadeystay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiri karaan dad hantidooda ku taageera Al-shabaab  si ay u sii wadaan xasuuqa, taasina ay ka dhalan karto dhibaato dheer iyo carrada ALLE.

“Qofkii cabsi uu ka qabo Al-shabaab awgeed Lacag u siiyo in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan, isagoo kula taliyay Dadka bixiya baadda Argagixisada ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah Aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo Nafteyda” ayuu yiri  Sheekh Nuur.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed Salaad  ayaa isna Dhallinyarada la marin habaabiyay ugu baaqay in ay ka soo laabtaan Waddada khaldan iyo fikirka gurracan ee Kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay si wadajir ah uga tacsiyeeyeen dadkii ku dhintay falkii shalay,  iyagoo EEBBE uga baryey masuuliyiin dhaawac uu ka soo gaaray in uu siiyo caafimaad.

AUN Xasan Maxamed Sabriye 

0

Waxa uu ahaa sharci yaqaan khibrad dheer u leh arrimaha sharciga oo la soo shaqeeyay inta badan guddoomiyeyaashii gobolka Banaadir soo maray.  Waxa uu ka soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan dowladda hoose ee Xamar.

Waxaa lagu sifeeyay in uu ka mid ahaa dadka ugu khibradda badan dhinaca sharciga iyo dowladaha hoose.

Waxa uu ahaa la taliyaha dhinaca sharciga ee guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa 70 jir, waxaa uu ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.

AUN Sabaax Cabdullaahi Asad

0

Waxa ay ka mid ahayd dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo noqday qurbaha.
Bishii April ee sanadkan ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

inkastoo ay ku cusbeyd xafiiska haddana waxa ay ahayd gabadh aad u firfircoon oo waqti badan galisa horumarinta degmada ay guddoomiyaha ka ahayd.

Allaha u naxariistee Sabaax waxa ay ku naf weyday qaraxii argagixiso ee ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

AUN Sahra Shiikh  Amiin Markeezi

0

Muqdisho (SNTV) Allaha Unaxariisto Sahra Shiikh  Amiin Markeezi, waxa ay ahayd Saxafi Sawir-Qaade ah oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (sntv) oo ay ka howl galaysay muddo ka badan 4 sano ka hor inta aanan loo magacaabin Guddoomiyaha Degmada Shengaani ee Gobolka Banaadir.

Sahro Aabaheed oo lagu magacaabi jiray Sheikh Maxamed Amiin Markeezi ayaa sidoo kale kamid ahaa masuuliyiinta miisaanka ku lahaa dhinaca shaqada isagoo ka shaqeyn jiray Dhinaca farsamada ee Telefishanka Qaranka, waxaana uu dhintay isagoo u shaqeynayay telefishinka kadibna waxaa booskiisa lagu bedelay Sahro oo halkii kasii waday shaqadii uu ka tagay aabahayd.

Sahra ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka  degmada Shengaani, ka hor intii aan loo magacaabin guddoomiyaha degmada iyadoo intii ay joogtay ku soo kordhisay adeegyo muhiim u ah bulshada degmadaasi.

Sahra Allaha u naxariistee waxa ay isbitaalka ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qaraxii argagixiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Xasan Maxamed Sabriye