Home Blog Page 890

Golaha Shacabka oo Maanta kulmaya.

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda Muqdisho.

Ajandaha kulanka xildhibannada ayaa ah Akhrinta Koowaad ee sharciga dembiyada la xiriira jinsiga, waxanay mudanayaasha sharcigaas marsiin doonaan laba Akhris oo kale.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa intii ay ku guda jireen kalfadhiga 7-aad waxay ansixiyeen sharciyo dhowr ah, iyadoo ay weli horyaallaan sharciyo kale.

Ku simaha Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Ururka Haweenka Dhuusamareeb.

0

Ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Ururka Haweenka Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ururka haweenka magaalada Dhuusamareeb waxa uu kala hadlay arrimaha shirkii wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa dowad goboleedyada eek u qabsoomay dhuusamareeb iyo diyaar garoowga wajiga sedexaad ee shirka dhuusamareeb ee loo balansanyahay 15-ka bishaan .

“Waxaan bogaadiyay kaalintii adkeyd oo ay Haweenka Galmudug ka qaateen Shirarkii Wadatashiga ee Dhusamareeb 1 & 2. Waxaana kaloo faray iney u diyaar-garoobaan qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 oo caasimaddu ay martigelin doonto 15 bishaan Agoosto.ayuu hadalkiisa ku daray ku simaha madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo dhawaan safar shaqo ugu baxay dalka turkiga ayaa sheegay in maalmo kooban uu kusoo laabanayo si loo dar dargaliyo diyaar-garoowga wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga madaxda qaran iyo kuwad dowlad goboleedyada oo loogu balansanyahay magaalada Dhuusamareeb 15-ka bishaan.

Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Deegaanka Horogle ee Gobolka Mudug.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggoomaniyo ayaa waxaa soo dhoweyn diiran loogu sameeyay deegaanka Horogle e gobolka Mudug.

Soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo u badan dhallinyaro iyo wax-garadka deegaan.

Dhinaca kale madaxweynaha punland waxaana soo dhaweynta kaddib socdaalkiisa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ku tagay Cagaaran waxaana uu kulan looga hadlayay amniga la qaatay nabadoonada iyo Waxgaradka deegaanka Cagaaran isagoo kala hadlay xaaladda guud ee deegaanka, ka shaqeynta Amniga iyo horumarka guud.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhaggax dhigay Ceel-Biyood laga hirgalinayo deegaankaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha punland Saciid Cabdullaahi Deni ku tago gobolka Mudug deegaannadiisa qeybta ay maamusho punland tan iyo markii uu qabtay hogaanka dowlad goboleedka Punland.

How come Marriages Fail After 25 Years

0

All the tax credit as listed above are available both for couples who also file joint returns and then for single dad and mom who file as head of home. Parents who file when head of household own decrease taxes rates than any other single people, new zealand mail order brides they generally also can take those next popular deduction.

Having a baby additionally will increase the amount you may get from EITC. For folks with no kids, the maximum credit score is $503 for taxes year 2015. However , this amount jumps to $3, 359 designed for folks with one child and maxes out for $6, 242 for parents with three children or extra. These quantities are the similar for solitary and committed mother and father. Having children is a money recreation-changer for each single and married folks.

Not exclusively do couples tend to have much larger incomes, additionally have more decisions for coping with childcare. The effect of divorce continues extended after a set splits up.

Next Up On Money Crashers

Childcare and increased housing costs take a big write about of any mother or perhaps father’s cash. However , there’s little issue that nurturing kids is much less complicated with two people to talk about the burden.

Since cooking or perhaps cleansing for two people doesn’t have for a lot longer than executing it for one, this cuts method down on the time frame these types of chores have. However , these benefits are not just for married people.

  • This doesn’t mean that Ukrainian girls have just 1 love pertaining to the remainder with their lives, however in general phrases, they favor lengthy-term associations from the beginning.
  • But they most regularly prefer all their conventional food.
  • If a Ukrainian lady possesses a relationship, your sweetheart remains reliable to her associate’s if not really eternally, then for an extended time period.
  • For these charming and wistful ladies, appreciate is sacred.
  • When these women take pleasure in, they take wonderful care of lovers.

Additionally , most lovers can deduct a personal exemption for every loved one, which is $4, 000 apiece for taxes yr 2015. These doubled deductions effectively give a bonus to couples with one nonworking spouse who wouldn’t data file a taxes return in any other case. The marriage fees exists on account of tax brackets – the income amounts at which taxes charges switch – aren’t exactly twice as high meant for couples seeing that they’re for solitary people. Like a outcome, lovers who document their fees collectively typically pay greater than they’d as two solitary people.

Engaged and getting married makes it attainable for the uninsured spouse to receive protection with the other spouse’s employer. Some individuals try to get along the estate duty by giving massive sums involving to relatives before they depart this life.

Single persons can get these people too, by sharing a house with a roommate, a relative, or a significant other. Sharing a household is probably the finest techniques for solo folks to close the wealth hole and begin saving early with regards to giant charges down the highway.

Economy Of Ukraine

The benefits of marital relationship differ relying on your earnings, your residing state of affairs, and many of all, whether or not you could have youngsters. We all did, nevertheless , like the accessibility to customer assist and the system of verified user profiles. According to this program, both women and men should go through a simple validation process that determines they are true users.

Ciidamada Danab oo burburiyay saldhig ay argagaxisada ku lahaayeen Jubbooyinka.

0

Kadib howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Lafaha-ragga oo u dhow birta dheer, islmarkaana magaaladda kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose u jirta 60 KM ayey gabi ahaanba ku bur-buriyeen saldhig Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen halkaasi, iyagoo qasaaro gaarsiiyey  maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay, gacantana ku dhigay saanad ciidan oo  halkaas u taalay.

Deegaanka ayaa ahaa xarun ay isaga kala gudbi jireen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab, waxaana haatan fariisin ka dhigtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka qorsheysan ee ay fuliyeen ciidanka kumaandooska danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxaa qasaare xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada, waxaana halkaasi looga dilay Lix maaleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida us heegay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa inta badan gobolada dalka waxey kawadaan howlgalo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka argagixsada al-shabaab, islamarkaana lagu bur-burinayo goobaha ay ku dhuumanayaan Nabad diidka arxanka darran.

Suuq ku yaalla Imaaraadka oo dab ka kacay.

0

Wararka ka imaanaya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Imaaraadda Ajman suuq weyn oo ku yaala uu dab qabsaday, abaare saacaddu markii ay aheyd 6:30pm, xilliga wadankaas, sida uu baahiyay wargeyska Gulf News ee ka soo baxay Imaaraadka.

Waaxda dab damiska ee difaaca madaniga loo yaqaano ee Imaaraad Ajman ayaa goor dambe ku guuleystay in ay xakameeyaan dabka, ayagoo kaashanaya waaxiyaha dab damiska Dubai, Shaariqa (Sharjah) iyo Ummul Quwain.

Lama soo warinin wax khasaare nafeed ah oo dabkaas sababay, waaxda difaaca madaniga ah ayaa hadda ku howlan sidii loo hagaajin lahaa goobtii dabka ka kacay.

Suuqa dabka qabsaday ayaa ah goob muhiim ah oo dadweynaha ka adeegtaan sidoo kalena waxaa ku yaalaa xaafad warshado badan ku yaalaan.Muuqaalo lagu baahiyay qalabka warbaahinta ayaa waxaa ka muuqanaya holac iyo qiiq qariyay dhismaha suuqa.

 

Shiinaha oo Xabsiga ka daayay Nin 27 sano si qalad ah ku xirnaa.

0

Zhang Yuhuan ayaa booliisku jir-dileen si uu u qirto mas’uuliyadda dilka labo wiil oo dhacay sanadkii 1993.

waxaa uu noqday ninkii Shiinaha si qalad ah loogu xiro kii ugu mudddada dheeraa, isagoo dambi uusan gelin u xirnaa 9,778 maalmood xabsiga ku yaala gobolka Jiangxi ee dalkaas.

Xeer ilaaliyaha dib u furey kiiska Mr. Zhang ayaa sheegay in qirashadiisii ay ku timid qaab aan habooneyn isla markaana xiriir ka dhexeynin dambigii horey loogu eedeeyay.

Waxaa uu ka soo baxay xabsiga isagoo xor ah, ka dib markii maxkamadda sare ay cadeysay in aysan jirin cadeymo ku filan lagu xukumay.

Dadka indha dheeya Shiinaha ayaa sheegaya in ay jirto rabitaan aad u sareeyo oo ku aadan in dadka sida qaldan loogu xirey dadka Shiinaha la sii daayo, laakiin waa ku dambiyada madaniga loo heysto kuma jiraan kuwa siyaasadda u xiran.

Zhang Yuhuan, ayaa kiiskiisa waxaa uu bilowday bishii October 1993 kolkaas oo xaafaddii is maamulka Jinxian oo ka tirsan caasimadda gobolka Jiangxi ee Nanchang laga heley meydka labo wiil kadibna waxaa la xirey Mr. Zhang isagoo lagu eedeeyay in uu dilkaas ka dambeeyay.

Bishii Janaayo, 1995 ayaa maxkamad ku taala magaalada Nanchang ku heshay dambi waxayna ku xukuntay dil, laakiin waxaa xukunkiisa laga gooyay labo sano oo uu xirnaa.

Mr. Zhang waxaa si xun u jir-diley booliiska intii ay socotay baarista kiiska, hase yeeshee waxaa uu ku doodi jirey in uusan dambi laheyn.

Muuqaal ay baahiyeen warbaahinta Shiinaha ayaa waxaa laga arkaayay Mr.Zhang oo dib ula midoobey qoyskiisa oo ay kamid tahay hooyadiis oo 83 sano jir ah iyo xaaskiisii hore.

Afadiisii hore, Song Xiaonyu, ayaa Mr Zhang u haya labo wiil ka hor inta uusan furin 11 sano ka hor. inkastoo ay nin kale guursatay, haddana waxay sheegtay in ay caawin doonto seygeedii hore.

“Aad ayaan ugu farxay markii aan maqlay go’aanka maxkamadda,” ayay tiri Ms Song.

Mr. Zhang ayaa maxkamadda u sheegay in uu u baahan yahay in mag-dhow laga siiyo muddadii uu sida qaladka ah ku xirnaa.

“Waxaan keliyantigayga kala hadli doonaa caddada (tirada) mag-dhowga inta ay noqoneyso ”sidaa waxaa wargeyska China Daily u sheegay qareenka Mr Zhang, Wang Fei. “Waxaan qorsheynaynaa in aan weydiisano kuwa sida qaladka wax ku xukumay in ay mas’uuliyadooda qaataan.”

Inkastoo tani dhacday, racfaankiisa wuxuu noqday mid aan guuleysan. Hase ahaatee bishii Maarso 2019 ayaa maxkamadda sare ogolaatay in kiiska la soo celiyay, bishii Luulyo ee sanadkan ayaana ugu dambeyn maxkamaddu go’aamisay in Mr. Zhang uu yahay nin aan dambi laheyn.

Tian Ganlin oo kamid ah qaadiyaasha maxkamadda sare ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ku yiri, said: “Ka dib markii aan eegnay waxyaabihii horey loogu xukumay waxaa noo soo baxday in aysan jirin cadeyn ku filin sidaas awgeed waxaa go’aaminay in xukunkii Mr. Zhang uu ahaa mid qalad ah. Waxaana ogolaanay soo jeedinta xeer ilaalinta oo aheyd in Mr. Zhang uu yahay dambi la’aan.”

Laakiin arrinta xusidda mudan ayaa ah in ciddii ka dambeysay dhimashada labadii wiil ee 1993 aan wali la ogeyn.

 

Galmudug oo qorsheynaysa tubta horumarinta waxbarashada.

0

Wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Maxmed Xaashi Dhoorre oo kormeeray habka uu u socdo sixitaanka Imtixaanaadka Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe ay u socdaan sidii loogu tala galay, Saddex Cisho ka dibna lasoo gaba-gabayn doono sida uu qorshuhu yahay.

Mudane, Dhoorre oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay kormeer ku sameeyeen Dugsiyada Dhuusamareeb iyo Caabud-waaq ayaa bogaadiyay howl-wadeennada gacanta ku haya habsami u socodka sixidda Imtixaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay sameynayaan qorshe ku aaddan horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Galmudug ,sida dhammaystirka Macallimiinta, sare u qaadidda aqoontooda bare-nimo, in loo helo mushaarkooda, dayactirka iyo hirgelinta Iskuullo cusub, isagoo intaa ku daray in ay kala kaashanayaan hay’adaha waxbarshada ka shaqeeya.

Ugu dambayn Wasiir, Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa sheegay in Ardayda ka baxday Dugsiyada sare ee Galmudug ay tiradoodu aad u hooseyso, wuxuuna hay’adaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ka codsaday in ay ka caawiyaan fulinta barnaamijyo lagu wacyi-gelinayo Bulshada, si ay ugu baraarugaan faa’iidada tacliinta, loona kordhiyo is-qorista Ardayda aadaysa waxbarashada.

Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay magaalada Istanbul.”Sawirro”

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wafdiga madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ee uu hoggaaminayay Danjire Jaamac Cabdullaahi Ceydiid iyo ku xigeenkiisa .

Sidoo kale dadka soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheikh Maxamed, qaar ka mid ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka Turkiga.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) waxaan safarka ku wehlinayo guddoomiyaha guddiga la socodka iyo hirgalinta dib u-eegista dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan (Bashiir Goobe) iyo xubno kale.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inta uu dalkaasi ku suganyahay uu la kulmi doono madaxada safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kale duwan ee dalkaasi ee uu kala hadli doono xaaladda guud ee dalka gaar ahaan deegaannada Galmudug.

 

Wararkii u dambeeyay qaraxyaddii Beirut.

0

Baariyaasha Lebanon ayaa ku foogan sidii loo heli lahaa ciddii ka dambeysay qaraxyadii ku habsaday caasimadda Beyruut tallaadadii, ilaa iyo hadda waxaa la aaminsan yahay in sababtu ay aheyd keydin xumo tobanaan tones oo maaddo bacraminta loo adeegsado oo sidoo kale qarax dhalisa taas oo lagu keydiyay makhsin ku dhex yaalay dekada.

Waraarka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladdu amartay in xabsi guri lagu hayo qaar kamid ah saraakiisha dekadda Beirut.

Sababta dhabta ah ee ka dambeysay qaraxyadii tallaadadii ilaa iyo hadda ma cadda balse waxaa la aamisan yahay in 2,750 oo maaddada ammonium nitrate oo 6 sano ka hor lagu keydiyay bakhaar dekadda ku dhex yaalla ay qaraxday.

Qaraxyadaas ayaa si weyn u gilgiley guud ahaan caasimadda Lebanon ee Beirut kaas oo ay ku geeriyoodeen 135 ruux in ka badan 5,000 oo kale ay ka dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama kooxaha gurmad deg deg ah wali qodeyaan burburka kana raadinayaan dadka ku hoos jira dhismiyaasha burburey.

In ka badan 300,000 oo guri ayaa ku burburey, sida uu sheegay barasaabka Beyruut Marwan Abboud isagoo intaas ku daray in hanti lagu qiyaasay $10bn ilaa $15bn lagu waayay qaraxyada.

Golaha wasiirada dalkaasi Lebanon ayaa ku dhawaaqay labo todobaad oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay caasimadda isla markaana ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidanka militiriga.

Safaaradda Mareykanka ee Lebanon ayaa sheegtay in muwaadin Amerikaan ah uu kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii Beirut sidoo kalena dhowr qof ay ku dhaawacmeen.

“Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay. Waxaan si dhow ula socon doonaa xaaladda haddii qof kale oo Mareykanka uu wax ku noqday qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda France, Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay sugnaanta cuntada Lebanon ka dib qaraxii ka dhacay Beirut oo saameeyay dekada iyo bakhaaradii cuntada ugu waa weynaa dalka.

Le Drian ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in ay Lebanon loo muujiyo is garab istaag dhanka dhaqaalaha ah.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa maanta oo khamiis ah la filayaa in uu tagi doono caasimadda Lebanon ee Beirut.

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay in wadankiisa u balan qaaday dhaqaale dhan 1.4 Milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Lebanon.

Morrison ayaa wariyeyaasha u sheegay khamiistan maanta ah in lacagtaas ku wareejinayaan WFP iyo Bisha Cas si dawo iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga ah loogu iibiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in qaraxyadii Beirut ay ahaayeen weerar si ula kac ah loo sameeyay, laakiin xoghayahiis difaaca ayaa qaba in qaraxyadu ahaayeen shil, sida AP ka soo xigatay.

“Sidee ku dhihi kartaa waa shil haddii qof uu meesha uga tagay waxyaabo khatar badan oo qarax sababi kara,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha.

Xoghayaha difaaca Mark Esper ayaa horaan sheegay in qaraxyadii Lebanon ahaayeen shil sida uu aaminsan yahay.