Home Blog Page 890

Howlwadaag oo caawa u soo gudubtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Afar iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Howlwadaag iyo Heliwaa ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Howlwadaag

Tartameyaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Heliwaa

Tartamayaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, ma jrin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Heliwaa waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Howlwadaag iyo Heliwaa ayaa ku soo idlaaday bar bar dhac 4 iyo 4, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah sida uu qabo sharciga tartanka, Tartamayaasha Howlwadaag ayaa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay ee sideedaad, waxaana ay ka faa’iideysteen su’aashii soo soo hareer martay Heliwaa, hadaba wadarta guud dhibacha ay heleen tartamayaasha Howlwadaag waxay noqotay 8 dhibcood, halka Heliwaa ay la timid 4 dhibcood.

Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

 

 

Wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh oo guddoomisay shir ku saabsanaa qorshaha Tamarta

0

Muqdisho (SNTV) Shirkan wada tashiga ah ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin gebo gebeynta qorshaha Tamarta ee Qaranka,iyo daahfurka mashruuca sahliadda Tamarta Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa shir guddoomisay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo wasaaradeedu ay soo qaban qaabisay shirka,iyadoo ay goob jog ahaayeen wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducale Beyle,wasiir kuxigeenka Tamarta mudane Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha guud Cabdiwaaxid Ibrahim Axmed ,maamul goboleedyada iyo wakiilada  Dalalka Norway,Britain,Sweden,Germany iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Tamarta Dalka Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa goobtaasi ku soo bandhigtay waxqabadka wasaaradda oo faahfaahsay guulihii la gaaray iyo yoolka wasaaraddu ay hiigsanayso.

“Sida aan la socono 10 kii sano ee  ugu dambeyeey tamarta waxa gacanta ku hayay shirkado gooni ah,horumar weyn ayaya ka gareen ,wax la inkiri karo ma ahan horumarkaasi,wadanka oo dhana waa ay gaarsiiyeen,wasaaradda iyadoo ka amba qaadaysa horumarkaasi,waxaa aan hirgelinay unug la yiraahdo unuga isku duwidda howlaha Tamarta oo ay naga caawisay hay’adda UNDP,sidaasi darted waxaan muhiimadda saarnay sidii loo heli lahaa Tamar jaban oo isku halayn leh,waxaan diyaarinay siyaasadda Tamarta ee Qaranka,waxaan ku guda jirnaa diyaarinta siyaasadda Tamarta ee Qaranka”.ayay tir Wasiir Fowsiyo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane C/raxmaan ducaale Beyle oo hadal ka jeediyay shirkaasi ayaa ku ammanaay mas’uuliyiinta wasaaradad Tamarta dadaalka ay ugu jiraan ka miro dhalinta qorshaha Tamarta Qaranka,isagoo ku tilmaamay mid kaalin weyn ku leh horumarka dhaqaale ee dalka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Tamarta Dalka Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in wasaaraddu ay qorsheynayso sidii adeegyada Tamarta loo gaar siin lahaa guud ahaan dalka,iyadoo 21,500, guri in ay heli karaan tamar cadceeda ah,taasi oo mashruuca qeyb ka ah.

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay labo dhagar-qabe oo Bam gacmeed tuuray.

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabe Bam ku tuuray Waaxda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir sida ay sheegtay Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen.

Sidoo kale Ciidammada waxeey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagar-qabe kale oo isla caawa Bam ku tuuray suuqa bakaaraha ee Degmada Howl-wadaag.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in labadaasi fal wax Khasaaraha ah uusan ka dhalan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo kulmay

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Aqalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa ugu hambalyeeyay Xilka cusub ee loo igmaday.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Agaasime Dr Nuur uu ku yaqaano firfircooni shaqo uuna rajeynayo in uu kasoo dhalaali doono shaqooyinka adag ee horyaala.

Dhankiisa Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa uga mahad naqay soodhoweynta wanaagsan iyo talooyinka wax ku oolka ah ee Guddoonka Aqalka ay sida wadajirka ah ula wadaageen isagoona rajeeyay in la sii joogteeyo xiriirka wada shaqeyneed.

Waxaa kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ku wehliyay Ku-xigeenkiisa Koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed halka Agaasimaha Madaxtooyada ay ku wehliyeen Abuukaate Kayse Cartan iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo ka mid ah lataliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka ayaa kusoo gebogaboobay is faham iyo in la dardargaliyo shaqooyinka qaran.

Google oo Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc internetka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog

0

San Francisco (SNTV):-Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka.

Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo hawlgallada, waxayna ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto farsamadan casriga ah ee internetka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka.

Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya internet xawaarihiisu gaarayo 4G.

Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal ay Google ku dooneyso in internetka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka.

Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan anteenooyinkooda.

Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico, iyo Sri Lanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabey Wasiiru Dowlayaal.

Muqdisho (SNTV)  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) Ayaa magacaabey Wasiiru Dowlayaal kamid noqanaya Golahiisa Wasiirada.

Akhriso: Liiska magacyada Wasiiru Dowlayaasha

 

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Batroolka Dalka

Muqdisho (SNTV):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150 xildhibaan,waxaana diiday,4 mudane,sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Golaha Shacabka.

Wasiirka macdanta iyo Batroolka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo gudoomiyaha guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bay’ada ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid ayaa golaha uga mahad celiyay anasixinta sharciga Batroolka.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dib u celiyay hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo maanta lagu balansanaa in loo codeeyo,ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ay aragtiyo ka dhiibteen su’aalana ay ka keeneen qodobo ka mid ah hindise sharciyeedkan sida uu sheegay shir guddoonka Kulanka.

Ugu dambeyn wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa golaha ka hor jeediyay Hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanda golaha shacabka ayaa su’aalo hindise sharciyeedka Arrimaha doorashooyinka la xiriira weydiiyay wasiirka oo isagana ka jawaabay.

Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta loo qeybiyay wax ka bedelka sharciga iibka Qaranka,waxaana kulanka soo xiray Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Marwo Federika Mogherini waxa ay ka wadahadaleen horumarka DFS ay ka sameysay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019.

“Waxa aan Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho. Waxa aan ka wadahadalnay horumarka aan ka sameynay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019″ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre

Horjooge isku soo dhiibay Ciidanka Xooga Dalka

Muqdisho (SNTV) Horjoogahan oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ayaa isku dhiibay ciidanka Xoogda Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni ee oa ktirsan gobolka jubbada Hoose.

Waxaa uu ka soo goostay degmada Jamaame ee Jubada hoose,horjoogahan oo lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed,waxaana uu faah faahiyay sababta uu isku dhiibay.

“Magaceygu sedexaad waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo Alshababa u qaabilsananaa qeybta weerada,ilaahay ayaa isoo bad baadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa I soo dhaweeyey,markii aan arkay dhibkooda iyo rafaadkooda iyo in dhib un dadka ku hayaan,ayaan ka soo tagay oo ilaahayna I fahamsiyay,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu horjooge sharma’arke.

Cabdi Nuur Mooge oo ah afhayeenka wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa fariin u diray dhalinyarada la marin habaabiyay ee Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo argaggixisada Alshabaab.

Arrin ayaa muujinaysa in dadku ay fahmayaan fikirka qaldan ee Alshabaab,waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey sii kordhayay tirade maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun ku riday Laba katirsan Maleeshiyada Alshabaab

Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:-

                           “MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen   Xukunsaneyaal:-

  1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe.

 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.

 

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka  koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha.                          

 

MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.

MAXKAMADDU                                                                         

MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad)  oo uu ka hor qoray  garsooraha hortiisa kuna cadeeyay  in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday    gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,

  sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday  09/11/2018,   Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

 

MARKAY ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane  uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay  ciidanka amnigana  gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon.

MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha   la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida  mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen  intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.   

MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenaka difaaca Racfaanlayaasha.

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA  WAXAA U CADAATAY IN:                                        

1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay.  

WAXAYNA KU RAACDAY

 Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa  DIL TOOGASHO AH, oo ah  qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.