Zhang Yuhuan ayaa booliisku jir-dileen si uu u qirto masโuuliyadda dilka labo wiil oo dhacay sanadkii 1993.
waxaa uu noqday ninkii Shiinaha si qalad ah loogu xiro kii ugu mudddada dheeraa, isagoo dambi uusan gelin u xirnaa 9,778 maalmood xabsiga ku yaala gobolka Jiangxi ee dalkaas.
Xeer ilaaliyaha dib u furey kiiska Mr. Zhang ayaa sheegay in qirashadiisii ay ku timid qaab aan habooneyn isla markaana xiriir ka dhexeynin dambigii horey loogu eedeeyay.
Waxaa uu ka soo baxay xabsiga isagoo xor ah, ka dib markii maxkamadda sare ay cadeysay in aysan jirin cadeymo ku filan lagu xukumay.
Dadka indha dheeya Shiinaha ayaa sheegaya in ay jirto rabitaan aad u sareeyo oo ku aadan in dadka sida qaldan loogu xirey dadka Shiinaha la sii daayo, laakiin waa ku dambiyada madaniga loo heysto kuma jiraan kuwa siyaasadda u xiran.
Zhang Yuhuan, ayaa kiiskiisa waxaa uu bilowday bishii October 1993 kolkaas oo xaafaddii is maamulka Jinxian oo ka tirsan caasimadda gobolka Jiangxi ee Nanchang laga heley meydka labo wiil kadibna waxaa la xirey Mr. Zhang isagoo lagu eedeeyay in uu dilkaas ka dambeeyay.
Bishii Janaayo, 1995 ayaa maxkamad ku taala magaalada Nanchang ku heshay dambi waxayna ku xukuntay dil, laakiin waxaa xukunkiisa laga gooyay labo sano oo uu xirnaa.
Mr. Zhang waxaa si xun u jir-diley booliiska intii ay socotay baarista kiiska, hase yeeshee waxaa uu ku doodi jirey in uusan dambi laheyn.
Muuqaal ay baahiyeen warbaahinta Shiinaha ayaa waxaa laga arkaayay Mr.Zhang oo dib ula midoobey qoyskiisa oo ay kamid tahay hooyadiis oo 83 sano jir ah iyo xaaskiisii hore.
Afadiisii hore, Song Xiaonyu, ayaa Mr Zhang u haya labo wiil ka hor inta uusan furin 11 sano ka hor. inkastoo ay nin kale guursatay, haddana waxay sheegtay in ay caawin doonto seygeedii hore.
โAad ayaan ugu farxay markii aan maqlay goโaanka maxkamadda,โ ayay tiri Ms Song.
Mr. Zhang ayaa maxkamadda u sheegay in uu u baahan yahay in mag-dhow laga siiyo muddadii uu sida qaladka ah ku xirnaa.
โWaxaan keliyantigayga kala hadli doonaa caddada (tirada) mag-dhowga inta ay noqoneyso โsidaa waxaa wargeyska China Daily u sheegay qareenka Mr Zhang, Wang Fei. โWaxaan qorsheynaynaa in aan weydiisano kuwa sida qaladka wax ku xukumay in ay masโuuliyadooda qaataan.โ
Inkastoo tani dhacday, racfaankiisa wuxuu noqday mid aan guuleysan. Hase ahaatee bishii Maarso 2019 ayaa maxkamadda sare ogolaatay in kiiska la soo celiyay, bishii Luulyo ee sanadkan ayaana ugu dambeyn maxkamaddu goโaamisay in Mr. Zhang uu yahay nin aan dambi laheyn.
Tian Ganlin oo kamid ah qaadiyaasha maxkamadda sare ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ku yiri, said: โKa dib markii aan eegnay waxyaabihii horey loogu xukumay waxaa noo soo baxday in aysan jirin cadeyn ku filin sidaas awgeed waxaa goโaaminay in xukunkii Mr. Zhang uu ahaa mid qalad ah. Waxaana ogolaanay soo jeedinta xeer ilaalinta oo aheyd in Mr. Zhang uu yahay dambi laโaan.โ
Laakiin arrinta xusidda mudan ayaa ah in ciddii ka dambeysay dhimashada labadii wiil ee 1993 aan wali la ogeyn.