Home Blog Page 889

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Xukuumaddu ay horumar ka sameysay Qabyo tirka Dastuurka

0

SNTV:-Warbixinta  Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in guddiga madaxa bannaan ee arrimaha dastuurka, guddiga labada aqal ee dib u eegista dastuurka iyo wasaaaradda arrimaha dastuurka oo yeeshay wada-shaqayn xooggan ay Muqdisho ku shireen intii u dhexeysay 4tii ilaa 7dii  February ee sannadkaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali uu xiritaankii shirkaas uu ku celiyay in dib-u-eegisga dastuurku ay tahay muhiimadda koowaad ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Dhincayada u xil saaran dib u eegista dastuurka ee shirka yeeshay ayaa soo saaray war-murtiyeed waxa ayna ku celiyeen in ay sii wadayaan wada-sahqaynta, waxa ayna dalbadeen in laga fogaado muranka siyaasadeed ee horseedi kara in uu wiiqmo qorshaha dib-u-eegista dastuura, iyaga oo codsaday in la karaariyo arrimaha u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed.

Sagaal kamid ah 15-ka cutub ee uu ka koobanyahay dastuurka kumeel gaarka ah ayaa dib-u-eegis lagu sameeyay, shan kamid ah sagaalkaas cudubnta waxaa la hor geeyay  Baarlamaanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in cusubyada aan wali lagu samyn dib u eegista ay kamid yihiin qeexidda awoodaha, hannaanka dowladeeed iyo maqaamka Muqdisho. Baarlamaanka ayaa la filayaa in in ay ka doodaan dib u eegista lagu sameeyay cutubyada kahor inta aan guud ahaan ka doodin dib u eegista oo dhamaystiran.

Intii lagu guda jiray shir ay Kismaayo ku yeesheen 8dii ilaa 10-kii April, guddiyo farsamo oo ka socda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo guddiyada dib u eegista dastuurka kumeel gaarka ah ayaa la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada si looga guul gaaro himilada ummadda Soomaaliyeed.

SHARE

Kismaayo oo is geeysay Wareegga Sedaxeed Ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)– Caawa waxaa foodda is dary Laba degmo oo ka kala tirsan Jubbaland iyo Banaadir oo ahaa Magaalooyinka Kismaayo iyo Wartanabadda.

Min Todoba Su’aal ayaa la weydiiyay laba degmo oo ay xaq u lahaayeen.

Kismaayo ayaa ka jawaabtay Sedax kamid ah Su’aalihii la weydiiyay, waxaa hareer maray Afar kale, halka ay ka faa’ideysteen Shan Su’aal oo ka timid dhiggooda Wartanabadda.

Wartanabadda oo kamid aheyd degmooyinka side xig-xiga u qaado Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Dowladda ayaa xalay fagaaraha Tartanka kala tagtay dhibco la’aan.

Midna kama jawaabin dhamman su’aalihii la weydiiyay, sidoo kale kama faa’ideysan su’aalaha Afarta ah ee Kismaayo lumiyeen, sidaas ayay ku haraan dhibco la’aan.

Kismaayo ayaa ugudubtay waregga sedaxaad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan ee Warbaahinta Qaranka iyadoo isu geynta Natiijada ay heleen noqotay 16 Dhibcood.

Habeen Dambe Dhahar iyo Dharkeenley ayaa wada ballansan oo ka kala tirsan Sanaag iyo Muqdisho.

kismaayo sedax kamid ah ayay ka jawaabeen

shan wey ka faa’ideysteen

16

warta nabadda 0

habben dambe

dhahar sanaag

dharkinley gob

 

Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):-Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guulalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Warbixnta  ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018 uu ka badnaa sannadkii ka horreeyay uuna gaaray $161 million.

Sannadkii  2017 ayaa warbixinta lagu sheegay in dakhliga guduhu ahaa $142.6 million.

Qoraalkaan golaha ammaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaas badan ee gudaha kasoo xarooday uu ahaa natiijada kasoo baxday dadaaal ballaaran oo joogta ah oo la geliyay aasaaska canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoodaynta hannaaka canshuur aruurinta iyada oo bishii June 2018 la sameeyay xafiis cusub oo canshuuraha u gaar ah.

GOLAHA AMMAANKA oo u riyaaqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta

Warbixin golaha ammaanku uu kasoo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in barnaamijka dayn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3), barnaamijka socda ee xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha kasoo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan glisay dhammaan shuduudihii ku xirnaa dib-u-habaynta dhaqaalaha ay muujiyeen sida DFS ay uga go’antahay ka guul gaaridda barnaamijka dayn cafinta dalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijka SMP3 uu watay hadafyo waawayn oo ay kamid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qaab dhismeedaka bangiga dhexe ee dalka, dadaallada la dagaalanka musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qayb ka yihiin samaynta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaaridda hadafyadaas waawayn.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington D.C, in dhinacyada daymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horumar wayn la gaaray, dib-u-qaabaynta hay’adaha dhaqaalaha  arrintaas oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u daymaysan (HIPC).

Warbixnta golaha amaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee daymaha ku leh Soomaaliya ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan taageerada qorshaha daynta looga cafinayo Soomaaliya, maadaama ay ku qanceen sida ay uga soo bexeen shuruudihii laga doonayay in kasoo gudbaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in magacaabistii guddoomiyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wanaagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay inuu gabagabo marayo Tirakoob ay ku sameynayaan hantida guud ee Dowladda

0

Muqdisho (SNTV) Shir saxaafadeed uu Muqdisho uga qabtay Warbaahinta Wasiirka Maaaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr abdiraxman Ducaale Beyle ayuu kaga hadlay tirakoobka Hantida ummadda, Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalka deyn cafinta iyo Muhiimada ay leedahay isku tashiga Umadda.

Wasiirka ayaa ugu horeyn dul istaagay Warbixinta ugu dambeysay ee Hey’adda lacagta aduunka ka soo saartay Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee ka gudbida Wajiga Sedexaad ee Barnaamijka.

“Waxaan maanta ummadda  Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba la wadaagay faah faahinta warqadii ugadambeysay ee ka soo baxday ‘IMF’   International Monetary Fund, anigoo hore idiinkugu sheegay 9kii bishaan in ay soo bixidoonto Warbixintaan oo ka koobneyd Amaan iyo Bogaadin tilmaameysay horumarka Maaliyadeed ee Dalka ee aan gaarnay”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday tirakoob ay Wasaaradda ku hayso hantida ummadda waxaana uu sheegay inuu gabagabo marayo.

Wasiir Beyle ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fakaraan amaanka hantidooda waxaana uu tilmaamay in halka ugu wanaagsan ay tahay in waddanka kooda ku malgashadaan si ay ugu badbaado bulshadana uga faa’iido.

“Dhanka kale waxaan Dadka Soomaaliyeed u sheegay in baahi weyn loo qabo in ay Maalgalin ku sameeyaan Dalkeena Soomaaliya oo ay Muruqooda, Maskaxdooda iyo Maalkoodaba u huraan, sidoo kale waxaan Baaq iyo dhiiri galin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool in ay hantidooda ilaashadaan oo meel amaan ah ku hubsadaan”.ayuu yiri Wasiirka.

In badan oo ka mid dadka wax heysta ee Soomaaliyeed ayaa ganacsiyo ka sameeyay dalal badan oo dunida ah gaar ahaan qaaradaan Afrika waxaana ay la kulmaan dhibaatooyin joogta  oo isugu jira dil, dhac iyo boob waxaase la isweydinayaa waqtigaan oo dalkoodu soo kabanayo maxaa ka hortaagan  inay ku ku soo noqdaan waddankooda oo  maalgalinta uga baahi badan, hantidooda ugu amaan badan dalalka ay ganacsiyada ka sameeyeen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Safar Shaqo ugu Baxay dalka Turkiga

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyiin kamid ah dawladda Turkiga.

QM oo sheegtay in isbadalada ka socda Soomaalia ay muujinayaan guulo

0

Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  maalinimadii shalay warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in isbadalada ka socda dalka Soomaalia ay muujinayaan guulo wax ku ool ah ,hasa yeeshee loo baahan yahay in laga hortago waxyaabaha khatarta galinaya horumarkaasi.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar ku aadan dhismaha dalka iyo hey’adihii dowladnimo oo shaqeynaya,laakiin waxaa haboon in laga howlgalo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada islmarkaana loo soo afjari lahaa waxaa sidaas  yiri “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Guterres,ayaa xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jireen rabshado kooban oo ay ka dambeeyaan kooxaha caadeystay daadinta dhiiga dadka rayidka ah ,wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo ka hortagga kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay Soomaaliya waxaa ka jiray dagaallo sokeeye,kooxo argagixiso ah iyo macluul aad u daran ka dib,waxaa muuqda dib u dhis iyo heyado dowladnimo oo shaqeynaya laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka UK oo hoosta ka wada xariiqay qoto dheeridda xiriirka laba geesoodka

0

Mogadisho (SNTV)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender, waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda

0

Mogadisho (SNTV)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Isniintii ku qaabilay Muqdisho Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Ururka Midowga Yurub, Marwo Federica Mogherini, oo booqasho shaqo ku timid Caasimadda Soomaaliya iyadoo hoggaaminaysa wafdi weyn oo dhinacyo kala duwan leh.

Wasiir Cawad waxa kale oo uu qaabilay Kusimaha Agaasimaha Galbeedka iyo Bariga Afrika ee Ururka Midowga Yurub, Mudane Hans Stausboll, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaallaha.

Soomaaliya waxa ay xiriir saaxiibtinimo la leedahay Midowga Yurub, waxa ayna Xukuumadda Federaalku doonaysaa inay adkeyso xiriirkaasi mudada dheer soo jiray si loo taageero mashaariicda horrumarinta, loona gaadho kobac dhaqaale oo hoos u dhigaya heerka shaqa la’aanya si sare loogu qaado heerka nolosha, lana horrumariyo dadaallada lagu bixinayo dhammaynta rabshadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee soo noq-noqda.

Xamar Jajab oo caawa u gudubtay wareeggaLabaad ee tartan Cilmiyeed Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Shan iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Gaalkacyo, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartanka caawa oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab waxa uu ku soo idlaaday bar bar dhac 88, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo sida uu dhigayo sharciga tartanka.

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ayaa si sax ah uga jawaabay su’aashii sideedaad ee la weydiiyay, balse tartamayaasha Gaalkacyo ayaa dhankooda iska qalday su’aashii dheeriga ahayd, dhigooda Xamar Jajab kama aysan faa’iideysan fursadaas, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay la yidaameen Xamar Jajab noqotay 10 dhibcood, halka Gaalkacyo ay la timid 8 dhibcood oo qura.

Hadaba kulankii 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona kulanka koowaad ee wareegga labaad Degmooyinka Warta Nabadda iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo sanadkii tegay ku kulmay kulankii kama dambeysta ahaa, iyadoo ay tartanka ku guuleysatay Kismaayo oo sanadkan difaacaneysa..

Howlwadaag oo caawa u soo gudubtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Afar iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Howlwadaag iyo Heliwaa ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Howlwadaag

Tartameyaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Heliwaa

Tartamayaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, ma jrin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Heliwaa waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Howlwadaag iyo Heliwaa ayaa ku soo idlaaday bar bar dhac 4 iyo 4, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah sida uu qabo sharciga tartanka, Tartamayaasha Howlwadaag ayaa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay ee sideedaad, waxaana ay ka faa’iideysteen su’aashii soo soo hareer martay Heliwaa, hadaba wadarta guud dhibacha ay heleen tartamayaasha Howlwadaag waxay noqotay 8 dhibcood, halka Heliwaa ay la timid 4 dhibcood.

Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.