Ciidamada Danab oo burburiyay saldhig ay argagaxisada ku lahaayeen Jubbooyinka.

Date:

Kadib howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Lafaha-ragga oo u dhow birta dheer, islmarkaana magaaladda kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose u jirta 60 KM ayey gabi ahaanba ku bur-buriyeen saldhig Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen halkaasi, iyagoo qasaaro gaarsiiyey  maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay, gacantana ku dhigay saanad ciidan oo  halkaas u taalay.

Deegaanka ayaa ahaa xarun ay isaga kala gudbi jireen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab, waxaana haatan fariisin ka dhigtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka qorsheysan ee ay fuliyeen ciidanka kumaandooska danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxaa qasaare xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada, waxaana halkaasi looga dilay Lix maaleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida us heegay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa inta badan gobolada dalka waxey kawadaan howlgalo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka argagixsada al-shabaab, islamarkaana lagu bur-burinayo goobaha ay ku dhuumanayaan Nabad diidka arxanka darran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...