Ku simaha Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Ururka Haweenka Dhuusamareeb.

Date:

Ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Ururka Haweenka Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ururka haweenka magaalada Dhuusamareeb waxa uu kala hadlay arrimaha shirkii wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa dowad goboleedyada eek u qabsoomay dhuusamareeb iyo diyaar garoowga wajiga sedexaad ee shirka dhuusamareeb ee loo balansanyahay 15-ka bishaan .

“Waxaan bogaadiyay kaalintii adkeyd oo ay Haweenka Galmudug ka qaateen Shirarkii Wadatashiga ee Dhusamareeb 1 & 2. Waxaana kaloo faray iney u diyaar-garoobaan qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 oo caasimaddu ay martigelin doonto 15 bishaan Agoosto.ayuu hadalkiisa ku daray ku simaha madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo dhawaan safar shaqo ugu baxay dalka turkiga ayaa sheegay in maalmo kooban uu kusoo laabanayo si loo dar dargaliyo diyaar-garoowga wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga madaxda qaran iyo kuwad dowlad goboleedyada oo loogu balansanyahay magaalada Dhuusamareeb 15-ka bishaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...