Ku simaha Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Ururka Haweenka Dhuusamareeb.

Date:

Ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Ururka Haweenka Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ururka haweenka magaalada Dhuusamareeb waxa uu kala hadlay arrimaha shirkii wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa dowad goboleedyada eek u qabsoomay dhuusamareeb iyo diyaar garoowga wajiga sedexaad ee shirka dhuusamareeb ee loo balansanyahay 15-ka bishaan .

“Waxaan bogaadiyay kaalintii adkeyd oo ay Haweenka Galmudug ka qaateen Shirarkii Wadatashiga ee Dhusamareeb 1 & 2. Waxaana kaloo faray iney u diyaar-garoobaan qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 oo caasimaddu ay martigelin doonto 15 bishaan Agoosto.ayuu hadalkiisa ku daray ku simaha madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo dhawaan safar shaqo ugu baxay dalka turkiga ayaa sheegay in maalmo kooban uu kusoo laabanayo si loo dar dargaliyo diyaar-garoowga wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga madaxda qaran iyo kuwad dowlad goboleedyada oo loogu balansanyahay magaalada Dhuusamareeb 15-ka bishaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo...

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay...