Wararkii u dambeeyay qaraxyaddii Beirut.

Date:

Baariyaasha Lebanon ayaa ku foogan sidii loo heli lahaa ciddii ka dambeysay qaraxyadii ku habsaday caasimadda Beyruut tallaadadii, ilaa iyo hadda waxaa la aaminsan yahay in sababtu ay aheyd keydin xumo tobanaan tones oo maaddo bacraminta loo adeegsado oo sidoo kale qarax dhalisa taas oo lagu keydiyay makhsin ku dhex yaalay dekada.

Waraarka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladdu amartay in xabsi guri lagu hayo qaar kamid ah saraakiisha dekadda Beirut.

Sababta dhabta ah ee ka dambeysay qaraxyadii tallaadadii ilaa iyo hadda ma cadda balse waxaa la aamisan yahay in 2,750 oo maaddada ammonium nitrate oo 6 sano ka hor lagu keydiyay bakhaar dekadda ku dhex yaalla ay qaraxday.

Qaraxyadaas ayaa si weyn u gilgiley guud ahaan caasimadda Lebanon ee Beirut kaas oo ay ku geeriyoodeen 135 ruux in ka badan 5,000 oo kale ay ka dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama kooxaha gurmad deg deg ah wali qodeyaan burburka kana raadinayaan dadka ku hoos jira dhismiyaasha burburey.

In ka badan 300,000 oo guri ayaa ku burburey, sida uu sheegay barasaabka Beyruut Marwan Abboud isagoo intaas ku daray in hanti lagu qiyaasay $10bn ilaa $15bn lagu waayay qaraxyada.

Golaha wasiirada dalkaasi Lebanon ayaa ku dhawaaqay labo todobaad oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay caasimadda isla markaana ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidanka militiriga.

Safaaradda Mareykanka ee Lebanon ayaa sheegtay in muwaadin Amerikaan ah uu kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii Beirut sidoo kalena dhowr qof ay ku dhaawacmeen.

“Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay. Waxaan si dhow ula socon doonaa xaaladda haddii qof kale oo Mareykanka uu wax ku noqday qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda France, Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay sugnaanta cuntada Lebanon ka dib qaraxii ka dhacay Beirut oo saameeyay dekada iyo bakhaaradii cuntada ugu waa weynaa dalka.

Le Drian ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in ay Lebanon loo muujiyo is garab istaag dhanka dhaqaalaha ah.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa maanta oo khamiis ah la filayaa in uu tagi doono caasimadda Lebanon ee Beirut.

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay in wadankiisa u balan qaaday dhaqaale dhan 1.4 Milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Lebanon.

Morrison ayaa wariyeyaasha u sheegay khamiistan maanta ah in lacagtaas ku wareejinayaan WFP iyo Bisha Cas si dawo iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga ah loogu iibiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in qaraxyadii Beirut ay ahaayeen weerar si ula kac ah loo sameeyay, laakiin xoghayahiis difaaca ayaa qaba in qaraxyadu ahaayeen shil, sida AP ka soo xigatay.

“Sidee ku dhihi kartaa waa shil haddii qof uu meesha uga tagay waxyaabo khatar badan oo qarax sababi kara,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha.

Xoghayaha difaaca Mark Esper ayaa horaan sheegay in qaraxyadii Lebanon ahaayeen shil sida uu aaminsan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...