Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Deegaanka Horogle ee Gobolka Mudug.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggoomaniyo ayaa waxaa soo dhoweyn diiran loogu sameeyay deegaanka Horogle e gobolka Mudug.

Soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo u badan dhallinyaro iyo wax-garadka deegaan.

Dhinaca kale madaxweynaha punland waxaana soo dhaweynta kaddib socdaalkiisa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ku tagay Cagaaran waxaana uu kulan looga hadlayay amniga la qaatay nabadoonada iyo Waxgaradka deegaanka Cagaaran isagoo kala hadlay xaaladda guud ee deegaanka, ka shaqeynta Amniga iyo horumarka guud.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhaggax dhigay Ceel-Biyood laga hirgalinayo deegaankaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha punland Saciid Cabdullaahi Deni ku tago gobolka Mudug deegaannadiisa qeybta ay maamusho punland tan iyo markii uu qabtay hogaanka dowlad goboleedka Punland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...