Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Deegaanka Horogle ee Gobolka Mudug.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggoomaniyo ayaa waxaa soo dhoweyn diiran loogu sameeyay deegaanka Horogle e gobolka Mudug.

Soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo u badan dhallinyaro iyo wax-garadka deegaan.

Dhinaca kale madaxweynaha punland waxaana soo dhaweynta kaddib socdaalkiisa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ku tagay Cagaaran waxaana uu kulan looga hadlayay amniga la qaatay nabadoonada iyo Waxgaradka deegaanka Cagaaran isagoo kala hadlay xaaladda guud ee deegaanka, ka shaqeynta Amniga iyo horumarka guud.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhaggax dhigay Ceel-Biyood laga hirgalinayo deegaankaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha punland Saciid Cabdullaahi Deni ku tago gobolka Mudug deegaannadiisa qeybta ay maamusho punland tan iyo markii uu qabtay hogaanka dowlad goboleedka Punland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...