Home Blog Page 891

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur-Africa.

0

Mawaadin Soomaaliyeed  oo kamid ahaa Soomaalida ku ganacsata Dalka koonfur Afrika ayaa lagu dilay dalkaasi.

Marxuumka  ayaa  magaciisa lagu soo koobay Faarax Weyda oo ka mid ahaa Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaas koonfur Afrika.

Xiliga uu dilku dhacay muwaadinka ayaa ku sugaan goobtiisa ganacsi oo ku taalla Magaalada darban ee dalkaasi, taasi oo Soomaali badan ay ku leeyihiin Ganacsiyo waa weyn.

Kooxihii burcadda ee dilka u geeysatay mawadinka soomaaliyeed ayaa goobta isga baxasaday,mana ahan dhacdadii ugu horreysay oo laxariirta dilalka loo geeysanayo soomaalida oo ka dhacad dalka koonfur Afrika.

Dalka kooonfur afrika ayaa kamid ah Waddamada ay soomalida  ku badantahy oo ay ku  leeyihiin ganacsiya Ballaaran.

Muxsiniin looga mahadceliyay taageero ay siiyeen agoon iyo dad dan-yar ah.

0

Bariyaasha dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Xuddur, ayaa qabtay xaflad ay ugu mahad celinayeen dadka muxsiniinta ah ee taageera waxbarashada dugsigaas oo wax lagu baro arday agoon iyo danyar isugu jira.

Dugsiga Imaamu Shaafici ee Xuddur waxaa dhigta 300 oo carruur ah kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka waxbarashada.

Maamulka dugsiga, Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim, ayaa sheegtay in ay aad ugu mahdineyo walaalaha hiilka waxbarashada la garab taagan, isagoo xusay in Alle ka sokow, taageeradooda ay ku socoto waxbarashada Iskuulkan.

Labo nin oo midkood yahay Turki oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa bixiya kharash macalimiinta dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Xuddur.

Xafladda waxaa ka qeybglay bahda waxbarashada gobolka Bakool, waalidiin, maamulka degmada Tiyeeglow iyo marti sharaf kale.

Dawladda Soomaaliya oo ka digtay cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

0

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu digtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool hareeraha labada webi ee  jubba iyo shabeelle cabsida laga qabo, Roobab, Hirar, fatahaado iyo dabeylo la filayo in ay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah dalka, iyaddoo sidoo kale Wasaaradda  u sheegeysa bulshada tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan, si looga feejignaado halisyada laga cabsi qabo.

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Gargaarka.

MUQDISHO, Soomaaliya, 05ta Ogosto 2020 – Roobab, Hirar iyo Dabeylo ayaa la filayaa in ay ku soo wajahanyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa in ay ka da’idoonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka.

Sidoo kaleRoobab ka da’aya buuralayda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasi oo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiga sida Jowhar iyo Baladweyne.

Heer cabbirka Webiga Shabeelle ee uu hadda marayo ayaa saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhex.

Degmada Afgooye oo ay dhawaan saameeyeen roobabkii xagaaga ee aan horey uga dignay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay mar labaad saameyn ku yeeshaan roobabka la filayo in ay da’aan toddobada cisho ee soo socta, iyadoo wabigu horey u buuxay.

Mowjadaha iyo Hirarka Badda: 7-12 Bisha Ogosto waxaa la saadaalinayaa in Mowjadaha Badda ay sara u kacayaan taas oo sababi karta in ay wax yeelo naf iyo maalba leh u gaysato dadka ku shaqeysta doonyaha yaryar iyo dadka dalxiiska u aada xeebaha, sidoo kale waxay waxyeelo u geysan kartaa dadka ku nool nawaaxiga badda.

Dabeylaha Xagaaga xaalada dabeysha ayaa markasta is badbadaleysa sidaas darteed waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay sara u kac ku yimaado Xawaare-socodka dabeysha.

Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; dadka ku nool hareeraha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan degaannada dhaca Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhamaan maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaaladdan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah.

Xarunta waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladaha , waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isubaddesho xaaladda.

A situation You Must Never Perform With Partner Online

0

#toc record: #f9f9f9; boundary: 1px stable #aaa; screen: table; margin-bottom: 1em; padding: 1em; girth: 350px;. toctitle font-weight: 700; text-align: center;

There is an ambiguous frame of mind towards love-making in Thailand but in common, Thailand it can be nation just where people have a lot of private liberty, ‘ says Carla Boonkong. This personal freedom, the lady explains, creates a environment which the ‘gig’ partnership gows best.

He or she enjoys his Thai wife very a lot but includes a amount of ‘gigs’ who he holidays to a evening out and frequently just a little money. Thailänder culture is incredibly reticent regarding sexual intercourse and in many ideals very conservative.

You are able to utilize this list in which brides right from neighboring countries are just awaiting anyone to marry all of them. Understand that Japanese people women are of extremely special natural beauty, very different out of exactly what happens to be established merely by the advertising and the modeling agencies inside the Western and by what one could think.

International Marriage Firm

Treating a female this way also offers a tendency to speed up the conclude from the romantic relationship, given that women of all ages tend in order to get weary of a husband to the degree or diploma to which they kisses her ass. In case you maintain purchasing your monogamous girlfriend, don’t end up being amazed when your woman suddenly will go serial policía on you(which means she will eliminate your ass). Ajarn Andy is really a Thai professor at an college or university within central Thailand. He can over sixty years of age group but his wife of nearly 4 decades has been paralysed with a heart stroke regarding the previous three years. Ajarn Andy supplies previously had a series of non permanent lovers particularly younger females.

  • This kind of continued after she determined the particular second relationship.
  • Your mailbox order new bride service enables a person register on the site and speak with millions of sole and gorgeous ladies from most over the planet.
  • The goal of the service is usually to provide you equipment of connection and manual you by yourself way to finding the perfect wife.
  • ‘He simply did discuss and show me personally what I perform wrong and later on a holiday, my friends suggest that foreign guys are different now I enjoy consult with foreign men every night, warring look nicer, ‘ states.

All of us suggest you see in what countries these females are looking for men. If you are alone and can’t locate a worthy female in your nation, don’t hopelessness!

She is usually your small business girls that runs a food stall along with a booth selling clothes within Bangkok in addition to a minor massage shop. The girl may be the small partner to a person who is an insurance professional. However she actually is within constantly economic pressure mail-order-brides plus functions seven days 7 days. The support she gets from her husband is usually erratic and the woman sometimes certainly will not see him for a couple of or three weeks. The lady allows this plus the relationship remains to be ongoing for the purpose of 10 years.

However used this is a complicated however traditional community. For instance many center good old Thai women consider making love from this kind of older age to be unpleasant whilst a large number of older women have affairs. Semi nudity could potentially cause offence amongst some factors in society even though many office people function ‘sexy dancers’.

Ukrainian brides look for men practically from through Europe instead of only in Europe. Women from Ukraine love and respect the companions associated with life and they help them in everything — through career towards the set up of a more comfortable house. In order to marry a great Ukrainian woman, you should keep in mind that it is important for these individual females to look nice and stylish. Simply, this is due to the severe independence of girls within European countries and their unique reluctance to sacrifice a career for the sake of relationship.

What The In-Crowd Will not Let you know Wife On line

Or, might be by looking for gratification inside the hands of another young lady out part the particular marital life. Therapists generally speak of issues that have developed simply because one individual in the romantic relationship has extremely lower self confidence in their individual abilities. For virtually any spouse to love additionally respect his spouse, he must need to listen in on her behalf point of look at on a selection of subject areas – without this, a substantial amount of conversation between two companions may run dry. Discussion is needed within a marriage in some level to help keep the sparks associated with desire and awareness going. A 2005 review at Kansas State University or college found any time having a wedding, persons saw a clever increase in their unique level of prosperity.

Is divorce better than an unhappy marriage?

Yes you can find regret – regret that they can didn’t leave sooner. To be a person having been conned on myself, I can admit some cheaters very likely regret and several probably do. It could no longer each of our place to treatment if they regret it or not.

wife online

Saciid Deni oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.”Sawirro”

0

Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Punland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ujeedka socdaalkoodu ahaa u kuurgalidda xaaladaha nololeed iyo adeegyada Bulshada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka saaxo oo hoostaga Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug

Ugu horeyna maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa uga warbixiyay xaaladaha la xariira dhanka adeegyada aas aaska u ah nolasha aadanaha ee ka jira deegaankaasi iyo baahiyada jira

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowlad gobaleedka Puntland ay xil iska saarayaan ka warqabka baahiyada heysata shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, isagoo dhanka kalana ku booriyay ka shaqeynta amniga iyo ilaalinta daris wanaaga iyo nabad ku wada noolaashaha.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale kormeeray xerada Ciidamada daraawiishta Puntland ee deegaanka Saaxo, isagoo xariga ka jaray saldhiga booliska deegaankaasi, isla markaana dhagax dhigay dhismaha xarumaha adeegyada Bulshada qaarkood kuwaas oo la qorsheynayo in halkaasi laga hirgaliyo mustaqbalka dhaw

Deegaanka Saaxo ayaa ka mid ah deegaannada ay ragaadiyeen horumarkooda colaadaha ka jiri jiray Gobalka Mudug balse iminka ka soo kabsatay coladda.

W/D Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo.

Duqa Muqdisho oo daah furay tabobar lagu baranayo kor u qaadidda howl wadeennada waxbarashada Gobolka.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay tababbar aqoon kororsi ah oo lagu baranayo Jiheenta awood-dhiska aqooneed ee howl wadeennada waxbarashada gobolka Banaadir.

Agaasimaha waaxda Shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir Muuse Cali Abiikar ayaa sheegay in ay soo xuleen dad lagu aamini karo tababbarka in ay uga faa’ideystaan siddii loo baahnaa isagoo xusay in la joogteyn doono tababbarada shaqaalaha si sare loogu qaado aqoontooda.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Basma Caamir Jaketti ayaa shaqaalaha ku boorisay in ay laba jibbaaran dadaalkooda, ayna ka faa’ideystan waxbarashada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa shaqaalaha qaadanaya tababbarkaan u rajeeyay in ay waxbadan oo hore uga maqnaa ay ka helaan,wuxuuna kula dardaarmay in jiilalka kale ay uga faa’ideyaan waxa ay bartaan.

Tababbarkaan oo ka dhacay xarunta agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir uu ku leeyahay degmada Xamarweyne ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiye ku xigeennada gobolka,agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada agaasinka waxbarashada.

Sii-hayaha xilka R/wasaaraha dalka oo khadka telefoonka ugu tacsiyadeeyay dhiggiisa Lubnaan.

0

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo qadka telphone-ka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Xasan Dayib ayaa uga tacsiyadeeyay qaraxii ka dhacay caasimadda dalka Lebanon ee Beirut.

“Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut Lebanon dhaliyay,waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in ilaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin,Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lebanon”. ayuu yir sii-hayaha xilka raiisul wasaaraha.

Qarax aad u xooggan oo ka dhashey bakhaaro lagu keydinayay Kiimiko,kaasi oo gelinkii dambe ee shalay  ka dhacay bartamaha magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon ayaa sababay khasaare naf iyo maal.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ugu yaraan 63 qof ay ku geeriyootay qaraxaasi,waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 3000 kun oo qof.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka dalkaasi Lebanon ayaa shaacisay in dad ka badan 50 ay geeriyoodeen,islamarkaana inkabadan 2700 kun ay dhaawacmeen,balse waxaa jira khasaaraha oo weli sii kordhayay dad badan ayaa la sheegaya in dhismayaasha ay ku hoos jiraan,dadna la la’yahay.

Mashruuca sanduuqa horumarinta caasimadda oo ka bilowday galmudug.

0

Maamulka Magaalada Dhuusamareb, Ganasato, Aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Dhuusamareeb oo lagu daahfurayey mashruuca sanduuqa horumarinta ee caasimada galmudug.

Furitaankii mashruucaan oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaaayeen Wasiiro, Xildhibaano  waxaana diirada lagu saaray sidii magaalada dhusamareb loogu heli lahaa dhaqaale lagu daboolo baayiyaha jira ee ay unu ugu horeeyaan dab-damis.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda ayaa faah faahin ka mixiyey bilowga sanduuqan dhaqaala iyo sida howshan lagu jihayn karo iyadoo laga faa’iidaysanayo xoogga iyo xoolaha bulshada soomaaliyeed lana samaynayo isku tashi.

Salaad Cusmaan Rooble oo ah gudoomiyaha loo xilsaaray ka mira dhalinta mashruucaan ayaa isna warbaahinta la hadlay waxa uuna xusay inuu qof walba uu ka qeybqaato helitaanka gaadiidka gurmadka ee ka hortagga musiibooyinka sida dabdamiska.

Maamulka Magaalada Dhuusamareb ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada sida dhismaha jidadka.

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay geerida ku timid Drs. Xaawo Cabdi.

0

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Maxcamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo ku dhimatay Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah xanuunka iyo Murugada ula qeybsaneyso qoyskii iyo ehelada ay ka baxday Marxuumadda.

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Maxcamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uu marxuumad Drs.Xaawo Cabdi Alle uga baryey in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo,eheladii ay ka tagtayna waxa uu faray samir iyo iimaan.

Allaha u naxariistee,Drs Xaawo Abdi waxa ay aheyd hooyo Soomaaliyeed oo baal dahab ah kaga jirtay taariikhda Soomaaliya,waxaana lagu xasuusan doonaa adeegyadii xagga samafalka caafimaad ee ay u fidin jirtay danyarta Soomaaliyeed.

Tariikh nololeedka Allaha u naxariistee Drs. Xaawo Cabdi oo kooban

Allaha u naxariistee,Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxey ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan degmada Cabdicasiis sannadkii 1947-dii.

Dr. Xaawo waxbarashadeedii dugsiga dhexe iyo sare waxay ku qaadatay magaalda Muqdisho, August 28, 1964-kii ay u amba-baxday dalka dibaddiisa oo ay culuumta caafimaadka kasoo diyaarisay waddamada Yaman,Masar iyo Ruushka.

Sannadkii 1971-dii ayay dib ugu soo laabatay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo shaqo ka billowday isbitaalladii dalka ka jiray waqtigaas oo ay ka mid ahayeen Digfeer, Madiina.

Dr.Xaawo Cabdi Dhiblaawe ayaa sidoo kale muddo 14-sano ah barre ka aheed kulliyada culuumta caafimaadk ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Burburkii kaddib Dr. Xaawo waxay dareentay in xaalad adag ay ka jirto qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan deegaannada ku hareereysayn Caasimadda, waxayna xilligaas bilowday in ay sameeyso Isbitaal ugaar ah Haweenka, waxayna qolyar oo ay dumarku ku umulaan ka furtay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo hadda loo yaqaano degaanka Xaawo Cabdi.

Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi kuma ekaan kaliya isbitaal in ay halkaas ka hirgeliso ee waxay dib u dejin u sameysay qoysas kusoo barakacay deegaanka ay isbitaalka ka furtay oo ugu dambeyn iyada loogu magac daray.

Shir looga hadlayo horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

0

Shir looga hadlaayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug ,ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka,wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS,dadka ka shaqeeya biyaha iyo waraabka beeraha iyo maamulka magaalda Dhuusamareeb.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha,waxaa ka hadlay Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed,isgoo sheegay in in qeyb weyn uu ka qaadan doonaan horumarinta biyaha.

Agaasimaha waaxda biyaha Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahani yahay mid lagu horumarinayo kheyraadka biyaha dalka, la tashina lagala yeelan doono dadka ka shaqeeya arrimaha biyaha.

Guddoomiye ku xigeenka arirmaha bulshada magaalada Dhuusamareeb C/xakiin Cabdullaahi Warsame ayaa xusay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan mashruucaan hormarinta biyaha.

Mashruucaan ayaa hadduu dhaqan galo noqon doono mid ay ku mahdiyaan dadka ku nool deegaannada Galmudug oo qaarkood aysan helin biyo nadiif ah oo ku filan.