Home Blog Page 814

Guddoomiyihii Degmada Wadajir Oo Xilka Laga Qaaday

0

Wareegto kasoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii degmada Wadajir Mudane C/raxmaan Maxamed Cali.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loogu magacaabay Bashiir Maxamed Ow Cali oo walaalo yihiin Guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Waa markii ugu horeysay ee uu duqa Muqdisho xilka ka qaado guddoomiye isla markaana u magacaabo qof ay walaalo yihiin, Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday C/raxmaan Maxamed Cali ayaa ka mid ahaa dhalinyarada xooggaga Wadaniyiinta kuwaasoo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir guddoomiyaal looga dhigey.

Sababta xilka looga qaaday C/raxmaan Ow Cali oo ah Guddoomiyihii hore ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayay dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir.

Guddoomiyaha Cusub ayaa ah dhalinyaro wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Dowladda Hoose ee Xamar.

Gobalka Banaadir Oo U Diyaar Garoobaya Xuska 24 Julay Oo Ku Beegan Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobalka+Sawirro

0

Kulan ay ku yeesheen aqalka Dowladda Hoose xubno ka tirsan guddiga diyaarinta munaasabadda lagu xusayo dadkii ku nafwaayay qaraxii sanad ka hor ka dhacay Dowladda hoose ayaa waxaa qeyb-ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti iyo guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ayaa looga hadlay dar dargalinta diyaar garoowga maadaama ay maalmo yar ka harsantahay.

Kulankaan oo ka dhacay xafiiska agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka tirsan agaasimayaasha guud iyo agaasime Waaxeedyada Dowladda Hoose, iyadoona la isla qaatay in Xuska Dhacdadii 24July iyo 1da August si weyn loo xuso.

Guddoomiye Ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada iyo howlaha guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa si wada-jir ah u shir Guddoomiyey kulan loogu hadlayay qabanqaabada xuska 24 July iyo 1da August oo ku beegan musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar taasi oo ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Duqii hore Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Dowladda Soomaaliya Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Saameynta Ay Fatahaaddu Ku Yeelatay Sh/Hoose

0

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 Qoys ay u barakaceey Degaanka Jannaale oo lafteedu ay ka taagan tahay cabsi ku aaddan fatahaadda Webiga Shabeelle inuu soo gaaro.

Dadka ku dhaqan Tuulooyinka Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani ayaa iyagana qaba baqdin la xiriirta fatahaadda Webiga Shabeelle.

30 Sano Ka Dib Maxey Uga Dhigantahay Ardayda Magaalada Marko Inay Galaan Imtixaanaadka Dowladda

0

Marko waa xarunta gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay dhacdaa dhinaca xeebta Badweyta Hindi sidoo kale waxa ay ku taalaa gabal dhaca caasimada dalka ee muqdisho waxa ayna u jirttaa 90 K.M.

Marko waa magaalo qadiimi ah waxaana ku nool dad xadaarad leh caana ku aheyd waxbarashada iyo Ganacsiga .

Madadii bur burka waxa ay soo martay marxalado kala duwan kuwaasi oo sababay isbedel dhinac walbo leh hase ahaatee hada waxaa ka jira isbedel nolasha ah waxaana markii ugu horeysay sanaadkaan ardayda wax ka dhigta dugsiyadda marko ay nasiib u yeesheen inay ka qeyb-galaan Imtixaanka fasalada labo iyo tobadaan ee dowladda .

Guddoomiyaha magaalada Marko Cabdullaahi Cali Axmed (Waafoow) oo aan la hadalay waxa uu inoo sheegay in arday gaareysa 331 ay sanadkaan nasiib ay u yeesheen Imtixaanka dowladda dugsiyadda sare waana markii ugu horeysay ee bur burki doowladdii dhexe.

” Waa markii ugu horeysay sodon sano ka dib ay ardayda degmada marko ay ka qeyb-galaan imtixaandka shahaadiga ee dowladda ka dib dadaal badan oo ay bixisay dowladda Soomaaliyeed “ayuu yiri guddoomiye (Waafoof).

Sannadkoodii ugu Horreeyay

Waa sanadkii ugu horeeyay waxaana ka qeyb-galay dhammaan ardyada wax ka baratay dugsiyadda magaalada Marko waxaana ugu dambeysay sanadku markuu ahaa sideetan iyo sagaalkii waxaana kasoo wareegatay muddo kow iyo sadon sano ah ayuu sii raaciyay gudoomiyaha marko.

Guddoomiyaha magaalada Marko Cabdullaahi Cali Axmed (Waafoow) ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdihii ku meel gaarka ay isku dayeen hase ahaatee ay suura gali weysay waxaana ugu dambeyn ku guuleystay dowladda hada jirta oo ay hogaamiyaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre.

“Dowladdihii KMG waa ay isku dayeen balse kuma guuleysan waxaana uga mahadcelineynaa dowladda federaalka Soomaaliya da daalka ay gelisay inay markaan suura gasho ka qeyb-galka imtixaanaadka dowladda ee ardyada soomaaliyeed ee gobolka shabeelllah Hoose gar ahaan Marko”

Isbeddelka Imtixaanka

Ardayda hore waxaa imtixaandka uga qaadi jiray si caadi daladaha ay wax ka bartaan ka dib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe waxaana guud ay soo dhaweeyeen inay fursad u helaan imtixaandka qaranka.

Tirada Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay G/Sh/H

Boqolaalo ardyada ayaa ka qeyb-galay imtixaanka dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ,331 arday Marko ,deegaanka Kuntuwaarey afartameeyo, Baraawe in kabadan 70 ardayda iyo Afgooye oo aan si rasmi loo xaqiijin maamaada hada ay ka taagantahay xaalad bini’aadanimo ee uu sababay Fafahaada wabiga Shabeelle.

Rajo ayaa muuqata oo Xagga waxbarashada Gobolka Shabeellaha Hoose nsi la mid ah hormarka ka socda Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Kulan Hordhac U Ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan.

Boqorka Sucuudiga Oo La Dhigay Isbitaal Ku Yaalla Magaalada Riyaadh.

0

Boqorka Sucuudiga ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Riyaadh si baaritaan loogu sameeyo.

Wakaaladda Wararka Ee Dowladda Sacuudiga ayaa ku warrantay in Boqor Salmaan oo 84 jir ah uu dareemayo xannuun dhanka kaadi heyska ah.

Salmaan in Cabdul-Caziiz ayaa sannadkii 2015-kii la wareegay xilka boqortooyada Sucuudiga isaga oo 79 jir ah xilliggaas, kaddib markii uu geeriyooday walaalkii Boqor C/laahi.

Wuxuu 48 sanno ah ka ahaa Guddoomiyaha  Gobalka Riyaadh ka hor inta uusan noqon Wasiirka Gaashaandhigga 2011-kii.

Dab Xooggan Oo Qabsaday Dhul Beereedka Deegaanka Wisil

0

Maamulka Deegaanka Wisil ee Gobalka mudug ayaa faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Dab xooggan oo qabsaday Dhul beereed badan oo ku yaallaa Deegaankaasi.

Wararka laga helayo Deegaankaasi ayaa sheegaya in ku dhowaad 20 beerood ay gubteen Xoolana waa ku dhinteen, sida ay warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegeen maamulka Wisil ka dib markii Dab xooggan ka dhashay Deegaanka Maraadheere oo ka mida deegaanada Hobyo hoos yimaada.

Guddoomiyaha Deegaanka Wisil Cali Xasan oo Warbaahinta Qaranka la hadlaayay ayaa baaq u diray Hay’adaha, Dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedka Galmudug inay ka jawaabaan dhibaatada Hantiyadeed ee soo gaaray muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku dhaqan Deefaankaasi, iyadoo ay qaar ka tirsan Beeralaydii khasaaruhu soo gaaray ayaa ka hadlay sida uu khasaaraha dabka ka dhashay uu gebi ahaanba u saameeyay.

 

Koox Burcad Koonfur Afrikaan Ah Oo Dil U Geystay Muwaadin Soomaaliyeed.

0

Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay xaafad ka tirsan magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada ku nool halkaas.

Allaha u naxariistee muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ganeey, waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafad isku raran ah oo lagu magacaabo Kaliija oo ka tirsan magaalada Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika.

Burcada hubeysan ee  Koonfur Afrikaanka ah  ayaa waxaa mararka qaarkood  dil iyo dhac u geystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaasoo howlo ganacsi u joogo gudaha dalkaasi Koonfur Afrika.

 

Webiga Shabeelle Oo Fatahaad Saameysay Tuullooyin Dhowr Ah Ee Gobalka SH/Hoose.

0

Maamulka Deegaannada Sabiid, Caanoole, Moordiinle iyo Raqayle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay fatahaad horleh ee uu webiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaanadaasi ay saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka tuullooyinka kadib markii ay biyaha ka dhashay fatahaadda ay baabi’iyeen dalagyadii sanadkan ka soo go’i lahaa beeralayda ku dhaqan tuullooyinkaasi.

Dadka ku nool deegaanadaasi ayaa ka soo barakacayay meelaha ay fatahaaduhu gaareen iyadoo ay qaar ka mid ah dadka kunool halkaasi lagu soo waramayo in ay ku go’doonsanyihiin iyadoo ay jirto xaalad dhinaca beni’aadannimo ee ka dhashay fatahaadaha webiga.

Guddoomiyaha Deegaanka Sabiib, Caanoole, Moordiinle iyo Raqayle mudane Maxamed Abuukar Axmed oo ka warbixiyay xaaladda saameynta fatahaada uu ku yeeshay deegaanka ayaa ka codsaday dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u fidiso gurmad si looga samata bixiyo deegaannadaasi.

Guddoomiyaha Waxbarshada Ceel-Berde Oo Codsaday in La Bilaabo Dhismaha Xarunta Dugsiga Sare Ceel-Berde “Sawirro”

Guddoomiyaha Dhinaca Waxbarashada Degmada Ceel-Berde mudane Maxamed Sh. Xuseen Xaaji Cumar ayaa sheegay in baahi deg deg ah loo qabo in ay ardayda soo dhammeysatay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe ee Ceel-Berde deg-deg loogu helo goob ay ku qaataan Waxbarashada Heerka Dugsiga sare maadaama Dhismihii Dugsiga Sare ee magaalada yahay mid burburay 30-sano kahor.

Maxamed Sh.Xuseen Xaaji oo la soo xiriiray Warqabadka News-room-ka Warbaahinta Qaranka isagoo jooga Ceel-Berde ee Gobalka Bakool ee Dowlad Goballeedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sidoo kale ugu mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si wadajir ah xil iskaga saaray dhagax dhigga dhismaha xarunta dugsiga oo aan weli si rasmi ah howsheeda loo billaaban weli.

Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceel-Berde ayaa ka codsaday madaxda iyo mas’uuliyiinta aanan looga maarmin arrintan ay ku dadaalaan ka warqabka baahida loo qabo helitaanka Xarunta Dugsiga Sare ee Ceel-Berde si looga maarmo in ay ardayda dhammeysatay Waxbarashada Heerka Dugsiga Dhexe ay u aadaan magaalooyin kale si ay ugu soo qaataan Waxbarashada Dugsiga Sare, iyadoo in ta badan qoysaska aanan ka bixi karin ay caruurtooda ay waxbarashadoodu ku ekaato heerka Dugsiga Dhexe keliya.

Hadalka Maxamed Sh.Xuseen Xaaji Cumar, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceel-Berde ayaa ku soo beegmay xilli ay ardayda Fasallada 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee magaalooyinka Dowlad Goballeedyada dalka kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goballeedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.