Digniino laga soo saaray roob dabeylo wata oo ka da’a Puntland.

Date:

Maamulka gobolka Bari ayaa digniino kasoo saaray roobab wata dabeylo oo laga yaabo in 48-ka saac ee soo socda ay ka da’aan gobolkaas, sida ay sheegeen hay’adaha saadaasha hawada.

Digniinta ayaa ku socta xoolo dhaqatada,kaluumeysatada iyo dadka ku nool meelaha togaga iyo dooxooyinka ah, si ay uga fogaadaan dhibaatooyin ka dhalan kara roobab dabeylo wata oo ka da’a.

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Abwaan oo la hadlayay Warbaahinta qaranka ayaa ku adkeeyay bulshada ku nool gobolka Bari in ay si gaar ah u taxadaraan 48-da saac ee fooda inagu soo haysaa.

Sanadihii dambe waxaa qeybo kamid ah gobollada Puntland saameeyay isbeddelka cimillada adduunka,waxaana kusoo noqnoqday roobab sababa khasaare kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...