Xoghaya Arrimaha Dibada Mareykanka oo Imaaraadka Carabta kala hadlaya ganacsiga hubka.

Date:

Xoghayaha arrimaha dibedda dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu wadaa in uu la  kulmo amiirka dhaxalka leh ee Abu Dhabi ,si ay ugala hadlaan heshiis ganacsi oo xagga hubka ah oo la qorsheynayo inuu dhex maro Mareykanka iyo Isutagga Imaaraatka Carabta.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay doonayaan in hub gaaraya 23 bilyan oo doolar ay ka soo iibsadaan Mareykanka,waxaana nuucyada hubka ay doonayaan ka mid ah Diyaaradaha Droniska ee loo isticmaalo sahanka iyo kuwa qaada ama xambaara gantaalada.

Safarka Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka ee dhinaca Imaaraadka Carabta,waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xoojinta xiriirka cusub ee dhexmaray qaar ka mid ah waddamada Khaliijka iyo Israel.

Bayaan ay soo saartay toddobaadkan, Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa lagu sheegtay in Pompeo uu la kulmi doono Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo inta badan loo tixgeliyo xukunka dhabta ah ee dalka, si ay uga wada hadlaan heshiiska Imaaraadka iyo Israel “iyo arrimo kale oo khuseeya labada dhinac oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga iyo ka hortagga waxa lagu sheegay saameynta Iran.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa isku dayaya inuu hub qiimigiisu yahay $ 23bn laga iibiyo isutagga Imaaraatka Carabta,hasa yeeshee qaar ka mid ah Senetarada Aqalka Sare ayaa ka hor yimid arintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...