Xoghaya Arrimaha Dibada Mareykanka oo Imaaraadka Carabta kala hadlaya ganacsiga hubka.

Date:

Xoghayaha arrimaha dibedda dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu wadaa in uu la  kulmo amiirka dhaxalka leh ee Abu Dhabi ,si ay ugala hadlaan heshiis ganacsi oo xagga hubka ah oo la qorsheynayo inuu dhex maro Mareykanka iyo Isutagga Imaaraatka Carabta.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay doonayaan in hub gaaraya 23 bilyan oo doolar ay ka soo iibsadaan Mareykanka,waxaana nuucyada hubka ay doonayaan ka mid ah Diyaaradaha Droniska ee loo isticmaalo sahanka iyo kuwa qaada ama xambaara gantaalada.

Safarka Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka ee dhinaca Imaaraadka Carabta,waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xoojinta xiriirka cusub ee dhexmaray qaar ka mid ah waddamada Khaliijka iyo Israel.

Bayaan ay soo saartay toddobaadkan, Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa lagu sheegtay in Pompeo uu la kulmi doono Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo inta badan loo tixgeliyo xukunka dhabta ah ee dalka, si ay uga wada hadlaan heshiiska Imaaraadka iyo Israel “iyo arrimo kale oo khuseeya labada dhinac oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga iyo ka hortagga waxa lagu sheegay saameynta Iran.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa isku dayaya inuu hub qiimigiisu yahay $ 23bn laga iibiyo isutagga Imaaraatka Carabta,hasa yeeshee qaar ka mid ah Senetarada Aqalka Sare ayaa ka hor yimid arintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...