Xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo Asteeyey maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxana maanta Xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed  ka soo qeyb-galay  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle {Jaabiri) ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Senataro, madax ka socotay Hay,adda Turkish Ma’rif, La taliyaasha Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan Wasaaradda Waxbarashada, Hay’adaha ka shaqeeyo Waxbarashada, Daladaha Waxbarashada, Maamulayaal, Macallimiin iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa ka hadlay mudnaanta gaarka ah oo ay leedahay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu macallinku yahay hoggaamiyaha xilliga adag iyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in macallinku yahay iftiinka bulshada, waxa uuna hambalyo u diray macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ugu weyn Dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyahiin Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...