(AKHRISO) FARRIINTA Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

Date:

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO EE MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee Qiimaha Badan,,

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuhu,

Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed iyo sharafka dalka.

Bareyaasha Soomaaliyeed waxa ay door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho.

Dalkeennu maanta waxa uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhanka dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada ah, iyada oo la hirgeliyey Manhaj Qaran oo mideysan, kana turjumaya baahiyaha garasho iyo aqooneed ee carruurta Soomaaliyeed.

Dowladdu waxa ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya.

Dhammaan arrimahani waxa ay muujinayaan Qorshaheenna Qaran ee ku qotoma diyaarinta jiil aasaas u noqda Soomaaliya horumarsan oo la jaanqaadda dalalka kale ee Caalamka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...