Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka+(SAWIRRO).

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee DFS, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka DFS, Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in  ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku habboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisa leh maamulka Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahad celiyey cid kasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...