Home Blog Page 798

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray xaruumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagey xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso tayaynta hay’adaha Garsoorka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan Caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adeeg ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Eng. Rooble ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddiisa uu aas-aas u yahay hagaajinta hannaaanka caddaaladda, isagoo kula dardaarmay howlwadeennada Wasaaradda iyo dhammaan xarumaha Garsoorka in shacabka Soomaaliyeed loogu adeego si daacadnimo ku jirto oo ka fog musuqmaasuq iyo eex.

“Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuqmaasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qaybgalay dhageysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taasoo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Madaxweynaha K/galbeed oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeellah Hoose.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, isago oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolkaasi.

Xilka ka qaadista Guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa timid ka dib markii madaxweynaha uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha, Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur galbeed.

Hay’adaha Dastuurka oo kulan la yeeshay Golaha Sharci Dajinta Hirshabelle+(SAWIRRO).

0

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Guddoga Lasocodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Jowhar kula yeeshay Golaha sharci dejinta Hirshabelle kaas oo loga wada hadlay dadaaalada lagu dhammaystirayo dib-u-eegista dastuurka.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd soo uruurinta aragtida baarlamaanka dowladd goboleedka Hirshabelle ay ka qabaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista faramo lagu sameeyay, waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha sharci dejinta Hirshabelle Mudane Abdihamkiim Luqmaan.

Ugu horrayn, kulanka waxaa kalmad furitaan ah ka jeediyay madaxda hay’adaha Dastuurka oo uu ugu horreeyo agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Dastuurka mudane Maxamed Abuukar Zubayr isagoo sheegay in hay’adaha Dastuurku ay soo dhammaystireen dib-u-eegisti farsamada islamarkaana loo baahanyahay in lagu daro aragtida ay hirshabelle ka qabaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Agaasime Zubayr ayaa xusay in latashiyo badan lagala yeeshay hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka hirshabelle arrimaha dastuurka, maantana ay muhiimadda ugu wayn tahay in ay helaan aragitidii laga sugaayay dowladda hirshabeelle gaar ahaan golaha sharci dejinta.

“Hay’adaha Dastuurku waxay rajaynayaa in dib-u-eegista Farsamo ay hor geeyaan baarlamaanka si uu dood uga yeesho ka dibna ansixiyo, sidaa darteed waxaan uruurinaynaa aragtiyihii ugu dambeeyay ee nuqulkii labaad ee la idinla wadaagay bishii Maarso 2020, si loogu daro aragtiniina nuqulka saddexaad ee baarlamaanka la horgayn doono” ayuu yuri Agaasime Zubayr.

Dhanka kale, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa bogaadiyay howsha mugga leh ee ay hay’adaha dastuurka ka soo qabteen dib-u-eegista Dastuurka, waxayna ballaqaadeen in ay aragtidooda u soo gudbin doonaan si dhaqsi ah.

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoabada farsamada ee dib-u-eegista lagu sameeyay, si howhsa laga soo qabtay dastuurka aysan u noqon mid ma dhalays ah oo sanad kasta dib loo soo bilaabo.

Wasiirka Warfaafinta JFS oo la kulmay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0
Wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe iyo safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa kulan ku yeeshay xarunta Safaaradda England ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Kulanka labada masuul ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo la xidhiidha wacyigalinta doorashooyinka iyo Arrimaha dimuqraadiyadda.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiirka Dowlada Ingiriiska Mr Ben Fender Fikirka iyo Talada waxuuna sidoo kale tilmaamay in uu soo dhaweynayo Wadashaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa istiraatiijiyada Warbaahinta ee UNSOM+(SAWIRRO).

0

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa istiraatiijiyada warbaahinta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Ari Gaitanis.

Kulanka oo ay labada mas’uul ku wehlinayeen agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane Cabdinaasir Xuseen iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda, waxaa looga hadlay dardar gelinta wada shaqeynta dhaw ee ku aaddan doorashooyinka dalka iyo iskaashiga labada dhinac, kaas oo ay garwadeen ka tahay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Madaxda istaraatiijiyada warbaahinta xafiiska UNSOM Ari Gaitanis ayaa Madaxda wasaaradda warfaafinta ku ammaanay shaqada culus ee ay ka hayaan wasaaradda gaar ahaan warbaahinta Qaranka iyo u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Wasiirka warfaafinta Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in warbaahintu ay dowr muhiim ah kaga jirto doorashooyinka dalka,wasaaradduna ay tahay hoggaanka warfidiyeenka dalka, isagoo xafiiska warbaahinta UNSOM uga mahadceliyay booqashadooda.

Shil gaari oo Qasaaro geystay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Afgaduudle ee Degmada Hobyo+(SAWIRRO).

0

Shilkan Gaari oo gaystay dhaawac iyo Khasaare hantiyadeed ayaa maanta ka dhacay deegaanka Afgaduudle oo ka tirsan Degmada Hobyo

Gaarigaan ayaa ahaa nuuca Xamuulka qaada wuxuuna ka baxay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka mudug isagoona kusii jeeday Deegaanka deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta Gobolka mudug.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaas qaar ka mid ah oo xaaladooda caafimaad laga deyrinayo ayaa lagula tacaalyaa deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka JFS oo qeybo ka mid ah Dalka ka bilowdo Howlo Wacyi galin ku aadan Ka hortaga Cudurada dhashay xilliyada Roobka+(SAWIRRO).

0

Wasaarada Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda JFS ayaa bilowday Howlo looga hortagaayo cudurada ka dhashay Xilli roobaadka meelaha biyo fadhiisidka.

Howshaan oo ah wacyi galin iyo qaabkii lagula dagalaami lahaa kaneecadda xilliyaha Biyaha fadhiisadka ee Roobabku keeno taasoo sababta cudurada duumada iyo cuduro kale sida Dengue fever (Xumadda) iyo cudurada kale.

Wasaaradda ayaa xooga saartay deegaanada ku xeeran wabiyada iyo goobaha kale ee uu roobku Biyaha dhigo waxaa shaqaalaha wasaaraddu ay bilaabeen wacyi galin Agab iyo Daawooyin looga hortagaayo halista Cuduradda.

Ugu Dambeyntii Wasaarada Caafimaadka ayaa Bulshada qeybaheeda kala duwan kula talisay inay ku dadaalaan nadaafada kana taxadaraan biyo fadhiyada wasakhda ah iyo Meelaha gabaadka u ah kaneecada sida dhirta in ay wax ka qabtaan si cudurada looga hortago.

Dowlada Itoobiya ayaa Shaqaalahe Caafimaad u diray Xeryaha Ciidamada ee Waqooyiga Itoobiya+SAWIRRO).

0

Shaqaale caafimaad ayaa maanta loo diray saldhigyada ciidamada itoobiya ku leeyihiin waqooyiga dalkaas halkaas oo dagaal uu ka socda.

Shaqaalahan caafimaaad oo isugu jira dhaqaatiir iyo Kalkaaliye yaal ayaa waxaa soo abaaulay oo diray maamulka magaalada Adisabab ee xarunta itoobiya

Xubnaha oo ka kooban 48 qof ayaa saakay loo qabtay munaasabad lagu sagootinyay taas oo uu soo qabanqaabiyay ku xigeenka duqa Adisababa Adanech Abiebie.

Shaqaalahan caafimaad ayaa la sheegay in ay gacan ka geysan doonaan daaweynta ciidanka iyo dadka rayidka ah ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka maalinkii 13-Aad ka soconaya waqooyiga Itoobiya kaas oo u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka dowlada itoobiya.

Waxaa sii kordhaya qulqulka dadka qaxootiga ee ka cararaya colaada waqooyiga itoobiya kuwaas oo ka talaabaya xadka Sudan+(SAWIRRO).

0

Sida ay sheegtay heyada qaramada midoobe ee qaxootiga dad lagu qiyaasay 4,000 ayaa maalinkii ka talaabaya xuduuda Sudan .

Dadkan oo u badan caruur iyo haween ayaa qaarkood ka gudbaya wabiga Tekeze halkaas oo doonyo macmal ay raacayaan halka qaar kalana ay dabaalanayaan.

Deegaanada Lugdi iyo Hamdayet oo dhaca bariga Sudan ayaa halka ay qaxootiga ugu badan gaareen.

Sabtigii aynu soo dhaafnay waxaa UNHCR ay sheegtay in qaxootiga Sudan gaaray ee la diiwaan galiyay ay 20,000 ka badan yihiin.

Shaqaalaha gargaarka ayaa xuduuda ku qaabil caruur iyo dumar jilacsan oo xanuunsanaya kuwaas oo daryeel caafimaad u baahan .

Dadka colaada ka baxsanaya ayaan wadan agab maadaama ay guryahooda hal haleel uga soo baxeen

Madaxa UNHCR ee Sudan Axel Bisschop, ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo kasta oo lagu badbaadinayo dadka magangalyo doonka ah ay muhiim tahay.

Dagaalka ka socda gobalka Tigreega ee waqooyiga itoobiya ayaa heyadaha gargaarku sheegeen in uu sababyo musiibo bani’aadanimo hadii aan la joojin.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay wado muhiim u ah shacabka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magalada muqdisho Mudane  Cumar Maxamuud Maxamed Flish ayaa waxaa maanta dhagax dhigay wadada jaale siyaad oo xiriirisa isgoysyada korontada iyo xoosh ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha degmooyinka Dharkeynle Guhaad Sheekh Xasan iyo guddoomiyaha degmada wadajir Bashiir Maxamed Cali.

Wadada ayaa waxa ay marin muhiim ah tahaya dadweynaha ku nool labada degmada maadaama ay ka mid tahay wadooyinka ugu ganacsiga badan iyadoo ay yalaan suuqyo iyo goobo kale .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa kula dardaarmay shacabka degmooyinka wadjir iyo dharkeynley in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay waxaana sidoo kale uu kula dar daarmay inay ilaaliyaan nadaafada.