Home Blog Page 798

Guddoomiyaha Hiiraan oo safar shaqo ku tagay degmada Buula-barde

0

Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabeelle Cali Maxamad Caraale oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Degmada Buula-barde ee gobalka Hiiran ayaa dib ugu soo laabtay magalada B/weeyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

safarka gudoomiye Carraale uu ku tagay Degmada Buula- barde ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd xallinta khilafkii maamulka Degmada Buula-barde iyo odayaasha dhaqanka degmada .

Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabeelle  Md.Cali Maxamad Caraale intii uu Degmada Buula burde ku sugnaa waxa uu kulummo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo sarakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwo Amisom ee nabad ilalinta u jooga Degmada Buula barde .
sido kale waxa uu u kuur galay xaladaha Amni iyo nololeed ee dagmada.

Dowladda Afghanistan oo sii daysay maxaabiis Taalibaan ah

0

Madaxwaynaha Afqhanistan Asharaf Qaani ayaa sheegay in ay oodda ka qaadeen 1500, maxaabiis Taalibaan ah,  isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in Taalibaanna ay dhankooda sii dayn doonaan maxaabiista ay hayaan.

Sii daynta maxaabiistan ayaa timid kaddib markii dhawaan dowladda Mareykanka ay heshiis la gashay kooxda Taalibaan ee ka dagaallanka dalkaasi, waxaana dowladda Mareykanku durba billoowday in kumanaan ciidamadeeda ah ay kala baxdo dalkaasi.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Taalibaan iyo Mareykanka qayb kama ahayn dowladda Afghanistan,  iyadoo Taalibaan ay ku hanjabtay in ay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Afghanistan.

Muddo 18sano ah ayaa dagaallo ka socdeen Afghanistan, kuwaasi oo ka danbeeyay weerarkii argagixiso 11kii Sptember, wuxuuna maraykanku xilligaasi ku eedeeyay talibaan in ay Magangalyo siisay hoggaankii Alqaacida.

Biyo la’aan soo wajahday dadka ku nool deegaan dhaca waqooyiga Mudug+Sawirro

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jilible hayre ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in biyo la’aan daran ay ka jirto deegaanka dadkuna aysan heysan biyo ku filan.

Guddoomiyaha Jilible heyre ee waqooyi bari ee gobolka Mudug Cali Axmed Jaamac oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in biyo la’aantu ay dadka soo wajahday kadib markii uu jabay ceelka deegaanka.

Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee nool deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xaalada soo wajahday, iyagoo cid kasta oo wax ka qaba karta ka codsaday in loo gurmado.

Guddoomiyaha deegaanka Jilible heyre ayaa maamulka Galmudug,Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo dowladda dhexe ugu baaqay in si deg deg ah xaaladaas wax looga qabto maadaama xaalad bini aadanimo ay ka jirto deegaanka.

Khilaaf xooggan iyo is Qaarajin ka dhex bilaabatay hoggaanka Al-Shabaab

0

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye) oo ahaa madaxii hore ee amniyaadka kooxda ee Muqdisho.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir ee Al-shabaab” ayaa lagu xusay qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al- Shabaab, Cumar Maxamed, amarka dilkaas oo uu bixiyay horjoogaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

NISA ayaa todobaadkii hore shaacisay in khilaaf xoogan uu soo dhex galay kooxda al-shabaab hogaankeeda sare,ka dib markii Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ,kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen kooxda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay labada nin dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho sida lagu sheegay qoraalka NISA ay soo saartay todobaadkii hore, waxaana arinkaas dartii is casilay Muuse Macalin (Mucaawiye).

Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaab kana mid ahaa ragga ka soo horjeestay amiirka kooxdaas,waxaa kadib lagu dilay duqayn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska oo laga helay xanuunka Coronavirus.

0

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haataan laga daweynayo. Ms. Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas.

Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ayaa ahaa oday 80 sano jir ah oo markiisi horeba dhul yaal ahaa.

Dhanka kale hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Wasiirka waxaa kale oo ay sheegtay in hey’adda caafimaadka ee England ay haatan bilawday inay raadiyan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.

Waxay intaa ku dartay inay ka walwalsan tahay hooyadeed oo 84 sano jir ah, haatanna qufaceyso, taas oo la maleynayo inay qaadsiisay xanuunka.

Ilaa iyo hadda lama oga inta qof ee ay qaadsiisay xanuunkaas iyo shirarka ay ka qeybgashay.

Wasaaradda caafimaadka ee ay hogaamiso waxaa ay xaqiijisay in khamiistii lasoo dhfaay laga helay astaamaha xanuunka, xilligaas oo ay booqatay aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee Downing Street, waxaana halkaas ay kula kulantay ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson.

Ilaa iyo hadda lama oga in xanunkaas uu ku dhacay ra’iisul wasaaraha iyo inkale, in laga baaray.

 

Yaa loo xukumay ciyaar yahaankii Danaanada loo dilay?

Muqdisho (SNTV)- Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo heysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib  ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hey’adda    dambi baarista boliiska CID  ayaa  ka gudatay waaajibka kaga aadan ee baaris, waxa ayna ku soo wareejisay Gungaarka eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal degmada Cirifka jirta ee Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda dhinaca Xoosh balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaareysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha laheyn uu ugu riday laba xabadood  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sidaasna uu ku geeriyooday.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta ku badda looga saaray awood sheegasho balse markii uu meesha tegay isku deygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaareysay ay sababtay xabadihii uu riday dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan   sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan .

Ra’iisal wasaaraha Suudaan oo ka badbaaday isku-day dil

0

Raiisel wasaaraha Sudan Abdullah Hamduuk ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala beegsaday gaarigiisa oo marayey caasimada Sudan ee Khartoum.

Shilka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka xilli uu ka sii baxayey gurigiisa oo ku yaal aagga Kafouri una sii socday goobtiisa shaqo ee Golaha Wasiirrada Sudan, iyadoo Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ay u sheegay BBC qeybteeda dibadaha lahadasha in gaariga uu ku qarxay qeybta hoose ee buundada loo yaqaan koobir , taasoo isku xirta magaalooyinka Khartoum iyo Bahri, halkaas oo kolonyada Raiisul Wasaaraha ay ku safrayeen.

Warka ayaa intaas ku daray in Hamduuk iyo shaqaalihiisuba aysan wax khasaaro ah soo gaarin oo ay bed qabaan, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Ra’iisalwasaare Hamduuk.

Hamduuk wuxuu qabtay jagada Raii salwasaaraha kadib afgembigii xukunka Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan al-Bashiir, taas oo ku timid kadib mudaaharaadyo ballaaran oo muddo ka socday dalka suudaan oo dhan.

Wasiirro ka tirsan XFS oo gaaray Baraawe

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdiga wasiirka ayaa  garoonka diyaaradaha degmada Baraawe  kusoo  dhaweeyey mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.

Xubnaha la socda wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka & Maareynta musiibooyinka ,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Xubno kale, iyagoona halkaasi mashaariic kala duwan ka fulin doono.

“Waxaan maanta Safar shaqo aan ku tagnaya magaalada baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur galbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic lagu horumarinayo waxbarashada degmadaas iyo degaanada hoostaga maamulka Koonfur galbeed ” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre .

mashaariicda waxbarasho ee ay ka hirgalinyaso wasaarada waxbarashada dalka degaanada maamulka Koonfur galbeed ay looga goleyahay sidii sare loogu qaadilaha tayada waxbarashada degaanadda hoostaga maamulka Koonfur galbeed.

 

Howlo mashaariic ah oo laga fulinayo degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe

0

Xilibaano ka tirsan maamulka  Hirshabeelle ayaa soo kormeeray mashaariic laga fuliyay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Xildhibaanadu goobaha ay kormeeren waxaa ka mid ah iskoolada, Isbitaalka Hooyada Iyo Dhalaanka iyo saldhiga Booliska Degmada oo dhawaan xariga laga Jaray.

Gdudoomiayaha Degmada Cadale Muuse Maxamed Kaliil oo kormeerka xilibaanada ku wehliyay ayaa ka hadlay waxyaabihii ugu qabsoomay Degmada iyo baahiyaha ka jira

Xilibaanada ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin in adeegyada Bulshada laga hirgaliyo Degmada Cadale inta dhimane ay u gudbin doonaan madaxda sare ee Maamul Goboleedka hirshabeelle, si wax looga qabto.

Nin u dhintay Buur u iska soo tuuray dalka Masar.

0

Wiilkan dhallinyarada ah oo kasoo jeeda dalka Masar ayaa wararku sheegayaan inuu si bareer ah isu dilay isagoo iska soo tuuray buur kamid ah buuraha taariikhiga ah ama ahraamta dalka Masar, taasoo dhererkeedu yahay 136 miter.

Wasaaradda dhaqanka dawladda Masar ayaa sheegtay in wiilku uu iska soo tuuray meel sare kadibna oo dhulka ku dhacay isagoo mayd ah maadaama ay buurtu aad u dheerayd isaguna uu ahaa wiil aad u da’yar.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay baaritaan xoogan ku wado waxyaalaha sababay inuu iska soo tuuro buurta dheer isla markaana ay soo bandhigi doonto xogta ku saabsan arrintaas.

Ciidamada nabadsugida ayaa sheegay inay ogaadeen in wiilka dhalinyarada ah uu buurta fuulay isagoo aan qaadan digniintii ay siiyeen ilaalada ahraamta masar isla markaana uu ka baxsaday ilaalada markii uu dusha sare tagayna oo si toos ah isu soo tuuray.

Laamaha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in baaritaano hor dhac ah oo la sameeyey ay sheegayaan in wiilka dhalinyarada ah uu maskax ahaan xanuusanaa isla markaana uu ahaa qof aan la ilaalin karin.