Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Tababar ku saabsanaa Xoojinta Dadaalada ka Hortagga Askareynta Caruurta.

Date:

Tababarkan Waxaa Daah-furay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xil.Maxamed Cali Xagaa waxaana ka qeybgalayay Saraakiil ka Socotay Taliska Ciidanka XDS iyo Xubno ka Socday Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ,sidoo kale waxaa casharo ka bixinayay Dr.Shally oo ka tirsan Agaasinka Sare ee Machadka Dalarea ,iyo Jim Hagirtt oo ka Tirsan Safaaradda Uk Ee Soomaaliya ,waxaa kaloo Tababarayaasha ka mid ahaa Muse Gaabow oo ka tirsan Regional Training  Management Africa ,Tababarkan ayaa ku qotomay dardargalinta iyo fulinta heshiisyada Caalamiga ah ee ka hortagga askareynta  Caruurta .

Waxaa kaloo intii uu tababarka Socday sidii heshiisyo wada shaqayn iyo iskaashi ay u kala saxiixan lahaayeen Hay’adda DALLAIRE Institute Children Peace Security iyo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa wada dadaalada wacyi-galinta ah ee ka hortagga askareynta Caruurta waxaana tababaro ka la xiriira arintaas Shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga gaar ahan waaxda ka hortagga Askareynta Caruurta ka sameeyeen qaar ka mid ah gobalada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...