Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta saxiixay heshiis Iskaashi ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda maxalliga ah ee Hope Labs Group.

Ujeeddada Iskaashiga ayaa la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa  Tayada,bed-qabka Shaqaalaha iyo goobaha shaqada,Waxaa kale heshiiskan uu  diiradda saarayaa in la soo saaro xirfadleyaal si gaar ah u tababbaran oo haysta Shahaado khibradeed oo la aqoonsan yahay.

Heshiiskan waxaa lagu hormarin doonaa xarumaha tababbarrada xirfadleyaasha iyo agabyada ay u baahanyihiin, sidookale Waxaa  uu door wanaagsan ka qaadan doonaa in la hormariyo nidaamka kormeerka bed-qabka caafimaadka Shaqaalaha,goobaha Shaqada iyo agabka si looga hortago khataraha ku imaan kara Shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa sidoo kale daahfuray mashruuca diyaarinta khabiir xirfad yaqaan ah, kaas oo ay si tabarucaad ah uga faa’iideysan doonaan ilaa Saddex kun (3,000) oo Arday lagu tababbarayo  27 xirfadood oo kala duwan.

“Wasaaraddaydu waxay dadaal gelinaysaa sidii lagu dhimi lahaa shaqo la’aanta, si loo gaaro waxaa muhiim ah in la hormariyo xirfadaha iyo bed-qabka Shaqaalaha, taas oo kor u qaadeysa kalsoonida shaqaalaha ,loo shaqeeyaha iyo bulshada, waana irid aan ku geleyno kor u qaadista wax soo-saarka iyo la-dagaallanka saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Munaasabadda waxaa goobjoog u ahaa , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , madaxa Hope Labs Group, oo ah shirkad ka shaqeysa Horumarinta xirfadaha iyo bedqabka Shaqaalaha, Culimo,Ganacsato iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

-Dhammaad-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...