Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la saxiixatay shirkadda Hope Labs Group+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta saxiixay heshiis Iskaashi ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda maxalliga ah ee Hope Labs Group.

Ujeeddada Iskaashiga ayaa la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa  Tayada,bed-qabka Shaqaalaha iyo goobaha shaqada,Waxaa kale heshiiskan uu  diiradda saarayaa in la soo saaro xirfadleyaal si gaar ah u tababbaran oo haysta Shahaado khibradeed oo la aqoonsan yahay.

Heshiiskan waxaa lagu hormarin doonaa xarumaha tababbarrada xirfadleyaasha iyo agabyada ay u baahanyihiin, sidookale Waxaa  uu door wanaagsan ka qaadan doonaa in la hormariyo nidaamka kormeerka bed-qabka caafimaadka Shaqaalaha,goobaha Shaqada iyo agabka si looga hortago khataraha ku imaan kara Shaqaalaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa sidoo kale daahfuray mashruuca diyaarinta khabiir xirfad yaqaan ah, kaas oo ay si tabarucaad ah uga faa’iideysan doonaan ilaa Saddex kun (3,000) oo Arday lagu tababbarayo  27 xirfadood oo kala duwan.

“Wasaaraddaydu waxay dadaal gelinaysaa sidii lagu dhimi lahaa shaqo la’aanta, si loo gaaro waxaa muhiim ah in la hormariyo xirfadaha iyo bed-qabka Shaqaalaha, taas oo kor u qaadeysa kalsoonida shaqaalaha ,loo shaqeeyaha iyo bulshada, waana irid aan ku geleyno kor u qaadista wax soo-saarka iyo la-dagaallanka saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Munaasabadda waxaa goobjoog u ahaa , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , madaxa Hope Labs Group, oo ah shirkad ka shaqeysa Horumarinta xirfadaha iyo bedqabka Shaqaalaha, Culimo,Ganacsato iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

-Dhammaad-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...