Wasiirka Wasaaradda Qorhseynta ayaa maanta daahfuray kullan wada tashi ah oo lagu xaqiijinayo Mudnaansiinta Istaaraajiyada  Xalka-waara ee Dalka+(SAWIRRO).

Date:

Kulankan watashiga ah oo lagu xaqiijinayay Istaraatijayada Qaranka ee xalka-waara ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdishu kaasoo socon doonto muddo labo cisho ah, waxaa kasoo qeybgalay xubno ka socday dowlada federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobaleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Booga Istaraatiijayadan oo la qoray islamarkaana loo qeybiyay Xubnaha kulanka ka soo qeyb galaya ayaa waxa ay qeexaysaa sidii xalka waraa looga gaari lahaa dadka barakacayaasha ah, qaxootiga iyo tahriiyaasha, waxaana kasoo qeyb galayaasha kulanka ay isku raaceen sidii arrimahan looga gudbi lahaa.

Agaasinka Xalka-waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gaashiga iyo Horumarinta dhaqalaaha dowladda Soomaaliya  ayaa qeexday  mudnaan siisinta Istaraajiyadan.

Waxayna tilmaamtay in ahmiyadd weyn ay u leedahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, islamarkaana ay soo martay marxalada kala duwan oo lagu diyaarinayay, iyadoo sidoo kalana tilmaamtay in wadatashiyo ballaaran lagala yeeshay Maamul Gobaleeyada Dalka iyo Hay’adaha dowladda federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Istaraatijyadan ayaa mudnaanta koowaad siinaysaa barakacayasha, qaxootiga soo laabanayo, Muwaadin kasta waa in uu helaa adeegayada  dadweynaha sida guryo, Caafimaadka Biyo Nadiif ah, iyo Waxbarashada Bilaash ah oo ay Dowladu bixiso.

Sidoo kale Istaraajidan ayaa lagu soo daray Arrimaha Fatahaadaha ee ku soo laab laabto Dalka Qeybo ka mid ah in laga gaaro maareyn wanaagsan sida ka hortag fahaatada, iyo in la dayactiro kanaalada, waxaa kaloo meesha ka marneyn in dib u dajin loo sameeyo  dadka ku nool Wabiyada hareerahiisa tasoo horseedi karo xal wanaagsan oo looga gaashamanaayo masiibiiyinka imaan kara.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa si fiican loo lafo guray arrimo badan waxaana ka mid ah in Dowladda ay abuurto jawi fududeynayo Caddaalad Dhameystin oo Dadka oo dhan gaarta iyada oo la horumarinayo nidaamka Maxkamadaha iyo garsoorka si xaquuq ay u wada helaanMuwaadintiinta.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta, Mudane Jamaal Maxamed oo kulanka ka dib la hadlay ka soo qeyb galayaasha ayaa ku booriyay in dalka la gaarsiiyo isku filnaan buuxdo waxuuna intaasi ku daray in dhamaan Wasaaraddaha Dowlada ay qeyb ka yihiin Shaqadan Wanaagsan ee Istaraatiijidaya Dalka oo afarta sano ee soo socota gundhig u ah Wadanka

Ugu Dambeyntii Kulankan ayaa Maalinta barri ah la soo gaba-gabayn doonaa iyadoo la filayo in Watashiga Istaraajiyada Xalka-waara ee la doonayo in lagu dabaqo Tiirarka Qorshaha Horumarinta Soomaaliyeed laga soo saaro Qodobo muhiim ah oo Afarta sano ee Soo Socoto Dalka Lagu hormariyo.

-Dhamaad-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka ee Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumairnta dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...