Home Blog Page 797

Nuur Cade, R/Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Maanta Geeriyooday

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa London ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus, sida ay qoyskiisa xaqiijiyeen.

Bishii hore ee March 26, ayaa la dhigay cisbitaal ka dib markii uu ku dhacay fayraska Covid-19, sida uu xilligaas xaqiijiyay wiilkiisa oo BBC Somali la hadlay.

Nuur Xasan Xuseen oo loo yaaqaan (Nur Cadde) wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938 wuxuuna ahaa 82 sano jir.

Jeneraal Cabdiqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ay isla soo shaqeeyeen Nuur Cadde wuxuu yiri: “Wuxuu ahaa nin aad u qaali ah oo maamul yaqaan ah oo shaqadiisa garanaya”.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka tacsiyeeyay geerida Nuur Cadde wuxuu yiri: “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

Sidoo kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada uu ka dhintay Alle Ha u naxariisto, Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde).

Waayihiisii xilka Ra’iisul Wasaare

Nuur Cadde oo mudooyiinkii ugu dambeeyay degganaa magaalada London ee dalka Britain, wuxuu xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qabtay 22-kii November 2007-dii. Xilkaas waxaa u magacaabay madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hoggaaminayay dowlladii kumeel gaarka ahayd.

Wuxuu xillgaas xilka kala wareegay Cali Maxamed Geedi oo is casilay 29-kii bishii october ee isla sannadkaas, 2007.

Madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yusuf oo siyaasad ahaan ay kala aragti duwanaadeen Nuur Cadde, wuxuu dhammaadkii 2008-dii sheegay inuu kala diray Nuur Cadde iyo golihiisii Wasiirada.

Mooshinno iska soo horjeeday oo la geeyay Baarlamaaka waxaa codka ku guuleystay Nuur Cadde. Wuxuuna xilka Madaxweynaha u tartamay doorashadii Jabuuti ka dhacday horraantii 2009-dii ee uu ku guuleystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxbarashadiisii iyo noloshiisii guud

Waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa. Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda ayuu wax ku bartay, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka, wuxuuna ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

Nuur Cadde wuxuu shaqadiisii ugu horreysay ku billaabay Sarkaal canshuuro, 1958-dii, laba sano ka hor intii Soomaaliya aysan qaadan xuriyadda. Wuu dalacay illaa uu ka gaaray heerar sare oo la xiriira hoggaanka booliska. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay hay’ado boolis oo caalami ah.

“Wuxuu ahaa nin aqoon sare leh. Wuxuu wax ku soo bartay Taliyaaniga. Wuxuu ahaa nin afgaaban oo dabeecad macaan”, ayuu yiri Subxaanyo.

Ka dib markii uu ka baxay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, wuxuu ku biiray Jaamacadda Room. Wuxuu labadaas Jaamacadood ka bartay Culuumta Shuruucda, sida ay xaqiijiyeen dad badan oo ay isla soo shaqeeyeen.

Ka dib Burburkii wuxuu u wareegay hay’adaha Gargaarka, wuxuuna la shaqeeyay hay’ado caalami ah sida Hay’addii Bisha Cas ee Soomaaliya (SRCS).

Sannadkii 1976-dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah hay’adda Bisha Cas ee Somaaliyeed, ka hor inta aan loo dooranin inuu noqdo xubin gudiga fulinta ee hay’adda.

Nuur Cadde wuxuu ra’iisul Wasaare ahaa 2007 illaa 2009.

Alle ha u naxariisee, Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Soomaaliya wuxuu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala gedisan ayuuna ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska.

Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

Sannadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliya.

Jeneraal Cabdiqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ay isla soo shaqeeyeen wuxuu yiri “Wuxuu ahaa diiwaan hayihii booliiska oo dhan. taliyaha ayuu la shaqeyn jiray. Booliska isaga la aantiisa maba socon karin. Wuxuu ahaa saraakiishii ugu aqoonta badnayd booliska”.

Sannadkii 1986, Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka Taliyaaniga, halkaas uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, waxaa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo dembiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sannad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Soomaaliya.

Maxaa lagu xasuusan doonaa?

Waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah “Heshiiskii lagu soo dhisay dowladdii (Sheekh Shariif) ee lagu qabtay Jabuuti iyo kaalintii fiicneyd ee uu ka qaatay”, ayuu yiri Subxaanyo oo sidoo kale xilligaas ay isla shaqeeyeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

“Wuxuu kaalin wanaagsan ka qaatay in ay dhacdo mideyn iyo isu imaatin iyo iyadoon dagaal dhicin in nabadgelyo wax lagu xalliyo,” ayuu hadalka ku daray.

Si gaar ah Booliskii uu ka tirsanaan jiray “waxaa ka tagay nin qiimo leh oo waxbadan ka soo qabtay”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tacsiyeeyay geerida Nuur Cadde wuxuu yiri: “Waxaan ka wada shaqeynay arrintii dib u heshiisiinta ee 2008-2009. Wuxuu ahaa nin qiimo leh oo nabadda aad u jecel”.

“Nabadda iyo dowladnimada ayuu xilkiisa Raysalwasaare miiska u saaray, danta guud ayuu ka hormariyey tiisa shakhsiga ah ee geedi socodka nabadda iyo dhismaha dowladnimada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo boggiisa facebook uga hadlay geerida Nuur Cadde.

 

 

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo safiirka Shiinaha kala wareegtay qalab lagu baaro Covid-19

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadad Federraalka Soomaaliya ayaa Xalay Safiirka Dowladda Shiinaha kala wareegtay qalabka lagu baaro Covid-19 iyo dharka ay xirtaan Dhaqaatiirta ka howlgala meelaha lagu hayo Bukaanada.

Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dilaacay.

Diyaarad sidday qalab caafimaad iyo daawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga iyo in lagula tacaalo cudurka Covid-19 ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa ka timid dalka Itoobiya, waxaana garoonka ku sugayay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, kuwaas oo safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqdaas.

Deeqdaan gargaarka ayaa waxaa qeyb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhakhaatiirta ka howlgala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee dunida ku baahay.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dib u siisay Xurriyadooda rag uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii Afgooye

Muqdisho (SNTV)- Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug la haayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa  guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay.

Hey’adaha Ammaanka ayaa soo kala xiray Afarta tuhunsane xilliya kala duwan, waxa ayna ku kala wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  bartimihii December iyo dabayaaqadii January.

Ismaaciil Aadan Cadow, ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose.

Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan  jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u cosadeen inaan loo ciqaabin natiijada  tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida.

Xukunka Askari u dilay xoogsade in uu ku beer fasho

Muqdisho (SNTV)- Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo  dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha  oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku  wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay hubinta sida ay wax uga dhaceen Buullo Mareer, waxa uuna Xafiiska weydiistay in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle 29-kii  January sanadkan.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga kiiskan 27-ka bishii ina dhaaftay, waxa ayna Maxkamadda u ogolaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay soo bandhigaan cadeymaha iyo qodobada Sharci oo ay u heysteen Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan kadib jeedinta Maxkamadda.

Xafiiska ayaa ugu horeynba weydiistay Maxkamadda in loo ogolaad dhageysiga Sedax Marag oo uu afar ku yahay Dhibane Yaasiin Geedow Xuseen.Markhaatiyaasha oo ay Maxkamadda mid mid u weydiisay Marag furkooda ayaa si isku mid ah isugu raacay in Eedeysana ay hadda ka hor u shaqeeyeen laakiin uu u  diiday inta ay  ugu lahaayeen xaqa ka xoogsata ahaan, muddo kadib ayuu Eedeysanah ugu yimid iyaga oo ka shaqeysnaya meel aan sidaas uga fogeyn goobta beerta uu ku lahaa Eedeysanaha, waxa uu markale ka dalbaday in ay u shaqeeyaan oo ay u falaan Beertiisa laakiin Xoogsatada ayaa weydiistay in uu u hormariyo khidmada adeega loogu qabanayo, waana taas sababta dhalisay dhimashada Marxuumka iyo dhaawaca mid kamid ah Xoogsatadii.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida  Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle inta kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.

Abuukaataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu u riday xabadda si’ aysan xoogsatada isugu dhicin maadaama ay ka tira badnaayeen sidaasna ay sababtay dhaawaca Yaasiin iyo dhimashada Xuseen, sidaas darteed uu u codsanayo in loo Naxariisto Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah  oo ah qisaaasta Marxuum  Xuseen Axmed Cabdulle   sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.

 

Madaxweynaha Galmudug oo shir-guddoomiyay Shirka Amniga

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xalay Shir gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Galmudug.

Kulankan oo kii 8aad ee Shirka Golaha Amniga waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Golaha Amniga waxaana laga dhageystay warbixin ku saabsan Qorshahooda dhanka Amniga iyo Siyaasadaha gacan siiya Amniga.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimey xafiiska Amniga Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa looga dooday Qodobo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin.
Dardargelinta Siyaasada Amniga Galmudug,  Fulinta qorsha hawleedka guud ee Amniga iyo xoreynta Deeganada Aragagixisadu Dadka ku dhibaateeyaan.

Ololaha wacyigalinta dib u eegista Dastuurka oo ka furmay Dhuusamareeb

0

Shir Ololaha Wacyigalinta Dib-u-eegista Dastuurka ayna soo qabanqaabisay Wasaarada Arimaha Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka furmaya Magaalada Dhusamareb,waxaana ka Qaybgalaya Qaybaha kala duwan ee Bulshada Sida Culima-udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka iyo Warbaahinta.

Shirkan ayaa socan doona Mudo Sadax Maamood ah sida Jadwalka ku qoran waxaana la la soo bandhigi doonaa Arimaha Galinta Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya sidoo kalana waxaa la is waydaarsan doonaa Aragtiyada laga qabo Arimaha Dastuurka.

Mudada Shirkani socdo waxaa ka Qaybgali doonaa in ka badan 100 Qofood waxaana lala wadaagi doonaa Arimaha Dastuurka iyo sida Bulshada loogu Wacyigalinayo Dib-u-eegista Dastuurka.

 

Wasiirada Gaashaandhigga Turkiga iyo Britain oo booqanaya xadka u Dhexeeya Siiriya iyo Tukiga.

0

Wasiirka Difaaca Turkiga Khulusi Akar iyo dhigiisa Britain Bain Wallace ayaa kulan ay wada yeesheen waxay kusoo qaadeen colaadaha dalka Siiriya iyo dhibaatooyinka gaaray dadka dalkaasi ka baracakay oo xiligan raadinaya nolol ka duwan midii ay kasoo qexeen ee Siiriya.

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay qiimayn ku sameeyaan colaadaha ka aloosan Siiriya, isla markaana xog laga helo qaabka uu yahay dhaq-dhaqaaqa ciidamada Turkiga ee ku sugan xadka labadaas dal.

Hay’adda caafimaadka adduunka oo sheegtay in Yurub ay noqtay xuddunta faafitaanka fayruska Corona.

0

Hay’adda caafimaadka adduuka ee WHO ayaa dedaal badan ku bixinaysa arrimaha a xiriira caauqa Corona oo si weyn u qabsaday dalalka caalamka, waxayna wali sii wadaa dedaalada lagu bixinayo xakamaynta cudurkaas.

Agaasimaha guud ee WHO Dr. Tedros Adhanum Gebresos ayaa si cad u tilmaamay in dalalka ku yaalla yurub ay noqdeen xuddunta kaliya ee xiligan sahahashay in caabuqa Corona uu sii faafi isla markaana uu galaafto oo nafta dhaafiyo boqolaal dad ah sidoo kalena uu haleelo kumanaan kale.

Tedros ayaa shacabka iyo madaxda dalalka yurub ku booriyey inay qaadaan tillaabooyin culus oo looga hor tagi karo Corona, isla markaana ay muhiim tahay in la yareeyo shirarka iyo isu imaatinka bulshada si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha yurub iyo kuwa caalamka.

Hadalada Gebresos ayaa yimid kadib markii wadamo badan oo Yurub ah ay ku dhawaaqeen in ay kordheen tirada kiisaska cusub ee CoronaVirus ee ka dilaacay yurub iyo tirada dhimashada oo sii kordhaysa.

Dalka Spain ayaa noqday midka ugu badan ee uu saameyey caabuqa Crona, sidoo kale dalka Talyaaniga ayaa isagana waxaa kusii kordhaya faafitaanka cudurka taasoo keentay in boqolkiiba 50 ay gaartay tirada dadka u dhintay caabuqa Crona, waxaana dadka dhintay ay gaarayaan in ka badan 120 qof, halka titada dadka uu cudurku haleelay ay gaartay 4,200.

 

Taliska ciidanka Mareykanka Afrikom oo kordhiyay duqeymaha loo geysto Al-Shabaab

0

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee weli ku sugan gudaha Soomaaliya.

Talisa ayaa sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen howlgalladooda ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay weli qatar ku tahay gobolka.

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM wuxuu tilmaamay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeeyey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab.

“Sababta loo kordhiyay duqeynta Mareykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood kahor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradooda ay ka tallaabeen xuduudda” ayuu mar kale yiri tephen Townsend.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageero dagaalka Al-Shabaab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliy.

Wasaaradda cafimaadka dalka ayaa hakisay dhaqdhaqaaqyada mawaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinah 

0

Wasaaradda Cafimaadka XFS ayaa sheegtay in ay karantiileen muwaadin Soomaaliyeed oo dhinac maray habraaca lagu hubiyo caafimaadka dadka ka yimaado wadamada caalamka ee soo gaaro dalka si looga taxadaro caafimaadka bulshadda .

Uqeyb-sanaha cafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in muwaadinka ka yimid dalka shiinaha uusan marin habraaca hubinta caafimadka dadka kasoo dagaya garoonka, sidaasi darteedna Wasaaradu ay gaysay goob loogu talagalay dadka oo lagu hubin doono caafimaadka qofka dhinac mara habracaan muddo 14 cish ah madama wadamada caalamka uu ku faafayo caabuqa karoona feyrus oo dhibaato ku hayo duniada.

Muwaadinka soomaliyeed oo 9-kii bishaan kasoo baxay dalka shiinaha ayaa soo maray Imaaraadka iyo Itoobiya oo uu taransid kusoo noqday waxaana markii uu garoonka Aadan cadde uu soo garay uu diiday in uu maro habraaca hubinta caafimaadka ee wasaaradu u diyaarisay in lagu koontaroolo ka hortaga caabuqa dunida ku faafay ee karoona .