Home Blog Page 797

Madaxweyne Donald Trump oo qorsheynayey weeraro ka dhan ah dalka Iiraan.

0

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku fakaray in uu weeraro goobta ugu weyn ee nukliyeerka Iran isbuucii la soo dhaafay laakiin ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuusan qaadin tallaabadan. ”Sidaasi waxa yiri sarkaal Mareykan ah.

Trump ayaa codsaday codsigan intii lagu guda jiray kulan uu khamiistii la yeeshay kaaliyeyaashiisa ugu sareeyay amniga qaranka, oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, ku simaha xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Christopher Miller, iyo General Mark Milley, gudoomiyaha taliyaasha wadajirka ah.

Sarkaalka ayaa xaqiijiyay mar uu la hadlaatey Wargeyska The New York Times, in la-taliyayaashu ay ka dhaadhiciyeen Trump inuusan ku dhaqaaqin wareer lagu qaadi Iiran sabab too ah ah halista isku dhac ballaaran.

Aqalka Cad ayaa diiday in uu ka bixiyo wax faalo ah Arintaan,Trump wuxuu waxuu qaatay afarti sano ee madaxweynenimadiisa inuu kujiro siyaasad gardarro ah oo ka dhan ah Iran, isaga oo ka baxay nukliyeerka Iran.

Dowlada jabuuti ka hadashay Colaada Dalka Itoobiya.

0

Dowlada Jabuuti ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee IGAD oo ka hadla colaada itoobiya. Jabuuti waxay sheegtay in ay si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee jamhuuriyada federaalka ee itoobiya.

War ka soo baxay Wasaarrada Arimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay si buuxda u taageereyso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Itoobiya.

Sidoo kale War Saxaafadeedkan ayaa loogu baaqay in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada is afgaran waaga ah ee dhaxtaalo labada dhinac waxaana ugu dambeyntii Dowlada Jabuuti ay muujisay in ay diyaar u tahay in ay Dadaalada Nabada iyo Xasiloonida ka qeyb ah u gali lahayd.

Halka Hoose Ka Eeg Warsaxaafadeedka.

 

 

(DAAWO) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Kormeeray Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi Dalka Kenya.

0
November, 2019:
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammeystiro dhismaha iyo dacaytirka Xarunta Safaaradda oo dib loo soo celiyey ku dhawaad 30 sano kaddib.
November, 2020:
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlgashay Xarun diblumaasiyadeed oo ka tarjumeysa dib u kabashada dalkeenna, kaddib markii dib u dhis lagu sameeyey Xaruntii Safaaradda oo ka maqnayd gacanta Dowladda tan iyo sanadkii 1994-tii.

Halkan ka Daawo

(DAAWO) WARKA HABEEN EE ©SNTV // SHUCEYB MAXAMED // 16-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Warka Habeenimo.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA ©SNTV // 16-11-2020.

0

Barnaamijka Falanqeynta oo Caawa ku soo qaadan doono qodobo dhawr ah.

Halkaan ka Daawo.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo dhaweeyay Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka Dalka.

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlayay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo ay maanta cod aqlabiyad leh ku asixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa yiri “Waxaan so dhaweynayaa ansixinta maanta ee  Golaha adeegga Garsoorka ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Golahu wuxuu u xilsaaran yahay maamulidda howlaha garsoorka iyo damaanad qaadidda madaxbannaanida Garsoorka Dalka”.

Xeer-ilaaliyihu wuxuu intaas ku daray “Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu kaloo u xilsaaran-yahay soo jeedinta, magacaabidda, anshax-marinta iyo bedelaadda xubnaha Garsoorka dalka si loo xaqiijiyo dalku in uu yeesho garsoor wax ku ool ah, daah-furan oo loo siman yahay”.

Ugu danbayntii xeer-ilaaliye Sulaymaan ayaa sheegay in loo baahan-yahay in la dhameeyo howlaha u dhiman Golaha adeegga Garsoorka Dalka “Madaxda Garsoorka Dalka gaar ahaan  xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranku waxaa uu ugu mahad-celinayaa Wasiirka wasaaradda  Caddaalada dadaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey horgaynta Golaha Adeegga Golaha shacabka si loo ansixiyo. Wasiirka iyo madaxda kale ee qaranka, waxaan ka rajaynayaa in ay dardar-galiyaan hawlaha u dhiman golaha garsoorka”.

Ciidanka Kumaandooska oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

0

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Nabadiidka Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanno hoostaga Gobolada Shabellooyinka iyo Hiiraan.

Howlgalka ciidanka kumaandooska fuliyeen ayaa waxa ay ku soo qabteen horjogayaal uu ka mid yahay  horjoogihii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Horjooge Xasan Yuusuf Cali ,Horjoogihii Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcadde Cali Cabdulle Jilacow, iyo Horjogihii Sakawaadka Nabadiidka ee Gobolada Shabellada Hoose iyo Dhexe horjooge Cabdullahi Isxaaq Xuseen.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal ku bur buriyeen xarumo nabadiidka Al-Shabaab ku lahayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellooyinka .

Taliye Maxamed Saleebaan waxa uu tilmaamay howlgalka lagu soo qabtay horjogayaal sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab.

Wasiirka Ganacsiga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirada Soomaaliya u jooga Dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudan+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, kuwaas oo ay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalkaasi iyo siddii loo garab istaagi lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax-soo-saarka wadanka u dhoofisa wadamadaasi.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Miudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale safiirada kulanka ka soo qeyb-galay oo kala ahaa safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Danjire Inj. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Camey), Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Danjire Xuseen Xaaji Axmed, waxay ugu horeyn ka wada-hadleen dedaalada lagu horumarinayo xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka iyo weli ba siddii loo xoojin lahaa xidhiidhada ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay  Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ba.

Safiiradu, waxa ay carabka ku dhufteen inay ka shaqeyn doonaan siddii loo dhammeystiri lahaa heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya iyo Suudaan iyo heshiiska Soomaaliya ee ka mid noqoshada Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) kuwaas oo hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay xuseen in ay wadaan dedaalo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsi, iskaashiga dhaqaale, Maal-gashi iyo siddii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliya.

Wasiir Haweenka oo Booqatay Gabar Qabta Dhaawac Halis ah oo Bosaaso Laga Keenay+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka Caddaaladda ayaa maanta Isbitaalka Erdogan ee Ex-Digfeer ku booqday, Maryan Mursal Salaad oo ah gabar 20 sano jir ah oo lagu soo dhaawacay magaalada Bosaaso ee gobolka Bari.

Gabadha ayaa la sheegay in nin ka tirsan booliiska magaalada Bosaaso oo xabad kaga dhuftay xubinta taranka shan maalin ka hor, ka dibna waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dhaweeyo.

“Runtii dhibaatooyinkaas waa ku soo noq noqday waa kiiskii labaad oo aan kala kulmay Bosaaso, gabar nin xabad ku dhuftay, waxaa la ii sheegay Maryan ninka xabadda ku dhuftay in ay is yaqaanneen oo aysan ka shakisineyn kana filanaynin in waxaas ku sameynayo,” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Wasiirka Xaniifa ayaa sheegtay in dhibaatada lagula kaco gabdhaha Soomaaliyeed aysan aheyd wax la aqbali karo, waxayna dowlad goboleedka Puntland ugu baaqday in ay caddaaladda hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkan argagaxa leh.

Wasiirka Haweenka ayaa sheegtay in waalidka Maryan ay la qeybsanayaan dhibaatada soo gaartay gabadhooda.

Agaasimaha Howlaha Guud Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Kormeerey Wadooyinka isxilqaan lagu dhisayo+(SAWIRRO).

0

Guddiga Howlaha guud ee Degmada Xudur ayaa kulan la qaatay  Agaasimaha Howlaha Guud dib-u-dhiska iyo guryeynta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Yuusuf Wadani oo howlo shaqo ujoogo magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Guddiga ayaa kala hadlay baahiyaha looqabo dhismaha Wadooyinka Maamulka ay balaariyeen iyo kuwo sida sharcidaro ah lagu dhistay oo dhowaan ay bixinayaan iyo sida hay’adaha hormarada ka shaqeeya iyo guddiga ay u wada shaqeyn lahaayeen.

Agaasimaha ayaa dhankiisa Guddiga hawlaha guud ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay qabteen, intaa ka dib Agaasimaha iyo Injimeerada ayaa kormeerey wado halbowle ah oo dhexmarta magaalada oo si Isxilqaan ah bulshada ku dhisayaan.

Guddiga isxilqaan ayaa agaasimaha uga warbixiyey shaqada ay qabteen iyo dhismaha buundo oo aan dhaqaale loo heynin, waxaana Agaasimaha uu guddiga u balan qaaday lacag dhan $500 oo isxilqaanka uga qeyb qaadanayo iyo Injineerada Wasaaradda oo qiimeyn iyo naqshadeynba ku sameyn doono buundada la dhisayo.