Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo beeniyay in dad shacab ah lagu laayay gobalka Tigray.

Date:

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa baarlamaanka dalkaas u sheegay in ciidamada dawlada Itoobiya aysan hal qof oo rayid ah ku dilin howl gallada ciidamdu ay ka wadaan gobalka Tigreega ee waqooyiga dalkaas.

Abiy ayaa intaas ku daray in ciidamadu aysan burburin doonin magaalada Mekelle oo ah caasimadda gobalka Tigray.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hore ugu dhawaaqday in lasoo afjaray hawlgalkii military ee ka socday gobolka Tigray kadib markii ciidmadu ay gacanta ku dhigeen magaalada caasimadda u ah gobalkaas.

Internetka iyo isgaarsiinta oo la jaray awgeed, waxaa adag in xog dhab ah laga helo goobaha dagaalku ka socday tan iyo 4-tii November.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...