Home Blog Page 767

Ciidamadda Xoogga dalka oo howgalka ay ka sameyeen shabeelaha hoose kusoo furtay saanad Ciidan.

0

Howlgaladaan lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisad oo ay kawadaan gobolka shabeelaha hoose kumaandooska xoogga dalka ayaa waxaa ay ka sameeyay degaano ay kamid yihiin Shaam, yuumbis Nuur-gare, Buulo-bashiir, Mubaarak iyo Toora-tooroow.

Howlgalka oo ay siwada jir ah u sameeynayaan ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa waxeey ku bur-buriyeen goobo ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kuwaasi oo gabi ahaan cagta lamariyay.
Ciidamadda ayaa sidookale waxeey howgalka kusoo furteen sanaad ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ayaa waxeey caawiyeen dad ku sugnaa degaanada ay gaareen kuwaasi oo ay heeysateen xaalado caafimaad daro waxeeyna usameeyeen baaritaano caafimaad iyadoona ay siiyeen qofkii xanuunsan daawooyin maadaamaa ay ku adkeed in ay helaan daryeel caafimaad.

Why Casual Sex Hookup Is A Bad Idea Today?

0

Online dating has had a massive impact on hookup culture. Everyone knows Tinder is very, very casual in its approach to dating. As a veteran site, MyFreeCams has amassed a number of gorgeous and unforgettable camgirls that appear frequently. In this way, Facebook Dating works the same as most swipe-based dating apps, but it also uses the power of social media to create connections that go beyond superficial swipes. Of course, you can still use apps like Tinder , Bumble and Hinge to swipe through potential love interests, which has become even more popular as people now have more time on their hands to commit to it. Moreover, a person who gives in to another’s sexual desire makes a tool of himself or herself.

Find out which online dating sites are right for you. However, your problem would be solved when you browse through the Dating Websites where you may choose from hundreds of such women. But at some point we felt like those sexy Big Beautiful Women needed a real quality place for their own with people who are all size plus and the men who just simply adore them and want to meet bbw. I spoke with Rosenfeld to hear more about his research, to learn about the ways in which the rise of online dating is defining modern love, and to talk about the biggest misconceptions people have about online dating.

For example, one of the website’s taglines is, "We do the scouting and the vetting, you do the matching and the petting." Still, if an exclusive and upscale dating app experience is what you’re looking for, The League could be for you. It won’t always be a match made in heaven because a lot of people on are looking for romance, love – and maybe even marriage. But while the FetLife team prefers to see it as a social network site, there’s no https://gethookupdating.com doubt that a lot of people see this as one of the best hookup sites. Whether you’re looking for a long-term relationship or a quick booty call, there’s a dating app out there for everyone.

Some free online dating sites may seem legitimate at first glance, but will reveal their true colors once you’ve been a member for a while. This law requires adult and juvenile sex offenders to register with the local law enforcement authority of the city they reside in or, if the sex offender does not reside in a city, with the local law enforcement authority of the county they reside in. Registration involves the sex offender providing the local law enforcement authority with information that includes, but is not limited to, the sex offender’s name and address, a color photograph, and the offense the offender was convicted of or adjudicated for.

HentaiRoulette is unlike any of the other adult chat sites we’ve shared. There’s even a specialized app for creative people looking to meet other artists and creators. Fetlife is not as modernized as a lot of dating sites or apps today but it does the job of helping you find people that are like-minded. Mainstream dating options like Tinder have their supporters, but as the apps have become more commonplace, they’ve stopped being used for hookups. Condoms are highly effective in preventing the sexual transmission of HIV and other sexually transmitted infections (STIs) Consistent and correct use of condoms can also prevent unintended pregnancies.

Online communication is a premium feature on this casual hookup site, so it’s worth subscribing to turn a potential match into an IRL date. Unique feature aimed at the hookup dating apps in china. The good: Xpress wants things to be made super easy for its users, that’s why it lets members see who’s visited their profile and when-ya know, so if they don’t attempt to break the ice you can. Most of the services give users the most features for free. In this section you will find transgender, transsexual, and shemales from everywhere in the world broadcasting and chatting live on webcams.

People who have ever used a dating site or app also have a more positive assessment of relationships forged online. There pure dating app just want pure app for love in getting the pure app issues time-limited accounts which allows you just connects with relations. In addition to that, AdultFriendFinder also offers live chats, Facebook like UI, sex community and most importantly, works on any device, be it your phone, PC or tablet. The experts say: One of the best online dating sites for those looking for long-term relationships with professional people, users complete a personality test to measure compatibility with potential dates using psychometric analysis.

Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Ku Martiqaaday Madaxda Dowladd Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgalo Ka Wada Gobalka Hiiraan

0

Taliyaha Ururka 39 Aad Qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa’uud ayaa sheegay in fuliyeen howlgal lagu adkeynayo amniga deegaanada hoos taga degaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu intaas ku daray, howlgalka u jeedkiisu yahay in la soo qabto kooxo falal amni daro ka geystay degaanka maalmo ka hor.

Maxkamadda ciidanka ee qeybtaas ayaa dhowaad amar ku siisay saraakiisha in ay soo qabtaan dadka ku howlan waxyeeleynta shacabka isticmaala inta u dhexeysa Beledweyne iyo deegaanka Jawiil.

Taliye ku xigeenka guutada 5 aad ee qeybta 27-aad Korneel Maxamed Cabdi Xasan ayaa sheegay in in ciidanku u taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ku hayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday In Tododbaadka Xorriyadda Loo Bedelay Daahfurka Mashaariic Horumarineed

0

Wasiirka Waraafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Guddiga Qaban Qaabada Todobaadka Xorriyadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in munaasabadihii lagu weyneynayay  sanadguurada 60-aad  ee markii aan qaadanay xorriyadda oo caawa bilaabaneysa ay dowladdu u bedeshay in mashaariic hormarineed ee laga fulinayo guud ahaan dalka maadaama wali lagu jiro xaaladii la dagaalanka cudurka safmarka ee covid-19.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegey in micnahu uusan aheyn inaan la dabaal degeynin hase ahaatee laga rabo qof kasto oo muwaadin ah inuu muujiyo farxada iyo weyneynta todobaadkaan maadaama aytahay midnimada ummaadda Soomaaliya.

“Qof kasto waxaa laga rabaa inuu calanka ku xirto albaabka hoygiisa si loo weyneeyo qiimaha ay leeyihiin maalmahaan waxaana laga rabaa sidoo kale inay ka shaqeeyaa midnimada ummaadda Soomaaliyeed ee loo soo huray naf iyo maalba,dowladduna waxa ay fureysaa mashaariicyo farabadan”Ayuu yiri wasiir maareeye.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada todobaadka xorriyadda ahna wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye sidoo waxa uu dowladda goboleedyada ku booriyay inay muujiyaan muhiimadda maalhaan ay leeyihiin isagoo ku amaanay madaxweynaha koofurgalbeed sida uu diyaar garoobay isla markaana ay uga muuqanayaan dar dargalinta howlaha loogu diyaar garoobayo dabaal degyada .

Ugu dambeynti wasiirka warfaafinta waxaa uu sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go,antahay sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa hormar balaaran iyo in bulshada loo qabto adeegyada ay u baahanyihiin.

Ciidamada Kumandooska Soomaaliya Oo Alshabaab Kala Wareegay Degaano Ka Tirsan Jubada Hoose +Sawirro

0

Taliyaha ururka 5 aad ee guutada 16 aad ee kumandooska Danab, Gaashaanle Xasan Aadan ciraaqi, ayaa sheegay in ay dileen 6 kamid ah argagaxisada Alshabaab ka dib markii howlgal ka sameeyeen ciidanka degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Waxaa uu intaas ku daray, in sidoo kale, argagaxisada Alshabaab kala wareegeen tuulooyin ay kamid yihiin; Xawaal-jiri, Bernasey, Yaaq-Bishaar iyo Cusbo oo ka tirsan gobolkaas.

Sawiro goobaha ciidanku la wareegeen ayaa lagu arkayay askarta xoogga dalka oo dadka degaanka u qeybinaya cunto iyo dawo, maadaama shacabka dhibaato ku qabeen la jooga argagaxisada ka hor inta aan lagu xoreynin.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Qabtay Rag Lagu Tuhmayo Nabad-diidka Al-Shabaab

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa  howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Jilib Marko iyo Gandershe oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Gobalka Sh/ Hoose oo  ay weli ku dhuumaaleeysanayaan haraadiga maleeyshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari oo ciidanka xoogga dalka ay ka wadaan Gobalkaasi.

Dowladda Soomaaliya Oo Fasaxday Shaqaalaha Dowlada Iyo Kuwa Gaarka Ah

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargelineysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay Shaqaalahooda in ay tahay maalin fasax ah maalinta Sabtida ee ku aaddan 27 June 2020, maaddama ay ku beegantahay maalinta ka horreysa ee Jimcaha xuska qaran ee 26ka June , xorriyaddii Gobolladda Waqooyi ee sannadkii 1960.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay idin leedahay ku dabbaal degga farxad iyo reyn-reyn.

Hay’addaha Dib-U-Eegista Dastuurka Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Shiray Arrimaha Dastuurka+sawirro

0

Hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah Wasaarada Arrimaha Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee la-socodka Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shir ku qabsoomay aalladda la iska arko ee Internet-ka la yeeshay qaar ka mid ah Danjirayaasha dalalka iyo hay’adaha caalamiga u fadhiya Soomaaliya oo kala ah UN, Norway, Sweden, Denmark, UK, Switzerland, EU, Germany, Italy, iyo US.

Shirka intii uu socday ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha soo food-saray iyo horumarka laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sii wadidda hayaanka loogu jiro dhameeystirka dastuurka.

Ugu horeeyn, kulanka waxaa warbixin ka jeediyay Wasiirka Ariimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay howlaha qabsoomay mudooyinkii dambe isagoona yiri.

“Waxaa noo suurtagashay in aanu qabanno howlo muhiim ah oo ina horyaallay kuwaasi oo masiiri ah qaar kalena inoo harsanyihiin, inaga oo og muhiimadda uu leeyahay dib-u-eegista dastuurka” Wasiir Saalax ayaa sidaasi sheegay.

“Waxaa kulamo-shaqo oo wadaxaajood ah la yeelanay Wasaaradaha DFS iyo qaar ka mid ah Dowlad Gobolleedyada inagoo kala arinsanay daadajinta awoodaha, xal-ka-gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood-siyaasadeed iyo dar-dargelinta arrimaha wacyigelinta dadweynaha iyo uruurinta ra’yiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo danjirayaashii kale ee shirka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay iyo wadashaqeeynta ka dhaxeeysa hay’adaha u idman dib-u-eegista dastuurka xiligan adag ee khatarta Caabuqa COVID19 uu jiro, sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen guulaha laga gaaray arrimaha farsamada ee dastuurka iyo arrimaha xalka siyaasadeed u baahan oo wax laga qabtay howlaha ka dhimanna ay qorsheysanyihiin in muddo dhow la soo dhameystiro.

Dhanka kale, waxa ay beesha caalamka ku boorriyeen DFS iyo D/Goboleedyada inay kawada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee heshiiska u baahan si loo dhameeystiro dastuurka muddo xileedkan hada lagu jiro.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka garab istaaga ay had iyo jeer u muujiyaan Wasaaradda iyo labada Guddi, sidoo kalena waxay Beesha Caalamka markale xaqiijiyeen joogteynta taageeradooda ay siiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka si looga dhabeeyo rabitaanka shacabka ee ah dhammeystirka dastuurka.

Wasiirka Warfaafinta Oo Soo Kormeeray Goobaha Is-xilqaan Lagu dhisay

0

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna Guddiga Qaban-qaabada Xuska 60-Guurada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

ayaa maanta Kormeeray Madxafka qaranka, Maktabadda iyo Golaha Murtida Madadaalada, Wasiirka oo ay Ku wehliyeen Kormeerkiisa xubno ka tirsan Guddiga Qaban-qaabada Xuska 60-Guurada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu warbixin ka dhageystay howl-wadeenada ka howlgala goobihii uu booqday ayaa waxa ay qeyb ka ahayd inuu u kuurgalo sida ay u socdaan howlaha dhismaha iyo dayactirka xarumaha la dhisay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn u gashay sidii ay u dayactiri lahayd dhismayaashii muhiim adeegyada bulshada Soomaaliyeed sida Maktabadda, Tiyaatarka, xarunta Madxafka Qaranka, xaruntii hore ee xisbiga iyo Garoonka Kubadda cagta ee Muqdisho Stadium kuwaasi gebi ahaanba si buuxda loo dayactiray.