Wasiirka caafimaadka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka wada hadlay adeegayada caafimaadka ee caasimada “SAWIRRO”

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa xubno ka socdey wasaaradda caafimaadka xukumadda federaalka Soomaaliya oo ay hogaamineysey wasiirka caafimaadka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo daa-dejin lahaa adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay bixiso wasaaradda caafimaadka.

Kulanka kadib ayaa waxay maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadku gudi 2 geesood ah u saareen ka shaqeynta sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa maamulida xarumaha caafimaadka ee ku yaala gobolka Banaadir.

Guddiyadaas ayaa waxaa laga doonayaa iney warbixin soo gudbiyaan dhamaadka bishaan si ay aakhirka u saxiixaan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiirka caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...