Dalka Malawi labo wasiir oo COVID-19 ugu geeriyootay.

Date:

Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Malaawi ayaa u dhintay xanuunka Karoona Fayras, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaas.

Wasiirka gaadiidaka Sidiiq Miyaa iyo wasiirka dowladaha hoose Lingson Percanyama ayaa u geeriyooday cudurka karoona Fayras.

Madaxweynaha dalkaas Lazarus Chakwira ayaa ku tilmaamay dhimashada labada wasiir mid khasaaro ugu filan dalka.

Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen laba wasiir iyo dhamaan shacabka, isagoo ku sifeeyay labadooda wadaniyiin qaali ku ah shacabka iyo dowladda Malaawi.

Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah oo ku saabsan u hogaansanaanta tallaabooyinka looga hortegaayo cudurka karoona fayras.
In ka badan 9 kun oo kiis ayaa laga diiwaan geliyay dalka Malaawi, waxaana u dhintay Karoona 235 qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday dhammeystirka heshiis is af-garad.

Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganda oo magaalada Muqdisho ku...

Ciidanka Xoogga ayaa Marka ku qabtay 2-dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa...