Imaaraadka oo ugu baaqay Suudaan iyo Itoobiya in ay dejiyaan xiisadda ka taagan xadka labada dal.

Date:

Dowaladda Imaaraatka ayaa ugu baaqday  labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya inay ka fogaadaan wax kasta oo ku sii kordhin kara  xiisadda militari ee ka taagan xuduudaha labadaas dal.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee imaaraataka ayaa lagu yiri: “ dowladda imaaraatku waxay rajeyneysaa in laga fogaado xiisad colaadeed oo ka dhax dhalata dowladaha Suudaan iyo Itoobiya, waxayna ugu baaqeysa labad dal inay ka wada shaqeeyaan xasiloonada gobalka”.

Dowladda Imaraatka ayaa sheegtay inay xiriir wanaasgan la leedahay labada dal iyadoo ugu yeertay inay khilaafka jira ku wada xalliyaan miiska wada hadalka.

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ah ay weerar kusoo qaadeen degaanka Al-Fashaqa ee ku yaala xuduudaha Suudan iyo Itoobiya,  halkaas oo ay ku dileen 6 qof.

Itoobiya ayaa iyaduna  ku eedeysay Suudaan inay jabisay heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen 1972-dii ee ku saabsanaa arrimaha xuduudaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...