Home Blog Page 766

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kullan looga diyaar garoobayo madasha Soomaaliya iyo Saaxiibadda Caamalka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shir guddoomiyay kullan ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka soomaaliya iyo khubaro kala duwan oo looga hadlayay u diyaar garowga Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum).

Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum) ayaa toddobaadkan lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska ee ka Howlgala Magaalada Dhusamareb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa.

0

Ciidammada Boliiska ee ka Howlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa oo lagu qariyey Meel aan sidaasi uga fogayn Saldhigga Booliiska Magaalada,

Taliyaha Boliiska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo ka warbixinayay sida ay ugu suuragashay soo qabashada Waxyaabahan qarxa, ayaa waxa uu xusay in ay Ciidammadu wadaan Baaritaan lagu ogaanayo Dadkii ka dambeeyey Falkan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada si looga hortago Wax waliba oo Amniga ka hor imaanaya sidoo kalana Booliisku u sii Xoojin doono Amniga Caasimadda.

Dhawaan ayaa sidan oo kale Bartamaha Magaalada Xili Habeen ah laga qabtay Dhagarqabe doonayey inuu Fal Argagixiso ka fuliyo Goob Dadka Shacaka ah ku sugnaayeen waxaana Gacanta ku haya Baaritaanana ku samaynaya Ciidamada Amaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta oo kulan la qaatay xubno ka socday Jaamacadaha Dalka.

0
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Eng.Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa maanta kullan isbarasho iyo is xogwareysi kula yeeshay xubno ka socday ururka midowga jaamacadaha Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa xubnaha ka Socday jaamacadaha kula dardaarmay inay laban laabaan dadaalkooda si loo helo jaamacaddo tayeysan.
Wasiirka ayaa u ballan qaaday in uu xilweyn iska saari doono tayeynta jaamacadaha wuxuu kaloo wasiirku soo hadal qaaday kormeerkii iyo hubintii dhawaan ay guddiga Tacliinta Sare ku sameeyeen jaamacadaha.
Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono natiijada ka soo baxday kormeerka uu guddiga ku Sameyay jaamacaddaha.
Waxaa kullanka Goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ,Wasiiru dowlaha waxbarashada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Tacliinta Sare.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlayay xal u helida biyo fariisadka iskuulka Xamar-jadiid+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka deegaanka laanta Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Kulanka ayaa yimid kaddib cabasho ka timid ganacsatada iyo dadka deegaanka oo la xiriirtay in xal loo helo biyaha fariista iskuulka Xamar jadiid ee degmada Howlwadaag.

Guddoomiyaha gobolka ayaa ganacsatada ka dhageystay warbixino la xiriira dhibaatada lagu qabo biyo fariisadka,waxaana lagu ballamay in kulamo kale leyskugu yimaad si wax looga qabto arrintaan.

Kulanka waxa Goobjoog ka ahaa Guddomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada HawlWadaag.

Shir looga hadlayo shaqo la’aanta oo Muqdisho ka furmaya.

0

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa magaalada Muqdisho ku qabaneysa taariikhdu markey tahay 6 iyo 7 bishaan December shirkii ugu horreeyay ee shaqada (NEC 2020).

Madasha ayaa isku keeni doonta dhammaan dhinacyada ay quseyso oo ay ugu horreeyaan ganacsatada,hay’adaha caalamiga ah,dowlad goboleedyada iyo qeybaha bulshada.

Muddada labada maalin ah oo shirku socdo ayaa lagu falanqeyn doonaa wax ka qabashada shaqo la’aanta, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto dowrkeeda hoggaamineed ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada.

Go’aankii golaha wasiirrada Puntland oo maanta lagu wado inuu dhaqan galo.

0

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii khamiistii kasoo baxay golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland, kaas oo shirkadaha isgaarsiinta lagu siiyay amar ah in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-dahab.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.

War shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu adkeeyay shirkadaha in ay u hoggaansamaan awaamiirtii kasoo baxday shirkii golaha wasiirrada.

Halkaan hoose ka akhriso 

Horjoogihii guud ee argagixisada Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan oo gacanta lagu dhigay.

0

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha Degmada Walaweyn ee Gobolka shabellaha Hoose waxa ay ku soo qabteen Madaxii guud ee Dilalka qorsheysan ee Al-shabaab.

Ciidanka Sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa u dhacay guriga Horjoogahaan oo Lagu Magacabo Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida  ayaa sheegay in Howlgalkaan laga fuliyay gudaha Degmada Walaweyn ee gobolka shabellaha Hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee Dilalka Qorsheysan ee argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta Horjogahaan laga warhaaye isla markaana degmada Walaweyn uu soo gaaray Habeen ka hor.

 

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tayeyneysa adeegyada isbitaalka Cadaado+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyadoo ka duuleysa baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada Cadaado waxey isbitaalka guud ee Cadaado keentay dhaqtar u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay qaliimada guud.

Dhaqtarka Ayaa waxaa Garoonka diyaarayaha magaalada Cadaado Kusoo dhaweeyay Shaqaalaha isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdi wali Cismaan Jaamac Ayaa sheegay in isbitaaka cadaado uu noqon doono isbitaal tusaale unoqda isbitaallada deegaannada Galmudug,isagoo xusay in wasaaradu ay tayeyneyso goobaha caafimaad ee Galmudug si bulshadu ay u helaan adeegyada ay uga baahdaan.

Dr Cabdiraxman Maxamud oo ah dhaqtar ku takhasususay qaliimada guud  ayaa sheegay inuu waqti badan Joogi doono magaalada Cadaado shaqo badana ka qaban doon arrimaha caafimaadka.

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo ugu baaqay shacabka Magaalada Beledweyne in ay xasiloonida ka shaqeeyaan.

0

Wasiirka Wasarradda Arrimaha Gudaha Fedaraalka Iyo Dib-u -Heshiisinta General Mukhtaar Xussen Afrax ayaa shir Jaraaid u qabtay Ugu Mahadceliyey shacabka Magaalada Baladweyne, sida qiimaha leh ay uso dhaweeyen isaga iyo wafdigiisa, uguna baaqay in nabad galyada iyo Xasiloonida la wada ilaaliyo.

wax kasto oo tabasha ah lagu dhameeyo miiska wada hadalka, isaga oo cadeeyey in uusan Gobolka ka laaban doonin iyada oo aan xal waara Laga gaarin tabashooyinka taagan.

Saraakiil ciidan oo ka socda Sudan iyo Ethiopia oo ka wada hadlay amaanka xuduuda labada dal.

0

Gudi ciidan oo wadajir ah kaas oo ay leeyihiin Sudan iyo itoobiya ayaa ka wada hadlay arimo la xiriira amaanka xuduuda labada dal iyo iskaashiga nabadgalyada.

Saxaafada itoobiya ayaa sheegtay  in taliyaha ururka  sadaxaad ee ciidanka itoobiya gaashaanle Solomon Afere,  uu tilmaamay in Sudan iyo itoobiya ay leeyihiin xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhanka amaanka xuduuda ah.

Solomon waxa uu sheegay in labada dal ay sii wadi doonaan amaanka iyo nabada aaga xuduuda.

Taliyaha ururka sagaalaad ee ciidanka Sudan gaashaanle sare Mohammed Adem,  aya sheegay in labada dhinac ay sanado ka wada shaqeynayeen amaanka labada dal ee dhanka xuduuda ayna sii wadi doonaan.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo qaxooti badan o ka cararay sagaalka waqooyiga itoobiya ay gareen bariga dalka Sudan.