Home Blog Page 742

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Xulka kubadda Cagta Galmudug+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kulan ku maamuusay xulka kubadda Cagta Galmudug kula yeeshay magaalada Muqdisho kooxda galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa kulankani ku wehelinayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda waxaana kamid ahaa; Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Galmudug, wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, wasiir ku xigeenka wasaarada  Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, guddoonka xiriirka kubadda cagta, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wasaaradda dhalinyaradda & ciyaaraha, xiriirka kubadda cagta iyo maamulka & ciyaartooyda uga mahad celiyey guushii ay ka gaareen tartankii dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ciyaartoyda xulka kubadda cagta galmudug ayaa soo gaartay ciyaarta kama dambeysta aheyd ee tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir koobkaasi oo ay ku guuleysteen xulka kubadda cagta gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay madaxda warbaahinta+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ayaa adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin xilligan dalku ku jiro Doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyiginta bulshada.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe, iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf al-Caddaala ayaa sidoo ka qeybgalay kulanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeele iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suan oo la kulmay Xubin sare oo ka mida Majliska sare ee Dalka Sudan.

0

Danjiraha Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Amb Maxamed Sheikh Isxaaq iyo Guudomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Dr Cabdi Xakiim Luqaamn iyo wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha ayaa maanta kulan la qaatay Xubin Katirsan Golaha Sare ee ee ka arrimiyo Dalka Suudan Marwo Caasho Muuse Saciid kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Qasrigga Madaxtooyadda Dalka Suudan, kulanka ayaa waxaa goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Raami Ma’muun Bashiir iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego)

Gudoomiyaha iyo Danjiraha ayaa waxaa loo sameeyay soo dhaweeyn diiran waxayna warbixin Guud ka siiyay xaalada Guud Dalka Soomaaliya iyo Midda Hirshabelle iyi xiriirka xoogan ee u dhaxeeya labada dowladood Sooamaliya iyo Suudan, sidoo kale waxaa si qota dheer uga hadlay xiriirka sooyaaleeyd Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb. Maxamed sheikh Isxaaq ugana mahadceliyay dowlada Sudan sida muuqata ee u garab taaganyihiin waqti walba dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Muuse saciid oo ah xubin ka mid ah Golaha sare ee ka arrimiyo Dalka Suudan ayaa soo dhaweysay booqashada Gudoomiyaha iyo Danjiraha u fadhiya dowlada Soomaaliya Dalka Suudan, una xaqiijisay inay muhiim tahay Guud ahaan horumarinta iyo xiriirarka labada dal,gaar ahaan horumarinta Ganacsiga iyo dhamaan kaaabayaasha dhaqaalaha ee labada wadan, sidoo kale xiirka walalanimo iyo Dhamaan danaha labada dowladood Soomaaliya iyo Suudan.

Ugu dambeyntii Gabagabadii Kulanka laba dhinac ayaa ku soo idalaay is -afgarad wanaagsan.

 

Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa wada qaatay kulan kusaabsan hormarinta Waxbarshada Dalka iyo Qorshayaasha Nimaadka Imtaxaanada.

0

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Kulanka oo ku saabsanaa horumarinta Waxbarashada dalka gaar ahaan qorshayaasha nidaamka imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa Agaasime waaxeedyada Wasaaradda kula dardaarmay in ay dar dar galiyaan islamarkaana qorshe ka keenaan qaabka ugu haboon ee si hufan imtixaanka lagu maamuli karo.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Ergeyga Qaramada Midoobey u diyaargarowga doorashooyinka Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Cusman , ayaa  xafiiskiisa   ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashi wadaagga iyo kordhinta kaalmooyin waxtar leh oo ah mid bani’aadannimo iyo horumarin iyadoo la taageerayo barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka baarlamaaniga iyo madaxtinimada lagu qabto waqtiga loo qorsheeyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka, isagoo daaha ka qaaday in dowladdu ay latashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taas oo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah. Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Ciidamada ilaalada deegaanka dowladda hoose ee Xamar oo howlgalo ka wado suuqa Xamarweyne.

0

Ciidamada ilaalada deegaanka dowladda hoose Xamar ayaa bilaabay howlo lagu qaadayo ama lagu furayo wadooyinka xiran ee sida sharci darada ah looga ganacsado ee laga dhistay sandaqadaha iyo gaari ganacanada lagu iibiyo alaabaha iyo dharka noocyadiisa kala duwan.

Howlaahan lagu furayo wadooyinka dhex mara suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa ujeedadiisu tahay sidii wadooyinka sida sharci darada ku xiran looga furi lahaa shacabka iyo in la baneeyo marshibiyeeriga iyo wadooyinka dhexdooda ee ay ku ganacsanayaan ganacsatada soomaaliyeed.

Mudooyinkan danbe ayaa qaar ka mid ah suuqyada magaalada Muqdisho waxaa ka jiray ciriiri fara badan taasi oo keentay wadooyinka dexdooda iyo mirshibiyeeriyaasha oo ay ganacsiyo ka sameysteen ganacsatada yar yar waxaana ciidamada ilaalada deegaanka ay wadeen howlo lagu furayo wadooyin dhex mara suuqyada.

Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha Dowlada Hoose ee Xamar oo diyaar garow ugu jirto roobabka la filayo.

0

Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa diyaar garow adag ka gashay sidii loo carro bixin lahaa dhuumaha qaado biyaha roobka ee magaalada dhexeeda.

Waaxda oo kaashaneyso madaxda sare ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaar garow ugu jiro ka hortaga daadad ka dhalan karo roobabka la filaayo bilaha nagu soo aadan.

Shaqaalaha Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa dadaal xoogan ku bixinaayo shaqo aad u adag si looga hortago burbur ku yimaado qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Burburka diyaaradii lagu la’aa Indonesia oo la helay.

0

Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Indonesia oo ay la socdeen 62 qof ayaa ku dhacday badda markii ay ka kacday caasimada Jakarta, sida ay masuuliyiintu sheegeen maanta oo Sabti ah.

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Budi Karya Sumadi ayaa sheegay in diyaaradda Sriwijaya Air ee SJY 182 waxaa saarnaa 50 rakaab ah, oo ay ku jiraan 10 caruur ah, iyo 12 shaqaale ah, waxaana markaasi ka dib ciidamada Badda iyo laamaha gurmadku u hawlgaleen inay raadiyaan diyaaradda

Ciidanka Badda Indonesia ayaa sheegay inay heleen burburka diyaaradda oo ku kala firirsanaa afar goobood oo ku yaal biyaha Badda Java, waxaana ay sheegeen in cimiladu aad u liidato aagga diyaaraddu ku dhacday.

Wakaaladda raadinta iyo samatabbixinta Qaranka ayaa sheegtay in goobta ay diyaaradda ku dhacday ay qiyaastii 1.5-2 mayl u jirto labada jasiiradood, ilaa iyo hadda ma soo bixin faah faahin ku saabsan dadkii saarnaa diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ka baxday caasimadda Jakarta, waxaana ay ku sii jeeday Pontianak, oo ah caasimada gobolka West Kalimantan, waxaana ay lumisay khadka isgaarsiinta wax yar ka dib markii garoonka ay ka duushay, markaas oo saacaddu ahayd 2.40 pm. waqtiga maxalliga ah (0740GMT), ayey sheegtay afhayeenka Wasaaradda Gaadiidka Adita Irawat.

Ra’iisul wasaaraha oo kulan la yeeshay haweenka ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya+(Sawirro).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo Xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Wasiirka Haweenka Marwo Xaniifo Maxamed Ibraahim ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa qoonddada haweenka ee siyaasadda, kulankan maanta waxaa uu qeyb ka yahay dadaaladaas wasiirka hormuudka u tahay.

 

Burbur looga shakisanyahay diyaarad lagu la’yahay Indonesia oo la arkay.

0

Dowlada Indonesia ayaa sheegtay in uu socdo baadi goob xoog leh oo lagu raadinayo diyaarad ay laheyd shirkada Sriwijaya Air.

Wasaarada gaadiidka dalka Indonesia ayaa sheegtay in baadigoobka uu bilowday kadib markii isgaarsiinta diyaarada la waayay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Diyaarada ayaa ku jeeday gobalka Pontianak ee gobalka West Kalimantan ee dalkaasi Indonesia.

Dadka ku nool jasiirad u dhow halkii diyaaradu ku libirtay ayaa sheegay in ay arkeen walxo ay aamisan yihiin in ay yihiin burburka diyaarada.

Shirkada diyaarada iska leh waxay sheegtay in wali uruurineyso xogta la xiriirta diyaarada sidoo kalana ay ehelka dadkii saarnaa ay wargalineyso.