Home Blog Page 741

Naadiga Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka oo gargaar gaarsiiyay dadka uu saameeyay COVID19.

0

Xafiiska Naadiga  Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka ee Soomaaliya ayaa gargaar raashin ah u qaybiyay qoysas danyar ah oo ku nool duleedka magaalada Mudisho iyo xeryaha barakacayaasha ee degmada Dyniile.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Naadigaan ayaa lagu sheegay in gargaarkaan ay  ka faa’ideysteen in ka badan 1000 qoys oo isugu jira Agoon, barakacayaal iyo dad sabool ah.

Ujeeddada kaalmadaan ayuu ku sheegay Xafiiska Naadiga  Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka in la yareeyo duruufaha nololeed ay dadkaasi xilligaan wajahayaan.

Booliiska oo amarro cusub kasoo saaray Baladweyne.

0

Taliska Booliska magalada Baladwayne ayaa soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo gaadiidka muraayadaha madow ama loo yaqaano persolka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha  Ciidanka Booliska Beladweyne Maxamed Maxamuud Rooble ayaa uga digay  dhammaan gaadiidlayda ka shaqeeya gudaha magaalada Baladwayne iyo kuwa soo galaba,  sidoo kale ayay ka digeen inaan wax gaadiid ah la dhigi karin inta u dhaxeysa Bacadlaha iyo afaafka hore ee xarunta mamulka Gobolka.

Taliska Booliska ayaa sheegay in cidii u hoggaansami waysa amrkaasi ay tillaabo ay ka qaadi doonaan.

Kenya oo digniin u dirtay cid kasta oo caawisa Al-Shabaab.

0

Dowladda Kenya ayaa digniin adag u dirtay cid kasta oo taageero u fidisa ama caawisa kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Isku-duwaha laamaha ammaanka ee Gobolka waqooyi bari Kenya, Nicodemus Ndalana ayaa sheegay in Dowladdiisu ay cadow la mid ah Al-Shabaab u aragto Qof kasta oo la shaqeeya Argagixisada, sidaas awgeedna ay isku si ula dhaqmayaan,tallaaba adagna ay ka qaadi doonaan.

Dhanka kale, Nicodemus Ndalana ayaa u mahadceliyay shacabka laamaha ammaanka u soo gudbiyay xog ku saabsan waxyaabaha ay ka shakiyaan, taas oo fududeysay in laga hortago weerarro qorsheysnaa oo ay maleegayeen Al-Shabaab.

Booliska Kenya oo baaraya dilkii Qareen Kirimi Mbogo.

0

Saraakiisha Booliska ismaamulka Meru ee Dalka Kenya ayaa billaabay  baaritaanno ku saabsan ciddii ka dambeysay dilka qareen caan ahaa oo shalay ay toogasho ku dileen laba Nin oo watay Mooto.

Qareenka oo lagu Magacaabi jiray Kirimi Mbogo, ayaa inta badan Maxkamadaha Dalkaasi geyn jiray dacwado uu kaga soo horjeedo xadgudubyada ay gaystaan hay’adaha Dowladda Kenya.

Howlaha baarista ah ee ay wadaan laamaha ammaanka Kenya ayaa yimid markii dadka kasoo jeedo Meru ay dhigeen dibed-baxyo lagu dalbanayo in la sameeyo baaritaanno ku saabsan ciddii ka dambeysay dilka Qareenka.

UK oo kaalmo lacageed ugu yabooheysa dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

0

Wasiirka arimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska Dominic Raab ayaa bayaan uu soo saaray ku shaaciyay in dowladdiisu ay  gargaar dhaqaale u fidinayso dhowr dal oo Afrikaan ah iyo dalka yamen.

Dominic Raab wuxuu intaasi raaciyay in deeqdaasi loogu talagalay sidii dowlahaasi looga gacan siin lahaa la tacaalidda cudurka Covid19 iyo wax ka qabashada abaaraha soo laalaabta.

Kaalmadaan oo dhan adduun lacageed oo gaaraya 119milyan oo ganiga Istarliinka ah, waxaana loogu tala galay dowladaha Soomaaliya, Yemen, Koongada dimoqraadiga ah, Afrikada dhexe, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Wasiirro ka tirsan Jabuuti.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdigiisa oo maalmahan ku sugnaa Dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Wasaaradaha amniga, arrimaha gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada hiil-walaal iyo kuwa Galmudug ay iskaga kaashan lahaayeen howlgallada ka dhanka ah  Alshabaab, iyo in ay Dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug.

Madaxwweyne Qoorqoor ayaa dhowaan kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Md; Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose.

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Deegaanada ay Ciidanku la wareegeen  waxaa ka mid ah deegaanka Jannaay Cabdalle oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Firxadka maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab oo ka cararay dagaalka culus ee uga yimid naftood hurayaasha Qaranka ee xoogga dalka ayaa gaaray deegaanno ka fog Jannaay Cabdalle, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka.

Argagaxisada oo marwalba u taaggan dhibaataynta dadka rayidka ah ayaa markii looga awood roonaaday dagaalka, waxay miinooyin galiyeen waddooyinka soo gala deegaanka, waxaase ka soo saaray ciidanka xoogga dalka oo u taagan difaaca Qaranka.

Maleeshiyada ayaa sidoo kale burburisay ceel-biyood ay dadka deegaanku biyaha ka cabi jireen oo ku yaalay halkaas.

Deegaankaan Jannaay Cabdalle ayaa ahaa midka kaliya ee maleeshiyada ay lacagaha baadda ah uga qaadi jirtay gawaarida isaga kala goosha magaalada Kismaayo iyo deegaannada dhanka xuduuda Kenya.

Ciidamada ammaanka Galmudug oo fashiliyay weerar argagaxiso.

0

Ciidamada AMISOM oo kala socda Jabuuti iyo Ethiopia, ayaa fashiliyay weerar ay doonayeen Argagixisada Al-Shabaab in ay ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Samo-reeb,

Cidamada ayaa helay xogta ah in dhagarqabayaasha Al-Shabaab ay maleegayaan weerar ka dhan ah Garoonka Diyaaradaha, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka hortagaan oo ay fashiliyeen weerarka.

Degmada Mahaddaay oo fatahaaddu ugasii dareyso.

0

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Mahaddaay, Saalax Fuleel Xaaji ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Degmada gebi ahaanba ay ka go’day jidadka soo gala Degmada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn oo Beero ah ay goysay fatahaadda Webiga, wuxuuna hay’adaha ku shaqada leh ugu baaqay in ay gurmad lasoo gaaraan Dadka ay saameysay fatahaadda.

Saalax Fuleel Xaaji ayaa intaa ku daray in Dadka ka yimaadda meelaha ka baxsan Degmada ay biyaha lug ku soo jiiraan maadaama aysan Gawaaridu sahal ku geli karin, inkastoo haatan uu sheegay in ay sii yaraanayaan Biyahaan ka dhashay fatahaada webiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle iyo hay’adaha gargaarkuba aysan wax gurmad ah gaarsiin Degmada Mahadaay, kuwaas oo wajaheya xaalado kala duwan oo ka dhashay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed oo dalka dib ugusoo laabtay[sawirro]

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya oo muddo Todobaad ah ku suganahay Dalka Turkiga Ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Ahna Maareeyaha Guud Hey’adaasi Ibraahim Cali Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu muddo todobaad ah ku maqnaa dalka Turkiga.

Muddada todobaadka ah ay ku sugnaayeen dalka Turkiga, waxaa ay halkaasi ku soo qaateen tababar soconayay mudo 7 cisho ah, kaasi oo lagu baranayay howlaha Batroolka Dalka iyo Waajibaadka Saaran Gudigaasi,

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Mudane Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay inuu tababarkani soo xiray safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Ceydiid, waxa uu intaasi raaciyay in Guddigan oo ay ku jiraan xubno matalaya Dowlad Goboleedyada ay ka shaqeyn doonaan horumarinta Howlaha Batroolka Soomaaliya.

Guddigani Qaran oo loo xil saaray maareynta howlaha badroolka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la socdo howlaha badroolka Soomaaliya, waxaana Golaha Wasiirada ay  Guddigani ku meel mariyeen cod gacan taag ah kal hore.