Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii Afaraad ciidsiiyay Agoonta Wariyeyaashii Muqdisho ku geeriyooday “SAWIRRO”

Date:

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta u qeybiyay lacago ay uga qeyb galaan farxadda maalmaha Ciidul fidriga caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Suxufiyiintii Soomaaliyeed ee Muqdisho ku geeriyooday laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, taasi oo noqoneysa sanadkii Afaraad oo si xiriir ah xafiisku u ciidsiinayo caruurta Agoonta ah.

Agaasimaha xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black, oo guddi matalayay Warbaahinta gaar loo leeyahay ku wareejiyay lacagaha sanadkan loogu talo galay in Agoonta lagu coodeysiiyo ayaa tilmaamay in ka xafiiska ahaan ay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka qaataan daryeelka iyo ka warqabka agoonta Wariyeyaasha soomaaliyeed ee geeriyooday iyaga oo gudanaya waajibkooda shaqo.

Dhinaca kale guddi ka kooban Agaasimayaal iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyay taakulada xafiiska Warfaafinta madaxtooyada JFS la garab taaganyahay caruurta agoonta Wariyeyaashii soomaaliyeed.

Qorshahan Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka oo sanadkii Afaraad ciidsiinaya Agoonta Wariyeyaashii ee Muqdisho ku geeriyooday ayaa ujeedkiisu yahay in garab istaag loogu muujiyo Agoonta ay ka geeriyoodeen Wariyeyaasha soomaaliyeed oo iyagu u adeega bulshadooda naftooda ku wayay, islamarkaan ay isku xir u noqoto guud ahaan bahda Warbaahinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...