Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 28aad ee wareegga Afar dhamaadka ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Yaaqshiid oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Ka hor inta aysan tartamin labada degmo ee Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, waxa ay guddiga tartanka caddeeyeen in tartamayaasha degmaa Beladweyne ay soo xaadiri weysay tartanka, kadib markii la baabi’iyay natiijada tartankii ay Warta Nabadda la galeen, waxaana sidaas caawa ku soo baxay Warta Nabadda oo markii dambe la tartamay dhigooda Yaaqshiid.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Warta Nabadda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, waxa ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 28aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga kama dambeysta ah ee tartanka u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 29aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa kaalinta saddexaad ku tartami doona degmooyinka Jilib Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana xigi doona tartanka kama dambeysta ah oo ay isku arki doonaan degmooyinka Kismaayo iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...