Kulan looga hadlayay sharciyada Caalamiga ah ee la dagaallanka Musuq-maasuqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Date:

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay wacyigelinta bulshada rayidka ah ee Siyaasadda iyo Sharciyada Caalamiga ah ee la dagaallanka Musuq-maasuqa, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirasan Maamulka Gobalka Banaadir, xubo ka socda Ururrada bulshada rayidka, qaar ka mid garyaqaanada Soomaaliyeed iyo xubno ka socday Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Axmed Xasan Yusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalladda oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda shirkan uu yahay sidii qeybaha bulshada faham buuxa looga siin lahaa la dagaallanka musuq maasuqa.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha shirka ayaa si xusay in si wada jir ah loola dagaalamo musuq maasuqa, ayna diyaar u yihiin inay gacan ku siinayaan hay’adaha ay quseyso.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in la dhisay guddi madax banaan oo la dadaallanka musuq maasuqa qaabilsan, isagoo intaa ku daray inay muhiimtahay  in dadku fahmaan dhibaatada musuq maasuqa uu leeyahay si looga adkaado.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in kan Wasaarad ahaan ay furi doonaan xafiis qaabilsan qabashada dadka ka cabanaya musuq maasuqa, si wax looga qabto arrimahaas.

Dhawaan ayay ahayd markii guddiga Madaxa Banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa doorteen guddoon cusub, si loo dar dargeliyo howlaha loo igmaday oo ay ugu horeyso baarista, dabagalka iyo ladagaallanka musuq maasuqa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...