Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay qaraxii caawa

Date:

Qof naftii halige ah oo xiran jaakadda walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay banaanka Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay dhimashada 6 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Sarsare oo katirsan Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay.

Kooxda dembibaarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID iyo Saraakiil kale ayaa gaaray goobta iyagoo billaabay baaritaano ku aaddan qaraxa.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo aad loo adkeeyay sugidda amniga magaalada Muqdisho, waxaana gudaha magaalada laga sameeyay baro koontarool oo dheeri ah si loo ilaaliyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed oo waqtigaan ku howlan cibaado iyo Alla bari, maadaama lagu guda jiro dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...