Ciidamada xoogga dalka oo tiro maleeshiyadA Al-Shabaab ka tirsan ku dilay Hiiraan

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali Ganeey iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo   ay ku dileen todobo ka tirsan maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab xili halkaas ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka  ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in Ciidamada Qalabka Sida ay ka warheleen in maleeshiyo  Al-Shabaab, ka tirsan ay Tuulada Quulaale ay ku abaabulayeen weerraro ay ku soo qaadaan degaanno hoostaga Degmada Maxaas, balse ay ciidamada halkaasi ka fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ay ku laayeen dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...