Home Blog Page 743

Booliska Dowlada Soomaaliya oo ka warbixiyay qarax naftii halige uu ka fuliyay maqaaxi dad rayid ah ay ka cunteynayeen.

0

5 qof ayaa dhimatay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Maqaayad laga cunteeyo oo ku dhaw dugsiga tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Kornayl Sadiiq Aadan Cali Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahitna ayaa sheegay in falka ka dhacay goobta maqaayadda uu ka dambeeyay qof naftii halige ah oo isku soo rakibay waxyaabaha qarxa,

“Naftii haligaha waxa uu galaaftay nolosha shan qof oo rayid ah iyo isaga oo lix ku ah, waxaana ku dhaawacantay ilaa iyo 8 qof, ciidanka booliska ayaa gar gaar caafimaad u fidiyay dadka shacabka ah ee waxyeelada ka soo gaartay” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska.

Afhayeenka ayaa Ummadda Soomaaliiyeed uga tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee ku nafwaayay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana uu Alle uga baryay kuwa ku dhaawacmay in uu u boogdhayo.

Qofka ismidaamiyay ayaa xirnaa jaakadda walxaga qarxa.

Dowladda Jarmalka oo deeq dawo ah ku wareejisay Itoobiya.

0

Safaarada Dalka Jarmalka ee magaalada Adis Ababa ayaa isbitaal ay leeyihiin ciidanka itoobiya ugu deeqay agab caafimaad oo u dhigma 1 million oo Euro.

Madaxa waaxda caafimaadka ee ciidanka itoobiya General Yilma Mekante ayaa sheegay in deeqday wax weyn oo muhiim ay u tari doonto ciidanka .

Colonel Andrei Scoffis, oo ka socday ciidanka jarmalka ayaa sheegay in jarmalku sii wadi doonaan taageerida ciidanka itoobiya.

(DAAWO) Warbixin Saameynta uu Ayaxa ku yeeshay gobolka #Geeska_Afrika ayaa ah tii ugu darneyd muddo 25-sanno ah.

0

Saameynta uu Ayaxa ku yeeshay gobolka #Geeska_Afrika ayaa ah tii ugu darneyd muddo 25-sanno ah.

Halkan ka Daawo.

 

Duqa Muqdisho iyo Wasiir Xamsa oo kawada hadlay horumarinta Ciyaahara dalka.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar kula kulmay Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa.

Labada masuul ayaa  ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee wasaarada iyo Maamulka gobolka banaadir iyo u diyaar-garowga tartanka ciyaaraha ee gobolada Dalka .

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish iyo wasiirka wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya waxaa kaloo ay kulankaasi kaga hadleen sidii garoomo cusub loogu dhisi lahaa Dhallinyarada ku dhaqan gobolka banaadir iyo gobolada kale.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la wareegtay Sharciga mihnadlayaasha caafimaadka qaranka.

0

Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta qabatay kulan ay ku soo dhaweynaysay saxiixidda sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo uu saxiixay Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka, Xildhibaano ka tirsaan aqalka sare, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulanka oo loogu mahadcelinayey madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saxiixay sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo ay horey u meel mariyeyn xildhibaanada labada gole.

La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga Abuukaate Keyse Saciid Cartan oo wasiirka Caafimaadka ku wareejiyay Dukumentiga sharciga Ayaa si kooban uga hadlay muhiimada sharcigan.

Senator  Cismaan Maxamuud Dufle  ayaa sharaxay marxaladihi uu soo maray Sharciga golaha mihnadlayaaaha caafimaadka oo soo biloowday 2014.

Wasiirkii ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya  Axmed Xuuseen Macallin  Ayaa xusay In sharcigan uu muhiim u yahay dhamaan Umada Soomaaliyeed.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulsahada Fowsiyo Abiikar Nuur  Ayaa si faah faahsan uga hadashay muhiimadaha waaweyn ee uu xambaarsanyahay sharcigan.

“Waa sharci loo baahnaa waqtigiisa ayuuna ku yimid waana sharcigii ugu horeeyay waxaana sharcigaan uu kala saari doonaan yaa awood uleh dhaqtar yaase noqon karo ayay tiri wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa dhaqan gelinta Sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo wax badan kusoo kordhin doono Hanaanka Caafimaad ee dalka.

Wasiirka Waxbarshada XFS oo daah-furay shirka dib-u-eegista tayada Waxbarashada Dalka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane eng.Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shirka dib u eegista iyo qiimaynta mashuurca lagu xoojinayo tayada waxbarshadda dalka iyo sidoo kale  tababaradda macallimiinta Soomaaliyeed ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada mudane axmed xasan yuusuf iyo agaasimayaasha waxbarashada maamul gobaleedyada dalka iyadoo laysku xogwareysanayay heerka waxbarashada iyo sida iskaashiga looga sameyn karo.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo xubno ka socday midowga yurub.

mashuurcaan waxaa maal-galiya midowga yurub waxana ka soo qayb galay wasaaraddaha waxbarashada maamul goboleedyadda dalka iyo hay’addaha fuliya mashuurcan.

Ku-simaha Madaxweynaha Punland oo madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Shaqada XFS+(SAWIRRO).

0

Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ah mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Wafdiga wasiirka oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayna qayb ka ahaayeen masuuliyin ka tirsan bangiga aduunka iyo Mashruuca Baxnaano iyo ayaxa ayaa saakay kormeeray deegaanka jibba galle oo ah deegaan beeralay iyo dhul daaqsimeed isugu jira uuna saamayn ku reebay ayaxii inta badan ku habsaday dhul daaqsimeedka Soomaalida.

Wafdigan wasiirka ayaa si doo kale kulan gaar ah oo saxaafadu banaan joog ka ahayd kula qaatay aqalka Madaxtooyada Puntland Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo masuuliyin ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in kulama kala duwan la qaato madaxda wasaarada Shaqada,shaqaalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayna ka wada hadlaan islaashiga labada dhinac,mashruuca Baxnaano iyo barnaamijka lagu taageero shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya ee uu taageero Bangiga aduunku.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qaabilay Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo Garoowe kaga qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jama Deperani ayaa ka warbixiyey.

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo Dhagax dhigay Wado muhiim ah oo dhaxmarta Magaaladaasi+(SAWIRRO).

0

Wadadaan Oo Ay Si Isxilqaan Ah U Dhisayaan Ardayda Waxbarashada Koowaad Ee Heerka Jaamacada Ku Dhameystay Jaamacada Galkacyo Mudadii Ay Jirtay Ayaa Waxaa Maanta Si Rasmi Ah U Dhagax Dhigay Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Oo Ay Wehliyeen Gudoomiye Ku Xigeenka Dagmada Maxamed Cabdi Cilmi Iyo Qaar Ka Mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo.

Munaasabada Dhagax Dhiga Wadada Oo Ay Goob Joog Ka Ahaayeen Masuuliyiin Kala Duwan Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Cabdulaahi Macalin Xasan oo ah Gudoomiyaha Ardayda Ka Baxday Jaamacada Galkacyo Waxaana uu Sheegay In Wadadaan Ay Tahay 1km Iyo Bar Iskuna Xiri Doonta Xarunta Cusub Ee Maama Khadiija Ee Jaamacada Galkacyo Iyo Dugsiga Sare Ee C/Laahi Ciise Isla Markaana Si Tabarucaad Ah Ay Ku Dhisayaan Ardaydii Ka Baxday Jaamacada 10kii Sano Ee U Danbeysay

Gudoomiyaha Jaamacada Galkacyo Injineer Muxyadiin Cabdullaahi Cabdi Iyo Cabdulqaadir Cali Jamac Qalabxoor Oo Ka Mida Shaqsiyaadkii Aas Aaska U Ahaa Hirgalinta Jaamacad Galkacyo Ayaa Wax Lagu Farxo Ku Tilmaamay Qorshaha Dhismaha Wadadaan Iyagoona U Mahad Celiyay Arday Jaamacada Ka Baxday Ee Dalkooda U Adeegaya

Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Ayaa Isna Dhankiisa Sheegay In Maamulka Cusub Ee Dagmadu Ay Ku Faraxsan Yihiin Talaabooyinka Horumarka Ay Uga Qeyb Qaadanayaan Ardayda Jaamacada Galkacyo Ayna Tahay Tusaale Ku Dayasho Mudan.

Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyadda XFS oo Kormeeray xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada.

0

Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyadda xukuumada federaalka soomaaliya ayaa manta Kormeer shaqo ku tagay xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho.

Madaxdaasi waxaa xaruntaasi ku soo dhoweeyay maamulka golaha murtida iyo madadaalada,iyagoo Kormeer ku sameeyay xafiisyada , masraxa tiyaatarka iyo qaybo kale.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cismaan Abuukar Dubbe Ayaa dhankiisa sheegay in hobolada waaberi ay sameeyeen xiliyadii dambe isbadal ayna soo bandhigeen suugaan aad u qiima badan.
Wasiirka Maaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo kormeerkaasi ka dib hadal gaaban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in suugaanta ay wax badan ka qaban karto wacyi galinta bulshada .

Kormeerkaan oo uu sidoo kale ka qeybgalay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta C/Naasir xuseen,waxaa hoboladii waabari ay halkaasi ku soo bandhigeen heeso wacyi galin ah.