Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 134 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 134 qof oo cusub 48-dii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,325.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (37) Puntland (20) gobalka Banaadir (7) Hirshabeelle (5), Jubbaland (1) iyo Koonfur Galbeed (1) taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,486.

Bukaannada cusub 46 ka mid ah waa rag 25-na waa dumar, 48-kii saac ee ugu dambeeyay 6 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 753 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...