Carruuta agoonta ah ee ku jirta xarumaha Dr Kadare iyo Degmada Afgooye oo la gaarsiiyay dhar iyo agab kale

Date:

Carruurtaan oo tiro ahaan gaaraya 150 dhammaantood waa agoon lagu barbaariyo xarunta Dr Kadare ee Degmada C/casiis oo ay gacanta ku hayaan Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed, waxayna fursad u heleen inay qayb ka noqdaan 435 carruur agoon ah oo ku kala jira xarumaha agoonta Degmada Afgooye iyo Dr Kadara, kuwaas oo maanta loo geeyay agabkii ay ku ciidi lahaayeen, kaasi oo ay iska gaashadeen Wasaaradda Cadaaalladda, Taliska Asluubta iyo hay’ado kale.

Faadumo Maxamed Jimcaale Agaasimaha xarunta Agoonta ee Degmada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u mahadcelisay itna ka qeyb qaadatay farxadda agoonta u baahan garab istaaga.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cilmi Waasuge Colow ayaa sheegay in carruurta agoonta ah ee ay gacanta ku hayaan ay yihiin carruur u baahan in lagu garab istaago sidii ay mustaqbal wanaagsan u heli lahaayeen.

Wasiirka Cadaalladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mahadceliyay hay’adaha samafalka Turkiga ee gacan ka geystay dharka iyo agabyada kale ee la guddoonsiiyay carruurta agoonta ah.

Sidoo kale Wasiir Cabdiqaadir ayaa hay’adda Hormuud foundation uga mahadceliyay deeq dhar ah oo ay gaarsiiyeen 1440 Maxbuus oo ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar, si ay ugu ciidaan munaasabadda ciidul fitriga ee foodda nagu soo heyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...