Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim oo ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa soo bandhigay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadaneyso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay dalalka Gobalku in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga, si loo mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo saboolnimada iyo xagjirnimada, korna loogu qaadayo nolasha shucuubta dalalkan iyo guud ahaan horumarka Qaaradda Afrika.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Uganda horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Yoweri Museveni, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono qorsheyaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer Qaaradeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna iyo dalakla kale.
Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda Soonfur, ugna baaaqay inay is caawiyaan, nabaddana laga shaqeeyo.


Maamulka Isbitaalka Martiini ayaa uga digay bulshada in aad looga taxadaro faafitaanka cudurka COVID-19 inta lagu jiro damaashaadka Ciidda.
Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.



Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in caawa ay Wasaaradda iyo culimada Soomaaliyeed sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aadan baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo shaaciyay in dalka Soomaaliya aysan barri ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha Barakeysan ee Ramadaan.
