Wasaaradda Waxbarashada oo daah furtay buugagta farta bareelka ee Manhajka Dugsiyada Hoose Dhexe “SAWIRRO”

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Nuuriyo Aadan Ciise ayaa daah furtay buugagta farta Bareelka ee  Manhajka Dugsiyada Hoose, Dhexe oo ay wax ku bartaan dadka aragga la’a  ee loo yaqaan  bareelka (braille).

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Nuuriya Aadan Ciise oo ka hadashay munaasabadda daah-furka ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada ay ka go’an tahay in ay xaqiijiso Waxbarasho loo dhan yahay, taasi oo micnaheedu tahay in canug kasta oo Soomaaliyeed uu helo Waxbarasho marxalad kasta oo uu ku sugan yahay.

Bugaagtaan maanta la daah furay ayaa waxa ay ka kooban yahiin Fasalka 1aad ilaa Fasalka 8aad ee Dugsiga Hoose, Dhexe looguna tala galay in ay daboolaan baahida 651 arday oo araga naaafa ka ah, waxaana tiradoodu  dhan tahay  8,618 buug,  sidoo kale waxaa madasha lagu soo bandhigay qalab loogu tala galay carruurta qabta baahiyaha gaarka ah.

Munaasabada lagu soo bandhigayay buugagta farta bareelka waxaa ka soo qayb galay agaasimayaasha, waaxda hormarinta adeegyada waxbarashada, waaxda hormarinta manaahijta, waaxda qorsheynta iyo agaasimaha waaxda waxbarashada dadban (Tvet & NFE).

Shirka waxaa dhanka fogaan aragga uga qayb galay hay’adaha taageero Waxbarashada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...