Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleysatay kaalinta 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 29aad ee kaalinta 3aad ku tartamay Degmooyinka Jilib Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Jilib Vs Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Jilib

Tartameyaasha Degmada Jilib Gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Jilib, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen dhamaanm Todobadii su’aal ee la weydiiyay, Mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Hadaba kulankii 29aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta 3aad ku guuleystay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...