Home Blog Page 729

Madaxweynaha Dooran ee Dalka Mareykanka ayaa La filayaa in uu Xilal kala duwan oo Muhiim ah Magacaabo,

0

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu xoghayihiisa arrimaha dibedda u magacaabo diblomaasi ruug cadaa ah oo lagu magacaawo Antony Blinken, sida ay qoreen warbaahinta Dalkaasi.

Bloomberg, The New York Times iyo dhowr hay’adood oo kale oo kuwa wararka fidiyo ah ayaa ka warbixiyay qorshaha magacaabista Blinken Isniinta, maanta ah iyagoo soo xiganaya ilo aan la shaacin oo ku dhow madaxweynaha la doortay.

Blinken, oo 58 jir ah, wuxuu soo noqday kuxigeenka xoghayaha arrimaha dibadda iyo kuxigeenka lataliyaha amniga qaranka ee dowladdii Madaxweyne Barack Obama, oo joe Biden uu kasoo noqday madaxweyne ku xigeen.

The New York Times War ay ka qortay Mr Blinken ayaa ugu yeedhay “difaaca xulafada caalamiga ah” iyadoo sheegtay in la filayo inuu isku dayo tartan cusub oo ay la galaan Shiinaha haddii loo magacaabo Xilka Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareyanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Iyana werisay warka ku saabsan magacaabista Blinken waxayna sheegtay in loo baahanayahay xaqiijin iyo in laga warsugo shaacinta Wareegtada oo maalinta Talaadada.

Joe Biden ayaa sidoo kale waxaa lafilayaa inuu u magacaabo Xubno kale oo aad ugu dhaw, Sida Michele Flournoy oo loo magacaabay Xoghayaha Difaac, Jake Sullivan, ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo lataliyaha Amniga Qaranka, sida ay qortay warbaahinta Mareykanka, halka Linda Thomas-Greenfield, oo ah Haweenay 35 sano jir ruug cadaayad howlaha Dibada ah, la filayaa in loo magacaabo safiirka Washington ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisulwasaare Rooble oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Baydhabo+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koofur GalbeedRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudne Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay magaalada Baydhabo kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka ee dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa odayaasha dhaqanka uga waramay ujeedada socdaalkiisa Koofur galbeed,isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka argagixisada iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta.

(DAAWO) WARKA KOOBAN SNTV 23.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban ee SNTV.

Wasaaradda caafimaadka XFS oo Muqdisho ka furtay shir ku saabsan nafaqada+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Waaxda mashruuca nafaqada ayaa waxa uu shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ah mid looga hadlayo dib u eegista iyo qorsheynta qorshaha sannadka 2020/2021 ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana kasoo qeyb galay wasaaradaha caafimaadka heer federaalka iyo heer dowlad goboleed iyadoo firado iyo talooyinka ku aadaa Qorshaha laysku waaydaarsan doono.

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada deegaanka Xaafuun oo ka mid meelaha uu Roobka wato Dabeylaha ka da’ayaan.

0

Magaalada Xaafuun 2 nin oo dhintay ayaa hadda la keenay gudaha magaalada waxaana la sheegay in 2 nin oo kale xeebta meedkoodu uu yaalo iyadoo aan hadda lasoo qaadi karin meydka labada nin ee xeebta lagu sheegay jewiga oo weli adag awgiis. Afarta qof oo dhintay ayaa lagu sheegay Yamaniyiin.

Afar doonyood ayaa ku soo caariyey xeebta magaalada Xaafuun iyo laashash badan oo baddu soo tuurtay waxaan la sheegay 2 doonyood oo kale oo iyaguna ku burburay roobka meel u dhow Xaafuun.

Xaafuun waxaa kale oo ku dhaawacmay 3 qof oo dhaawacoodu sahlan yahay.

Waxaa weli warkooda la la’yahay doonyo badan iyo dad iyo weliba laashash.

Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Ahmed oo shaaciyay in uu bilowday Qorshahii ugu dambeeyay ee Howlgalka Gobolka Tigreega.

0

Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in lagalay wajigii sadaxaad howlgal soo celinta sharciga ee gobalka tigreega

Abiy Ahmed wuxuu tilmaamay in wajigan uu yahay talaabadii ugu danbeysay ee lagu jirid siibayo TPLF islamarkaana cadaalada lagu keenayo.

Wuxuu ugu baaqay ciidanka TPLF in ay heystaan 72 saac oo ay isku dhiibaan

Shacabka ku dhaqan magaalada Makelle ayuu ka codsaday in ciidanka dowlada ay la shaqeeyaan.

Hadalka ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa imaanaya iyada oo ciidanka itoobiya ay ku sii siqayaan magaalada Mekelle.

Taliyaha ciidanka itoobiya ayaa sheegay in ciidanku ay qabsadeen dhul muhiim ah oo ah wadooyinka gala Mekelle.

Wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ciidanka itoobiya ay joogaan meel u jirta 90Km Mekelle halkaas oo dagaal culus uu ka socdo

Roobab iyo Dabeylo wada socda oo aad u xoogan ayaa caawa ka dhacaya Gobolka Bari Puntland Soomaaliya.

0

Roobab wato dabeylo xoog leh ayaa caawa ka da’aya xeebaha magaalada Xaafuun ee Maamulka Puntland Soomaaliya.

Warar deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ay guryo burbureen sidoo kalana waxaa dumay qaar ka mid ah taawarada isgaarsiinta.

Waxaa hakad galay kaluumeysigii kadib markii dadku ay badda ka baxeen
Lama sheegin qasaare nafeed oo dhashay roobabka iyo dabeylaha wada socda
Dowlada soomaaliya iyo heyada FAO ayaa ka digay maanta duufaanta GATI in ay ku wajahantay waqooyi bari ee Soomaaliya.

Waxii War ah ee ku soo kordha kala Soco Warbaahinta Qaranka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka XFS oo Guddiyada Doorashooyinka kula dardaarmay in ay si daacad ah u gutaan shaqooyinka horyaalla+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tilmaamay in tababarkan uu fududeynayo in si cadaalad oo aqooni ku dheehan tahay guddiga doorashada u guto waajibaadkiisa shaqo,islamarkaana doorashada u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan howl-geliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha hoose oo xilka la wareegay+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, kadib munaasabad ka dhacday Dagmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Guddoomiyihii hore ayaa sheegay in maamulkiisa ku guuleestay wax ka qabashada  adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool gobolka.

“Gobolka Shabellaha hoose oo aan soo xukumayay 20-kii billood ee la soo dhaafay waxaan gaarnay guulo waa weyn innagoo xaqiijinay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshadda sida tababbarida maamulada,Daadajinta nidaamka dowliga ah,qodista kannaalo ay ku diirsadeen bulshadda, xureynta deegaanno iyo degmooyin,hirgelinta in maamulka gobolka uu yeesho xafiis uu si buuxdo ugu shaqeeyo, hirgelinta leerarka ku shaqeeya Cadceeda, furista waddooyin xirnaa, Dhismaha xarumaha ay ku shaqeenayaan maamulada Degmooyinka,Saldhigyada Booliska,MCH-yo iyo la dagaalanka Al shabaab oo dhibaata ku haya shacabka”ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiyihii hore ee gobolka shabeellaha hoose Ibraahin Aadan Cali ayaa dowladda federaalka,Maamulka Koofurgalbeed iyo hay’addaha caalamka uga mahadceliyay taageeradii ay siiyeen muddadii uu xafiiska joogay.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka shabeelaha Hoose Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in uu dar-dar gelin doono shaqooyinka horyaalla.

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare oo la kulmay Wasaaradda Waxbarashada+(SAWIRRO).

0

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, Sanad Dugsiyeedka 2019-2020.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.