Home Blog Page 730

Roobab iyo Dabeylo wada socda oo aad u xoogan ayaa caawa ka dhacaya Gobolka Bari Puntland Soomaaliya.

0

Roobab wato dabeylo xoog leh ayaa caawa ka da’aya xeebaha magaalada Xaafuun ee Maamulka Puntland Soomaaliya.

Warar deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ay guryo burbureen sidoo kalana waxaa dumay qaar ka mid ah taawarada isgaarsiinta.

Waxaa hakad galay kaluumeysigii kadib markii dadku ay badda ka baxeen
Lama sheegin qasaare nafeed oo dhashay roobabka iyo dabeylaha wada socda
Dowlada soomaaliya iyo heyada FAO ayaa ka digay maanta duufaanta GATI in ay ku wajahantay waqooyi bari ee Soomaaliya.

Waxii War ah ee ku soo kordha kala Soco Warbaahinta Qaranka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka XFS oo Guddiyada Doorashooyinka kula dardaarmay in ay si daacad ah u gutaan shaqooyinka horyaalla+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tilmaamay in tababarkan uu fududeynayo in si cadaalad oo aqooni ku dheehan tahay guddiga doorashada u guto waajibaadkiisa shaqo,islamarkaana doorashada u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan howl-geliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha hoose oo xilka la wareegay+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, kadib munaasabad ka dhacday Dagmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Guddoomiyihii hore ayaa sheegay in maamulkiisa ku guuleestay wax ka qabashada  adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool gobolka.

“Gobolka Shabellaha hoose oo aan soo xukumayay 20-kii billood ee la soo dhaafay waxaan gaarnay guulo waa weyn innagoo xaqiijinay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshadda sida tababbarida maamulada,Daadajinta nidaamka dowliga ah,qodista kannaalo ay ku diirsadeen bulshadda, xureynta deegaanno iyo degmooyin,hirgelinta in maamulka gobolka uu yeesho xafiis uu si buuxdo ugu shaqeeyo, hirgelinta leerarka ku shaqeeya Cadceeda, furista waddooyin xirnaa, Dhismaha xarumaha ay ku shaqeenayaan maamulada Degmooyinka,Saldhigyada Booliska,MCH-yo iyo la dagaalanka Al shabaab oo dhibaata ku haya shacabka”ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiyihii hore ee gobolka shabeellaha hoose Ibraahin Aadan Cali ayaa dowladda federaalka,Maamulka Koofurgalbeed iyo hay’addaha caalamka uga mahadceliyay taageeradii ay siiyeen muddadii uu xafiiska joogay.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka shabeelaha Hoose Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in uu dar-dar gelin doono shaqooyinka horyaalla.

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare oo la kulmay Wasaaradda Waxbarashada+(SAWIRRO).

0

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, Sanad Dugsiyeedka 2019-2020.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

Ciidamada Dowlada Itoobiya oo Magaalo hor leh kala wareegtay TPLF.

0

Dowlada itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu la wareegeen maanta magaalada Idaga Hamus kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Qoraal ka soo baxay gudiga xaalada deg dega ayaa lagu sheegay in magaalada oo ku taala surinka gala magaalada Mekelle ee xarunta tigreega uu gacanta ciidanka galay.

Idaga Hamus waxay u jirtaa 97km magaalada Mekelle ee caasumada ismaaulka tigreega.

Ciidanka itoobiya ayaa sadaxdii cisho ee ugu danbeysay qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Shire, Axum, Adwa iyo Adigrat.

(DAAWO) BARNAAMIJKA WAXSOOSAARKA DALKA ©SNTV // 22 11 2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Waxsoosaarka Dalka.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta gaareen  Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Cadaallada Soomaaliya, Xubno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Baydhabo, hayeeshee wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeeda uu yahay dardar gelinta howlaha doorashoyinka iyo Amniga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa joogitaanka Ra’iisul Wasaare rooble oo Maanta halkaasi tgay tan iyo markii loo Magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

 

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo la kulmay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM+(SAWIIRO).

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad-goboledka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa magalada Beledweyne kula kulmay Saraakisha Ciidamada qalabka sida ee soomaliya iyo kuwa Amisom.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafaguray sida wax looga qaban laha Amaanka magalada Beledweyne oo lafilaayo in lagu qabto calemasarka madaxweyne dowlad goboledka hirshabele mudane cali guud laawe xuseen .

Magalada waxaa kusoo wajahan maalmaha soosocda wafuud kasocoto Dowlada Federalka Soomaliya iyo Maamulka Goboleedyada Dalka.

Gudomiye kuxigeen Amniga maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Miiris ayaa markii uu kulanka soogaga gaboobay warbahinta lahadlay waxuuna sheegay in 3 saxda dhinac ee kulmay ay isla garteen in si wada jir ah amaanka lagu sugu malmaha ay socdaan Calemasarka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ciidamada Federalka Itoobiya oo isku balaarin ka wada dhulka buulareyda ah ee u dhaxeeya Magaalooyinka Adigrat iyo Mekelle.

0

Ciidanka dowlada itoobiya ayaa ku sii siqaya dhulka buuraha iyo dooxooyinka leh ee u dhaxeeya Mekelle iyo Adigrat halkaas oo muhiim u ah TPLF.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in talaabada xigta ee ciidanku ay qaadayaan ay tahay in ay hareereeyaan magaalada Mekelle oo ah xarunta gobalka Tigreega.

Wuxuu sheegay in adeegsan doonaan taangiyo iyo madaafiic wuxuuna ka digay in kooxda TPLF ay dadka gabaad ka dhigtaan.

Colonel Dejene Tsegaye wuxuu shacabka ugu baaqay in ay ka dheeraadaan meelaha ay joogaan TPLF isaga oo sheegay in kooxdaas aan naxariis loo heyn.

Magaalada Mekelle waxaa ku nool nus malyuun qof waana meesha la aamisan yahay in maamulka iyo ciidanka TPLF ay wax kasta sameyn doonaan si ay u difaacaan.

Tababar Ku saabsan Hanaanka Ilaalinta Canshuuraha oo Galkacyo uga furmay Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Galmudug+(SAWIRRO).

0

Tababarkan oo socan doono muddo todabaad ah islamarkaana lagu baran doono hanaanka ilaalinta Canshuuraadka ayaa maanta Magaalada Galkacyo uga furmay Ciidamada Ilaalinta Canshuuraadka Gobalka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Tababarkan oo ay soo agaasintay laanta ilaalinta Canshuuraadka Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn Ka Warbixiyay Taliyaha Ciidan Ilaalinta Canshuuraadka Ciidanka Booliiska Galmudug G/Dhaxe Aadan Urur Cabdi oo ka hadlay Tababarka iyo waxa Uu ku saabsan yahay waxaana uu xusay in mudada todabada maalmood ah oo uu socdo Lagu baran doono Casharo la xariira hanaanka Ilaalinta Canshuuraadka iyo u adeegida Bulshada Gobalka Mudug isagoo dhan kalana sheegay in wax weyn ay ka badali doonto dardar galinta howlaha qaadista canshuraadka Galmudug oo haatan Dowlad Gobaleedka Galmudug ay xooga saarayaan Horumarinta Daqliga Canshuuraha.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Galmudug Cabdiraxiin Xasan Cabdullahi oo lagu Casuumay Furitaanka Tababarka ayaa isna kula dardaarmay Ciidanka Ilaalinta Canshuuraadka gudashada waajibaadkooda shaqo.