Cristinano Ronaldo oo dib ugu laabanaya Manchester United

Date:

Laacibka Kubadda Cagta Cristinano Ronaldo ayaa dib ugu laabanaya horyaalka Ingiriiskaa, waxaana heshiis la gaartay kooxdiisii hore ee Manchester United, iyadoo weeraryahankan caalamiga ah ee reer Portugal uu dib ugu noqonayo garoonka Old Trafford.

“Manchester United waxay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso in kooxdu ay heshiis la gaartay Juventus, si loogu wareejiyo Cristiano Ronaldo” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda Manchester United oo intaas ku daray “Cristiano, oo shan jeer ku guuleystay cabal-marinta Ballon d’Or, wuxuu ilaa hadda ku guuleystay 30 koob oo waaweyn intii uu ku jiray xirfadiisa, kuwaas oo ay ku jiraan shan horyaal oo Champions League ah, afar koob oo FIFA Club World Cup ah, toddoba horyaal oo England, Spain iyo Italy ah, iyo koobka qaramada qaaradda Yurub oo uu dalkiisa Portugal u qaaday.”

Manchester United ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in taageereyaasheedu ay ku farxeen soo noqoshada halyeygoodii hore, kaas oo u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhexeysay 2003-2009.

Ronaldo ayaa khamiistii sheegay inusan dooneyn inuu la sii joogo kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga, waxaana durbadiiba soo baxay in Manchester City oo deris la ah Manchester United ay xiiseyneyso saxiixiisa, waloow ay markii dambe ay ka laabatay, taas oo uu fursad u siisay inuu ku laabto koodiisii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...