Wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya oo soo gaaray degmada Xuddur

Date:

Wafdigaan heer Wasiir ah oo lagu soo dhoweeyey magaalada Xuddur ayaa waxa horkacayay wasiirka Cadaalada iyo garsoorka dowlad goboleedka koonfur galbeed Xasan Ibraahim Lubuur oo ay whliyaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta koonfur galbeed Saalax Shariif Siidkay  iyo guddoomiyaha gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur.

Soo dhoweyn kooban oo loogu sameeyey guddaha garoonka ka dib wafdiga ayaa loo galbiyey guriga martida ee gobolka Bakool halkaas oo ay kulan kula qaateen golaha deegaanka degmada Xuddur, maamulka degmada Tiyeeglow iyo kan gobolka Bakool .

Mas’uuliyiintaan heer Wasiir ee magaalada soo gaaray ayaa maamulka uga warbixiyey ujeedada safarkooda, mudada ay sii joogayaan magaalada iyo kulumo ay laqaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulada iyo booqasho ay ku sameyn doonaan masaajidka weyn ee dhawaan laga dhisay iyo maxkamadaha.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka, maaliyada gobolka Bakool Maxamed Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegey in wafdigaan deegaanka lagu sugayay ayna ka rajaynayaan in ay xaliyaan arrimo badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...