Home Blog Page 728

Wasiirka Difaaca XFS oo kormeeray Xarunta Idaacadda Ciidamada Qalabka sida+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa kormeer shaqo ku tagay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida (SNA Radio), wuxuuna kulan la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka sida.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa  Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka kula kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, iyagoo ka wada hadlay Tayeynta iyo Horumarinta Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dadaal muuqda iyo Horumar la taaban karo idaacadda Ciidamada ay sameysay mudadii ay jirtay.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ugu mahadceliyay shaqada adag ee qaranka ay u hayaan Shaqalaaha iyo howlwadeenada Idaacadda SNA Radio, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siinayaan Idaacadda ,wuxuuna hambalyo ku aadan Maalinta Raadiyaha Aduunka uu la wadaagay Shaqaalaha SNA Radio iyo Dhammaan idaacadaha  ku hadla afka Soomaaliga.

Si kastaba Wasaaradda Gaashandhigga XFS ayaa wada dadaalo Lagu horumarinayo Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey.

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen walaxaha qaraxa , howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxaha qaraxa ayaa laga fuliye tuulada Cad Cadeey ee Degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose.

Gaarigaan Hoomeyga ah ayaa in mudo ah lagu diyaarinayay walaxa qaraxa waxaana la sheegay in nabadiidka Al-shabaab rabeen in ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay gaariga ciidamada ay howlgalka ku qabteen uu ahaa gaari Hoomey ah isla Markaana lagu diyaariye walxaha qaraxa.

Saraakiisha Danab waxa ay sidoo kale sheegeen in gaariga Hoomeyga ah ee lagu diyaariyey walaxa qarxa Al-Shabaab doonayeen in ay ku gumaadaan shacabka ku dhaqan gobolada Banaadir iyo labada shabelle.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariye ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cad Cadeey ee degmada Afgooye.

Ciidanka Xoogga dalka oo howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Gobolka Gedo.

0
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howl-gallo kala duwan ka sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo, kaas oo Amniga lagu xaqiijinayay.
Howl-galka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Degmada Luuq Xasan Aadan Muqtar ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameyeen degaanno hoostaga degmada luuq, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada ma shaacin waxyaabo lagu soo qabtay inta uu howlgalka socday, hayeeshee ay sheegeen in uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga degmada luuq iyo degaannada hoostaga.
Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Dagmada Luuq Xasan Aadan Muqtar ayaa waxaa uu sheegay howl-galada ay noqn doonaan kuwo joogto ah oo sii socon doona ila iyo Al-Shabaab laga saarayo degaannada hoostaga degmada luuq.
Degmooyin iyo degaanno ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Al-Shabaab, halka mararka qaar Ciidamada dowladda ay fuliya.

Ingiriiska oo sheegay in 13.5 milyan oo qof laga Tallaalay COVID19.

0

Britain waxaa la sheegayaa in ay  dhowdahay  inay gaarto hadafkii ay tiigsanay bartamaha bishan Febraayo,  kaasi oo ah in xanuunka COVID 19,  laga tallaalo 15 milyan oo ka mid ah kooxaha u nugul ee ku hawlan ka hortaga fayraska Corona, taasi oo horseedi karto yareynta faafitaanka xanuunkan.

In ka badan 13.5 milyan oo qof ayaa la tallaalay tan iyo markii barnaamijka tallaalka ugu weyn taariikhda UK laga bilaabay horraantii  bishii Diseembar ee sanadkii tagay, celcelis ahaan 431,323 qof ayaa helayay maalin kasta intii uu socday Tallaalkan.

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa balan qaaday inuu talaalayo dhamaan dadka ku taxan afarta qaybood ee mudnaanta leh, oo ay ku jiraan dadka  ay da’dooda ay ka weyntahay 70-ka sano, dadka degan guryaha daryeelka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha muhiimka ah.

Dhanka kale, Xukuumadda Welsh, oo si madaxbanaan u wadata siyaasadeeda caafimaadka, ayaa sheegtay inay ku guuleysan doonto hadafkeeda ah talaalka afarta koox ee mudnaanta la siinayo.

Tirooyinku waxay muujiyeen in qiyaastii 22% dadweynaha Wales ay heleen tallaal, marka la barbardhigo dadka England tallaalkan helay 20.3%, sidokale reer Scotland ayaa dhankooda helay 19.2%,  halka dadka  Waqooyiga Ireland ku nool ay Tallaalkan ka heleen 18.7%.

Johnson  wuxuu ballan-qaaday inuu dib-u-eegi doono dhammaan xogta khuseysa  Tallaalkan, ka hor inta uusan sameynin  waddada ay dowladdiisa ku wajaheysa xanuunkan bilaha soo socda.

“Waxaan horumarin doonaa qaab kale oo loo wajahayo yareynta  faafitaanka xanuunkan,  taas oo ay ku jiri doonto qorshayaal dib u furida Iskuulada.” Sidaas waxaa warbaahinta usheegay Af hayeen u hadlay Boris Johnson.

Wasaaradda cadaaladda oo shir muhiim ah la yeelatay deeqbixiyeyaasha taageera cadaaladda dalka.

0

Waxaa maalinnimadii Jimcaha, 12ka bisha Febraayo 2020 qabsoomay shir  fogaan arag ah, kaas oo heerkiisu sarreeyo, waxaana  shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.

Shirka waxaa lagu falanqeeyey  barnaamijyada cadaaladda iyo asluubta, iyadoo aad looga hadlay horumarrada laga sameeyey xabsiyada Kismaayo iyo Maxkamadda Boosaaso.

Wasiirka ayaa ka hadlay howlaha sanadkaan hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda ayna kamid tahay qorshaha istraajiyadeed ee shanta sano ee hey’adaha cadaaladda yeelanaayaan.

Ugu danbeyntii waxaa lagu ansaxiyey howl-qorsheedka 2021. Shirka waxaa ka soo qeyb galay deeq bixiyeyaasha taageera bahda cadaaladda sida EU, Netherlands, Sweden, Hey’adda IDLO, iyo dhammaan qeybaha hey’adaha Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Caafimaadka X.F.S oo faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu dambeeyay ee COVID-19.

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu danbeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in barataanadii ugu danbeeyay ee la sameeyay shalay laga helay 28 ruux oo ku sugan Muqdisho iyo Hirshabeelle, islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Drs. Fawziya Abiikar Nuur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegt in 12-kii February 2021: xanuunkan laga baaray dad gaaraya 628 COVID-19, waxana Laga Helay 62, oo ku sugan Banadir, kuwaa oo kala ah 36 Lab ah iyo 26 Dhedig ah, halka ay u geeriyodeen 2 qof.

Wasaaradda ayaa Tirada Guud ee Laga Helay xanuunkan ku sheegtay 5,075, Tirada Guud ee Bogsatay waa 3,733.

Halka Dhimashada Guudna ay tahay 146.

Wasaaradda ayaa ygy danbeeyn digniin caafimaad u dirtay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed si ay ugu digtonadaan halista xanuunkan oo markale soo laba kacleeyay.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho.

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah uu soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.

Feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo Khatarta argagixasad ay la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Baarlamaanka Yurub oo ansaxiyay ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee Yaman ku sugan.

0

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa si weyn ugu codeeyay qaraar qabyo ah oo ku baaqayo in dalka Yaman laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye si loo fududeeyo wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalkaas, xilli ergayga Mareykanka ee Yaman uu kala hadlay madaxweynaha dalkaasi in heshiis siyaasadeed laga gaaro dhibaatada wadankaasi ka taagan.

Go’aankan uu gaaray Baarlamaanka reer Yurub ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu xalliyo dhibka ka socda dalkaasi tan iyo sanadkii 2015, dagaaladaasi oo sababay dhibaato bini’aadanimo tii ugu xumeed.

Qaraarkan ayaa xoojinaya dadaalka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaman Martin Griffiths si loo riixo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalkaasi.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay  ayaa golaha Amaanka ugu baaqay in ay qaataan tallaabo adag si qaswadayaasha Yaman loogu gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo in la balaariyo liiska dadka cunaqabateynta lagu soo rogay.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka ee Yaman ayaa sheegtay in Madaxweyne Cabdi-Rabbu Mansuur Haadi uu ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen, hoyga uu ka degan yahay magaalada Riyaad, si ay uga wada hadlaan dadaallada loogu jiro nabadeynta dalka.

Wakaaladda oo soo xiganeysa illo ku dhaw Madaxweynaha Yaman sheegtay in uu madaxweyne Haadi, ku raacay ergayga Mareykanka, dadaalada uu ku doonaayo amniga iyo xasilloonida Yemen.

Maamulka cusub ee Mareykanka oo xayiradii ka qaaday dadka qaxootiga ah.

0

Maamulka  cusub ee madaxweyne  Biden ayaa ku dhawaaaqay in ay billaabi doonaan  in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo qaxooti  ah, waasi oo hadda  ku xayiran dalalka la deriska ah sida dalka Mexico.

Warbixin  ka soo baxday maamulka Mareykanka ayaa lagu sheegay  in laga billaabo Toddobaadka  soo socda uu gudaha dalkaasi ka bilaaban doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ah ay diyaar tahay.

Dadka  ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.

Tallaabadan ayaa u muuqato  lagu doonayo in lagu meesha looga saaro siyaasadahii  guracnaa ee sida weyn loogu dhaliili jiray madaxweynihii  dhawaan xilka baneeyay ee dalkaasi Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Soomaaliland geerida ku timid Marxuumka oo ahaa Suldaankii Guud ee Soomaaliland.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.