Home Blog Page 728

Puntland oo Guddi Gaar ah u saartay Roobabka Dabaylaha watay ee ku dhuftay Gobalka Bari+(SAWIRRO).

0

Shirkan Deg dega ah ee Golaha wasiirada Puntland uuna shir guddoominayay Kuskmaha Madaxwaynaha Puntland ayaa yimid kadib Markii roobab dabaylo watay ay ku dhuftay inta badan dagmooyinka Gobalka Bari gaar ahaan deegaanada Saaran xeebaha haba ugu darnaato dagmada xaafuun ee .

Shirkan deg dega ah ee Golaha wasiirada Puntland ayaa lays kula qaatay in loo saaro xaaladaasi dag daga ah ee ka soo cusboonaatay Gobalka bari Guddi gaar ah oo ay hormuud u noqonayso Hay’ada kahortagista iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA si loola socda xaaldaha hadba jira iyo gurmad wixii la gaarsiin karo sida uu war bahinta la wadaagay markii u shirku soo dhammaaday Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta,Hidaha iyo Dhaqanka Puntland C/laahi Xirsi Tima cade.

Wasiir timacade ayaa Dhanka kale Bulshada Puntland iyo soomaaliyeed ba ka codsaday in loo gurmado bulshada Bari gaar ahaan dagmooyinka ay sida gaar ka ah u saameeyeen Roobabkan iyo dabaylaha wada jiraaa.

Xaafuun,Hurdiya,Caluula iyo isku shuban iyo deegaanada kala duwan ee hoostaga ayaa ah Meelaha laga soo sheegayo saamaynta ugu badan ee ay gaysteen Roobabkan dabaylaha wataayi.

walow wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno boosaasana ay sheegaan inay jiraan Biyo badan oo uu soo rogay roob hayay magaaladaasi in ka badan 24saac balse ma jiro wax khasre ah oo wali laga soo sheegay Gudaha Boosaaso.

(DAAWO) BARNAAMIJKA MADASHA DHALINYARADA ©SNTV // 23.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Madasha Dhalinyarada SNTV.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay golaha wasiirrada Koonfur galbeed+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaalya, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee arrintaas ka shaqeynaya, si loogu guuleysto qabashada doorasho hufan oo caddaalad ah ku dhacda.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu sidoo kale kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koofur galbeed  wuxuuna uga waramay ujeedada socdaalkiisa Koofur galbeed, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka argagixisada iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay.

    

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Qatar ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa diblumaasiyiin ka tirsan safaaradda Qatar ee Soomaaliya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur galbeed.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur galbeed.

Khasaaraha ka dhashay duufaanta GATI oo ku dhufatay gobolka Bari oo korortay.

0

Ugu yaraan 8 kalluumeesato u dhashay Yaman ayaa la xaqiijiyay iney ku naf wayeen halka 9 qof kale oo ka mid ah dadka degaanka ah ay dhaawacyo kala duwan  kasoo gareen  roobab dabeylo wata oo sacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari, waxaana burburay guryo ku yaalla halkaas oo dabeysha burburisay.

Dadki ku noolaa deegaanka lagu magacaabo Hurdiya oo u dhow Xaafuun ayaa barakacay, kadib markii gudaha deegaanka ay soo gaareen biyaha badda kadib markii ay ku dhufatay duufaan xoogan.

Degmooyin iyo degaano katirsan gobolka Bari, oo dhammaan ku yaal bariga Puntland ayaa roobabku siweyn uga da’een, waxaana kamid ah magaalada xeebta ku taal ee Xaafuun oo roobku si aad ah saamayn ugu yeeshay sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha magaalada Xaafuun ee gobolka Bari Maxamuud Yuusuf.

Roobabka watay duufaanta ayaa saameeyay deegaanno badan waxeyna jareen isgaarsiinta.

(DAAWO) BARNAAMIJKA WAXBARASHADA ©SNTV // 23.1. 2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Waxbarashada SNTV.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda XFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka kalluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan warsame, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xuno kale oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta wasiirka cusub isagoo u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta soo dhaweeyo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar, waana kula shaqeynayaa si uu uguto waajibaadka culus ee loo igmaday” ayuu yiri wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa uga mahadceliyay xubnaha soo dhaweeyay, waxaana sidoo kale uu madaxweynaha dalka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda uga mahadceliyay magacaabista isagoo xusay in  uu halkeeda kasii wadayo shaqada loo igmaday.

“Waxaana marka hore uga mahadnaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka fursada ay isiiyeen inaan ka mid noqdo xukumadda si aan qeyb-uga noqdo hannaanka lagu xoojinayo dowladnimada,sidoo kale waxaan u mahadcelinayaan wasiirkii hore wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 20-kii bishaan isbeddel uu ku sameeyay wasaaradda arrimaha dibadda ugu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dowlada Itoobiya oo ku Eedaysay TPLF Burburin xoogan oo loo geystay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Axum+(SAWIRRO).

0

Dowlada itoobiya ayaa sheegtay in ciidanka tigreega ee TPLF ay burburiyeen garoonka diyaaradaha magaalada Axum gaar ahaan dhabaha ay diyaaradahu ku cararaan.

Garoonkan oo shaqeyn jiray 24-saac kana mid ah garoomada sida casriga ah loo dhisay ee itoobiya ayaa waxaa ku kacay aduun gaaraya 13.78 malyuun oo doolarka Mareykanka ah.

Axum waxaa ku yaala goobo taariiqi ah dhismo yaal fac weyn oo guun ah halkaas oo dad badan u daawasho tagi jireen.

Sidoo kale Axum waxay qeyb kaga jirtay dalxiiska itoobiya oo iyada ah meelaha ugu caansan oo dadka ajnabiga ah u dalxiis tagaan.

Maamulka Gobolka Mugud oo Magaalada Gaalkacyo ku soo Dhaweeyay Wariiska Shaqada JFS+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa magaalada Galkacyo kusoo dhaweeyay masuuliyiin Ka tirsan maamulka gobalka Mudug iyo Kan Dagmada Galkacyo ee Maamulka Galmudug.

Duqa Degmada Galkacyo Abdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ugu horeen ku aamaany Wasiirka in uu yahay wasiirkii ugu horeeyay ee wasiirada xukuumada uu Raysal wasaare Rooble uu Soo gaaro magaalada Galkacyo waxuuna ka codsatay in Bulshada soomaaliyeed ay u baahantahay Wax qabad dhab ah si taaso loo helanay ay muhiimtahay Hormarinta Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Duraan Axmed Faarax oo Munaasabada soo dhaweynta ka hadlay ayaa ugu horeyn Ka mahad celiyay Soo dhaweynta isagoo dhanka kalana faah faahin Ka bixiyay ujeedka safarka uu ku yimid magaalada Galkacyo.

Mr Duraan ayaa sheegay in safarkiisa Galkacyo uu qeyb Ka yahay u kuurgalida Arriamaha Hormarka laga sameeyay ee Dhinacyada Amniga iyo hormarka Bulshada Galkacyo waxuuna ugu baaqay shacabka guud ahaa Galmudug sii xoojinta Amniga, nabad Galyada hormarka Bulsahda.

Shaqaalaha Wasaaradda waxbarashada,Hiddaha iyo tacliinta sare oo ka qeyb qaatay Ololaha kaltanka #Isxilqaan+(SAWIRRO).

0

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ka qeyb galay ololaha Isxilqaan wareegiisa 16-aad.

Ololaha ayay howlwadeennada Wasaaradda Waxbarashada ka fuliyeen maanta dhismaha Guriga hooyinka Qaranka ee lagu maamuusay (Hooyo Baxsan) kaasi oo ka mid ah xarumaha danta guud  ee lagu dhisayo Isxilqaan.

Isu duwaha ololaha Isxilqaan Ismaaciil Cali Cabdullaahi ayaa shaqaalaha dowladda ku ammaanay dadaallada dib u dhiska dalka, isagoo wasaaradda waxbarashada uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadaneyso ololaha.

Barnaamijka Isxilqaan ayaa ah barnaamij qiimo wey u leh bulshada Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisayo xarumaha danta guud, kuwaasi oo haatan meel gabo gabo ah maraya dib u dhiska kooda.